|
|
Qaybtii koowaad ee warbixinta Wasaaradda Waxbarashada ee dalka Qalinkii:
C/raxmaan Maxamed Guun
Usefull link: short sleepers are in risk for Diabetes
SDWO (Hargeisa
28/03/06) Inagoo ku dhex jirna taxanaheenii ama ku faaqidaynay waxqabadka
Wasaaraddaha & Wasiiradda wakhtigan jooga maantana waxaynu ku eegi doonaa
mid ka mid ah kuwa ugu mudan Wasaaraddaha dalka taasoo ah:
Wasaaradda Waxbarashada
Lacagta
Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada inteeda badani waa mushaharka macalimiinta 2001:
5,020,564 oo u dhigmaysay 6.43% Miisaaniyaddii guud ee dalka 2002:
5,651,189,000 oo u dhigmaysay 6.36% Miisaaniyaddii guud ee dalka 2003:
3,434,965,447 oo u dhigmaysay 3.38% Miisaaniyaddii guud ee dalka 2004:
4,573,462,219 oo u dhigmaysay 3.1% Miisaaniyaddii guud ee dalka Wasaaraddani waxay ka mid tahay sida aynu kor ku aragnay Wasaaraddaha ugu Miisaaniyada badan haddaba si aan u ogaano bal qaabka iyo sida loo isticmaalo Miisaaniyadda iyo si aan u daba galno in ay mareen halkii loogu talo galay ayaa waxay nagu qaadatay
muddo aad u dheer muuqaalka guud ee Wasaaraddu waa mid aad u bilicsan waxay
leedahay Wasiir, Wasiiru dawle, Agaasime Guud iyo afar Agaasime Waaxeed tirada
macalimiinta ee dalku waa ku dhawaad laba kun oo macalin, Gaadiidka Wasaaraddu
ay maanta haysataa waa todoba iyo toban gaadhi waxaanay u qaybsan yihiin shan
gaadhi waxa iibisay Dawlada sanadihii 1999kii, 2002dii, 2004tii lix gaadhi oo
kalena waxa ku caawisay hayada UNICEF oo maanta dhamaantood wada shaqeeya waxa
kale oo hayada SCF Denmark laga helay laba gaadhi hayada IAS ayaa iska kaashaday
gaadhi loo iibiyay Degmada Sheikh ee gobolka Saaxil saddex gaadhi laba maarki
tuu yihiin iyo xaajiyad Wasaaraddu waxay ka iibisay si dadban lacagtii loogu
talo galay inay ku kiraystaan gaadiidka ay ku shaqaynayaan, Gaadhiga GT 316 Mark
II oo laga iibiyay kiro afar bilood ahayd oo hayada UNESCO PEER ugu kirayn
lahayd xafiiska manaahijta iyo tabobarada, GT 483 xaajiyad Hilux ah oo ka hawl
gasha waaxda kormeerka guud waxa laga iibiyay kiro todoba bilood ahayd oo hayada
SCF USA u kirayn lahayd Wasaaradda waxa kale oo intaa u dheer Wasaaradda afar
Mooto oo hayada SCF UK ku caawisay degmooyinka Oodweyne, Balidhiig, Buhodle iyo
xafiiska xisaabaadka Waxbarashada Gobolka Togdheer run ahaantii intii aanan
galin daraasaadkan waxaan ka mid ahaa dadka sida aadka ah u naqdiya waxqabadka
Wasaaradda Waxbarashada balse marka aad hoos ugu dhaadhacdo waxaad ogaanaysaa
inay tahay mishiinka kala wada hawlaha ugu muhiimsan ee wadanka tusaale ahaan
Dugsiyada Xukuumadda ardayda dhigata isu gayntoodu waa 117260 arday (boqol kun
todoba iyo toban kun laba boqol iyo lixdan arday), macalimiinta wax u dhigta
ardaydaasi waxay dhan yihiin 2367 macalin (laba kun saddex boqol todoba iyo
lixdan kun oo macalin) tirada dugsiyada waa 392 dugsi (saddex boqol laba iyo
sagaashan dugsi) oo ku kala yaala lixda gobol ee dalka fasaladuna waa 2455
kalaas (laba kun afar boqol iyo shan iyo konton kalaas) intaasi waxa weeye
ardayda dhigata dugsiyada Xukuumiga ah oo anay ku jirin dugsiyada kor u qaadista
qoyska sida kuwa waxbarashada asaasiga ah ardayda dhigata dugsiyada gaarka loo
leeyahay waa 30435 arday (soddon kun afar boqol iyo afar boqol shan iyo sodon
kun oo arday) marka aynu haddaba ka nimaadno ardayda gaadiidka iyo waxqabadka
kale ee Wasaaradda ayaa waxa aynu isku dayaynaa in aynu falanqayno qaabka iyo
sida ay wax uga socdaan hawlaha baaxadaa leeg ee joogtada ah aan ku horeyno
Wasiirka Wasaaraddaa xaqiiqdii marka runta laga hadlayo waa nin macquul ah,
degen, aqoonyahan ah, daadajiyayna maamulkii oo cid walba faraha uga qaaday
shaqadii ay lahayd waxa la shaqeeya Agaasime Guud oo cusub in kastoo aan
qiimayntiisa wax badan laga dheegi karin haddana qaabka uu hadeer u shaqeeyaa
maaha mid ay diidayaan damiirka dadweynuhu waxase dhibaato ka jirtaa Agaasimaha
Maamulka oo aan isagu cidnaba ka amar qaadan isuna hasta inuu ka awood badan
yahay xataa Wasiirka waxaan aad ugu farxay awal hore hayaduhu iyaga ayaa qaban
jiray siminaarada isla markaana waxay doonaan ayay ka yeeli jireen waxase
wakhtiyadan danbe si toosa ula soo wareegay Wasaaradda waxa iyaduna bar-bar
socotay isla jaanqaadka koboca tirada ardayda ee xawliga ku socotay iyo
baahiyaha fasalada ee dugsiyada asaasiga ah iyo kuwa sareba hirgelinta dhismaha
laababka sayniska iyo farsamo yaqaanadooda ee dugsiyada sare ee dalka waxa
iyaguna kor loo qaaday fidinta laybreeriyada looga baahan yahay degmooyinka iyo
Gobolada haddaan dib ugu yara noqono tirada guud ee ardayda qaadatay shahaadada
Dugsiga sare sanadaha u dhexeeyay 2001 – 2004ta waxay noqonayaan sidan √
Hargeisa 711 arday √
Awdal 100 arday √
Togdheer 37 arday √
Saaxil 34 arday √
Sanaag 18 arday √
Sool 0 arday Isu
gayntooda guudna waxa ay noqotay 900 oo arday halka
ardayda dugsiyada dhexe ee 2001 – 2004 ay ahaayeen √
Hargeisa 85 arday √
Awdal 1 arday √
Togdheer 1 arday √
Saaxil 1 arday √
Sanaag 1 arday √
Sool 0 arday Isugayntooduna
waa 90 arday, hada ha u
qaadanina ardayda shahaadooyinka qaadatay ama aan qaadanin in ay yihiin ardaydii
waxka baratay sanadahaas oo dhan dalka ee waa ardaydii soo haleeshay in ay
qaataan shahaadooyinkooda waayo waxaa jira arday intay qalin jabiyaan aan
qaadanin shahaadada. Siduu
ii sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada shahaadooyinka Dugsiyada hoose dhexe
sare waxaa laga aqoonsan yahay wadamo badan oo caalamka ah waxa Wasaaradda ka
kaalmeeya sugida imtixaanaadka hayada AET iyo UNESCO PEER hawlaha imtixaanaadka
oo ah mar aan wax ka waydiiyay sarkaal ka tirsan gudiga imtixaanaadka maadaama
ay tahay arin xasaasi ah wuxuu ii sheegay waxay Wasaaraddu u dejisay qaab sugan
oo marxalado si taxadir leh looga firkiray oo ka kooban sida soo socota:- Kaadhadhka
waxa loo sameeyaa qaabka lacagaha loo sameeyo mid u dhaw haddii la isyidhaahdo
hala been abuuro ama la isku dayaba waxa soo baxaya astaamo hoose oo qarsoonaa
sidaa ayaa lagu qabtaa cida samaysa marka aan dhan kale ka eegno waxaan ognahay
in aan habluhu ku dhiiranin ama ay meel dhexe kaga hadhaan Waxbarashada taasoo
Wasaaraddu samaysay in ay ku dhiiri geliso hablaha in xataa haddii ay waayaan
fiiga laga qaado aan iyaga loola macaamilin sida wiilasha haddaba waxa ay
leedahay Wasaaradda Waxbarashadu qoraal qoran oo la yidhaahdo Siyaasada
Waxbarashada Qaranka 1.
Waxa nuqulka u horeeyay ee barnaamijka
Siyaasada Waxbarashada la iskugu yimid Hargeisa sanadii 1994kii waxaana ka qayb
galay la taliyeyaal ajnabi ah iyo kuwo reer 2.
Sanadii 1997kii ayaa haddana mar labaad gudi
heer Qaran, indheer garad Waxbarasho iyo la taliyeyaal khubaro ah oo ka socda
hayada UNICEF ayaa waxa lagu sameeyay kobcin iyo tayayn. 3.
Sanadii 1999kii waxa hadana Wasaaradda
Waxbarashaddu u igmatay haadintii u danbaysay ama shaandhayntii u danbaysay
khabiirkii manaahijta Somalia marxiim Bashiir Faarax Kaahiye, aqoonyahano
Wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacada Somaliland iyadoo uu wehelinayo khabiir
Marakan ah oo khibrad dheer u lahaa dejinta siyaasada Waxbarasho ee heer caalami. 4.
Sannadii 2003da ayaa iyadoo wasaaraddu la
kaashanaysa hayada UNICEF lagu gudbiyay Nairobi/Kenya khubaro caalami ah oo uu
Gudoominayo Wasiirka Waxbarashada ee dalka 5. ugu danbayntii sannadii 2004ta waxa naqtiin la waafajinayo himilooyinka iyo yoolka Waxbarashada Qaranka Somaliland ku sameeyay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada. Document-gan aynu ka sheekaynayno oo dhamaystirana waxa lagu tujumay afka soomaaliga kuwaasoo sida uu ii sheegay Wasiirka Wasaaraddu hadeer diyaar u ah in loo gudbiyo Goleyaasha Qaranka si loogu hago siyaasada heer Qaran ee Waxbarashada dalka. Intaa waxa raaca wasaaradda waxa hoos yimaada oo ay caawisaa bishiina siisaa 20.000.000 (labaatan milyan) oo sanadkii noqonaya 240.000.000 (laba boqol iyo afartan milyan) xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeisa waxa kale oo ay lacag is leeg siisaa Jaamacadaha Hargeisa, Camuud, Burco min 100.000.000 (boqol milyan) mid kastaba Lasoco
qaybta danbe ee warbixinta wasaarada Waxbarashada
|