Dhibaatooyin balaadhan oo uu keenay maamilkii Af-weyne iyo hawlgaladiisii aan ku salaysnayn garasho iyo bisayl dawladeed ayaa waxay wadankii Soomaaliya la odhan jiray guud ahaan ku keeneen dib u dhac balaadhan oo dhan kasta ah. Gaar ahaan waxay ay si laxaad leh oo u gooni ah u taabteen goboladii la odhan jiray Waqooyiga ee imika ah (Somaliland Republic).
Maxaad ka ogtahay kaalintii AFRAAD iyo aasaaskii SNM?
Hordhac
Dhibaatooyin balaadhan oo uu keenay maamilkii Af-weyne iyo hawlgaladiisii aan ku salaysnayn garasho iyo bisayl dawladeed ayaa waxay wadankii Soomaaliya la odhan jiray guud ahaan ku keeneen dib u dhac balaadhan oo dhan kasta ah. Gaar ahaan waxay ay si laxaad leh oo u gooni ah u taabteen goboladii la odhan jiray Waqooyiga ee imika ah (Somaliland Republic).
Dhibaatooyinkaa u goonida ahaa gobolada waqooyi oo aynu ka wada warhayno waxay ahaayeen ayaa haddana si kala duwan u taabanayay dadyowga ama beelaha degan goboladaasi oo imika ah (Somaliland Republic).
Bilowgii sanadkii 1977-78 waxa ugu soo kordhay dhibaatooyinkii hore ee jiray, dadkii oo la geliyay dagaal balaadhan oo naafeeyay noloshii dadka degan goboladii waqooyiga gaar ahaan. Dagaalkaasi oo keenay burbur aad u balaadhan oo dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho intaba. Waxa ay dawladdii Itoobiya baabiisay magaalooyinkii waqooyiga intooda badan oo ay diyaarado ku dukhaysay. Waxa dagaalkii ku soo bara kacay dad ku dhaw (million qof) oo waqooyiga ku soo jabay iyaga oo qaxooti ah, oo culays aad u wayn ku ahaa dadkii deganaa waqooyiga. Taas oo jirta haddana dadka reer waqooyigu waxa ay dadaal, karti iyo deeqsinimo hagrasho la’ aan ah u quudheen inay u gargaaraan dadkan soo qaxay intii la karayay.
Hadaaba markii dagaalkii lagu soo jabiyay taliskii Afweyne ee ciidamadii iyo jabhadihii la socday ay wadankii ku soo laabteen 1978, ayaa waxa bilaabmay dhibaato aad u balaadhan oo haddana sii kala saamaysay goboladii waqooyiga. Dhibtaas oo si aad u balaadhan oo qalafsan ugu habsatay dadka degan degaanka degmada Gabilay, gaar ahaan magaalooyinka (Geed-balaadh iyo Wajaale).
Dhibtaas oo ah tii ay ka dhalatay jabhaddii xaq u dirika ahayd ee la odhan jiray Afraad (1979 bilowgiisii). Haddaba aniga oo u kala saaraya taariikhdan qiimaha badan leh ee lama ilaawaanka ah qaybo kale duwan ayaa waxa aan ku bilaabayaa, baahidii keentay inay Afraad samaysanto.
Baahidii Keentay Inay Afraad Samaysanto
Afraad, waxa laga yaabaa inaanad maqal, balse horta akhristow aan wax yar kaaga sheego. Afraad waxay ahayd urur jabhad (xaq u dirid) ah oo lagu dhex abaqaalay jabhaddii gardaro u dirirka ahayd ee la odhan jiray Jabhada xoraynta somali Galbeed, ee taliskii qabiilka ku salaysnaa ee Afweyne uu u samayeeyay dadka ay isku haybta yihiin ee Itoobiya degan inay xoreeyaan (1977-78).
Markii haddaba gardaradii qaawanayd ay suurta geli wayday ee ay caabiyi kari waayeen dawladdii Itoobiya ee lagu soo jabiyay, lagagana adkaaday dagaalkii dawladdii Afweyne iyo jabhaddii gardarro u dirirka ahayd ee loogu yeedhi jiray jabhadda xoraynta Somali Galbeed. Waxay firxadkoodii ku soo laabteen Soomaaliya. Tii oo dagaalkaa gardarada ahaa dad badan oo Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba uu baabiiyay noloshoodii oo tiro aan la qiyaasi karin ku dhimatay. Tiro aan la qiyaasi karin ku bara kacday. Wiiqay dhaqaalihii yaraa ee koobnaa ee dalka oo loo baahnaa in dadka iyo dalka wax loogu qabto hase yeeshee lala gardaro qooqay. Ayaa markii Itoobiya soo jabisay maamulkii Afweyne waxa ciidamadii iyo maleeshiyadii ay wada socdeen ku soo laabteen dalkii Soamaaliya.
Waxa haddaba la soo dejiyay ciidamo iyo maleeshiyooyin badan magaalooyin xadka ku yaala. Waxa haddaba ka mid ahaa magaalooyinka la soo dejiyay ciidamadaa iyo maleeeshiyooyinkaa magaalada Geed-balaadh, Wajaale iyo Allaybaday. Ciidamadii waxa la dejiyay meelo gaar ah. Hase yeeshee maleeshiyadii (jabhadda xoraynta somali galbeed) lagu magacaabi jiray waxa la soo dejiyay magaalada Geed balaadh oo ku taala meel idhan ah. Tiiyoo ay maleeshiyadii xeryo ka samaysteen kaynta magaalada agteeda ku taal.
Maleeshiyadii oo aan wax dhaqaala ah iyo wax qorshe ah midnaba taliskii Af-weyne u hayn ayaa waxa ay dadkii degaankaa deganaa xil iska saareen sidii ay maleeshiya dhawr kun oo qof ah u quudin lahaaayeen.Dadkii degaankaa deganaa waxay muujiyeen dadaal iyo karti iyo quudhis dheeraad ah oo waxa ay u ururiyeen xoolo ay jabhadda ugu tala galeen inay quudato oo qalato. Isla markaana dadkii degaanka deganaa waxa ay xil iska saareen xal u helista dhibaatadan ah dhawr kun oo nin oo aan habayaraatee wax qorsha ah u hayn maamulkii marka hore ku soo ururiyay hamaada beenta ah. Waxa dadkii degaanku sameeyeen odayaal gudi ah oo maleeshiyada la xidhiidha oo caawiya waxii laga caawin karo. Isla markaana maamulkii Afweyne kala hadla sida ay culays ugu tahay dadka degaanka arrintani, loona baahanyahay in aayaha xal loo helo. Waayo dadka degaanku ma hayn karo dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan midnaba dhawr kun oo qof oo dulsaar ah oo aan haba yaraatee wax qorsho ah lahayn.
Dhanka kale waxa bilaabmay in maleeshiyadii, Jabhaddii Xoraynta Soomaali Galbeed ay bilaabeen inay dadkii degaanka ku noolaa ee marti galiyay ee quudinayay inan ku bilaabaan dhac iyo boob soo kordhaya maalinba maalinta ka danbaysa. Waxa ay dhacii gaadhsiiyeen in ay adkaato iska daa lacag iyo mood kale sida; jaadlaaha, caano diiqda, safarka hadhuudhka iwm, oo ay dhacaan inay xoolihii noolaa ee marti qaadka looga keenay ee looga soo qaadhaamay inay maalinta cad dadkii lahaa oo wata ay inta ay dhex yimaadaan ka ugu shilis toogtaan oo ay qashaan. Qofkana haddii uu hadal keeno jidh dilaan iyagoo aan u tudhayn. Waxa kale oo ay keeneen inay aflagaado aad u badan oo ay ka mid tahay (Iidoor aabahaa la gub, waa kuwii awoowgay dilay iyo wax la mid ah caadaystaan). Waxa ay nimankii (maleeshiyadii jxsg) dadkii degaanka deganaa ee marti galiyay kula keceen dhib aan la soo koobi karin oo dhan kasaba leh. Dadkii degaanku waxa ay isku dayeen inay xaliyaan dhibtan iyaga oo weli xeerinaya walaaltinimada iyo martida loo yahay inay ergo u diraan maleeshiyadaa iyo weliba inay dawladda lafteeda u sheegaan si wax looga qabto dhibtan aan dulqaadka lahayn.
Hase yeeshee waxa cadaatay inaan waxba laga qabanatn oo ay tahay in dadka degaanka degani uu ku khasban yahay inuu isagu wax ka qabto.
Aasaaskii Afraad
Si haddaba looga baxo dhibtan waxa la raadiyay sidii iyo waxii lagaga bixi lahaa. Waxa ay gabagabadii noqotay inay dadku iyada oo aan wax kale oo ay ku doorsadaan jirin ay dagaal ku qasban yihiin. Arrintaas oo iyada qudheedu aan ahayn mid sahlan. Waayo? Ugu horayn dawladda Af-weyne uma ogolayn dadka shacabka ahi inay hub haystaan. Ta labaad dadku waxa ay ogaayeen inay dawlad ku sheeggii Afweyne taageerayso maleeshiyada, ayaa waxa ay dadkii degaanku ku khasbanaadeen in la helo si kale oo lagu xaliyo dhibtan foosha xun. Waxa aakhirkii maskaxihii wanaagsanaa ee dadkii degaanka ka soo dhex baxday fikrad ah in la helo oo la sameeyo awood dahsoon oo u dagaalanta dadka iyo degaanka. Fikradaasi oo ka soo baxday maskax la dadaalaysa xal u helis dhibaato aad u culus oo aan ka leexasho lahayn ayaa dhaqangelisteedii waxa uu keenay curashadii jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee Afraad,1979-kii. Haddaba dadkii ama odayaashii degaanka oo ku mashquulsan sida loo samayn lahaa jabhad iyo waxii loo baahnaa. Ayaa ay odayaashu haddana dhinaca kale ka wadeen olole lagu furfurayo awoodddii jabhadii (jabhadii xoraynta somali galbeed). Ololahaasi waxa uu keenay in jabhaddii (jxsg) laba loo kala jabiyo ama loo kala qaybiyo,labadaas oo lagu kala magacaabay
1= Jabhada Xoraynta Soomaali Galbeed.
Iyo2= qayb laga gooyay jabhadaa oo lagu magacaabay, Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed Sii Galbeed. Kala goyntaas oo lagu saleeyay degaan ahaan, Waxa ay hadaba qaybtan danbe ee jabhadda xoreynta somali galbeed sii galbeed ay
Ka koobnayd seddex urur oo la kala odhan jiray,ururka Kowaad,ururka Labaad iyo ururka Seddexaad. Waxa ka dhex abuurmay colaad iyo dagaal labadan qaybood.
Dadwaynihii iyo odayaashii deganaa magaalada geed balaadh waxa ay si gaar ah u taageereen qaybtii (Somali Galbeed sii Galbeed)oo aad uga yarayd qaybta kale ee ay ka soo go’day. Odayaashii iyo indheer garadkii degaanku waxa ay arkeen inay hadda fursad heleen aad u qaali ah oo ku haboon in laga faaiideeysto. Waxa ay ku guulaysteen inay marsiiyaan oo ka dhaadhiciyaan maamulkii qaybtan cusub ee (somali gaalbeed sii galbeed) in dadwaynaha degaanku diyaar ula yahay gargaar hiil iyo hoo leh oo dhalinyaradii degaanku ka mid noqonayaan, qaybtan jabhada (soomaali galbeed sii galbeed).iyaguna waa aqbaleen.Markaasaa seddexdii urur, Kowaad, Labaad iyo Sedexaad lagu soo daray urur kale oo ah dhalinyaradii ah waxana loo biixiyay URUKA Afraad (horaantii 1979).
Maalintaasi waxa bilaabantay maalin taariikhda halka ugu saraysa ka gashay halgankii dheeraa ee la gula dagaalamayay taliskii qabiiliga ahaa ee Afweyne. Afraad waxa ay noqotay dab u baxaya dhamaan dadkii ka dhiidhiyay maamul guneedkii Af-weyne. Afraad waxa ay diirisay oo dugsiisay dadkii dhaxantu hayasay ee degaanka iyo gobolkaba. Afraad maalintaasi waxa ay soo noolaysay yididiiladii dadka oo dhan.
HALGANKII AFRAAD (dalka gudihiisa iyo dibadiisa)
Hordhac
Afraad sababihii dhaliyay iyo sida ay u bilaabantay ayaan ka soo sheekaynay, hadda waxa aan galayna qaybtii ugu qiimaha badnayd ee sheekadeena oo ah afraad sida ay u soo halgantay iyo taariikhda ay ku yeelatay halgankii dheeraa ee aan la galanay taliskii af-weyne iyo kuwii la jiray. Hadday tahay halgankii dalka gudihiisa intii ka horaysay SNM iyo hadday tahay markii SNM la aasaasay labadaba, oo ay AFRAAD labada halganba ay ka gashay taariikhda halka ugu saraysa. Ay tahayna AFRAAD ta suurto gelisay inaynu maanta hadhsano oo helno xoriyad buuxda oo aynu u madax banaanahay oo ay hubaal tahay haddii aanay AFRAAD jirteen in ay adkaan lahayd sida ay u suurto gashaa SNM gaar ahaan garabkii milatari oo ay afraad u taagtay QODIMADA, una ooday xaydaankii lagu soo hiranayay. AFRAAD waxa ay salka u dhigtay halgankii SNM laga soo bilaabo maalintii ninkii ugu horeeyay talaabay ilaa maalintii la xoreeyay dhulkeenii hooyo. AFRAAD waxa ay dadkeedii kuwii dalka gudihiisa joogay iyo kuwii debadiisa joogay u noqotay gaashaan bir ah oo cadawgu ka caago. AFRAAD waxa ay ifisay gudcurkii aynu ku jiranay isla markaana waxa ay dhamaystirtay hansigeenii iyo hamaddeenii dawladnimo, Somaliland Republic.
(Afraad lama ilaawi karo halganka qadhaadh ee ay u soo gashay dadkeeda,dalkeeda iyo dawladnimadeena manta ee Somaliland Republic).
Nin ka tiriyay erayo gabay ah afraad qiimaha ay leedahay ayaa waxa uu yidhi sedan:
Afraad ilays bay shidiyo oog la diirsado ee
Nacabkii Afweyne iyo kuwii barada aafeeyay
Ayaan qudha wataa afraad eriday ee saartay
Wataa iftiin noo hurisay aayo nololeed
Alleylehe wataa Afraad udubka noo taagtay
Geedbalaadh agteedii kuwii idhanka meeraayay
Dabkii noo iftiimaba kuwii naga afuufaayay
Ardaayada habeenkii kuwii ayga miranaayay
Ka irdhoobe maantaba dhulkii inan-guneedyadiiye
Naf la oradkii Ogaadeen wakaa jiidhay oodaha ee
Ibraahim Bilisana ka carar oo iilay jaamaha ee
Allaylehe askarigii xumaa uubti muu geline
Ifkaad hurisay afraadeey uun ku soo hiraye
Allaylehe afraadeey adaa noo abaalgalaye
Allaylehe afraadeey adaa aarkii noo guday.......
Haddaba tii oo aan la soo koobi karin halkana lagu wada sheegi karin halgankii qadhaadhaa ee ay Afraad soo gashay, ayaa waxa aan wax ka taataabanayaa inta ay xasuustu i siiso iyo guud ahaan waayaha dadka iyo degaanka ee markaa (1979-1982) oo ahayd intii aanay Afraad u talaabin (ITOOBIYA) ee aanay weli halgankii SNM hogaankiisa qaban.
AFRAAD
Waxa ay Afraad markii ay ka mid noqotay jabhadii (SOOMAALI GALBEED SII GALBEED) ay markiiba ka dhiidhiday boobkii iyo dhacii ay maleeshiyadii jabhad ku sheege ahayd ku hayeen dadkii degaanada Geedbalaadh iyo Wajaale deganaa iyo cidii kale ee degaanka dhex maraba. Jabhad ku sheegaa (JXSG) oo markaa wax kasta oo ay arkaanba ama qof kasta oo ay la kulmaanba baadhanayay ama dhacayay, haddii aan tusaale kuu soo qaado waxa ugu yar ee aan ka nabad gelayn waxa uu ahaa koob caano ah oo uu ilmo yari iib geynayo, oo haddii ay arkaan ka qaadan jireen oo cabi jireen. Haddii uu koobkaa caanaha ahi ka fakadana marka danbe ee la lacageeyo ayaa aanu ka fakan jirin.Waxii ka wayn koobkaa iskaba daa.
Afraad waxa ay markiiba ka baxday jabhaddii ay ka midka ahayd oo ay gooni isku taagtay. Isla markaana dagaal kulul kala hortagtay kuwii ku kibray dadkii marti geliyay. Waxay Afraad dhebiga u qortay jabhad ku sheegii. Markii ay Afraad yaryaraysay kuwii gooni goonida u dhac tegi jiray waxa ay markii danbe Afraad u hub qaadatay inay guutooyinkii (JXSG) iyo weliba askartii Afweyne oo iyagu taageeri jiray jabhaddaa ka nadiifiso dhulkii ay boobka iyo dhaca ku hayeen. Waxa ay
Afraad ku doonatay jabhadaa (JXSG)iyo askartii Afweyne iyo weliba jabhado kale oo iyaguna galbeedka ka yimid oo la odhan jiray (GUNTI-GAAB IYO BADHYO CAD) meelo ay dadka siiba jaadlayaasha kaga qaadi jireen wax ay ugu yeedhi jireen qorsho (CASHUUR BAAD AH).
Waxa ay Afraad sutida u qabatay wax alla waxii kale oo wada socda oo xataa ay askartii Afweyne ku jirto. Askartaas oo ku soo degaal geli jirtay hubka ay haystaan oo idil siiba gaadhiyada loo yaqaan (JIIB IYO BEEBEE)iyo hubab kaloo culus.
Afraad wax ay iyadoo taageero hiil iyo hoo ka haysata dadkeeda guuldarro raacisay oo ay haadka cunsiiyay jabhad ku sheegii iyo askaartii Afweyne oo iyaguna ku mamay xoolaha iyo hantida dadka degaanka. Waqtigaa ay Afraad dahalanaysay waxa jiray maahmaah la odhan jiray: Janaaloow KA BUL DHEH JABHAD BAA YIMIDEE. Maahmaahdaa oo ku soo baxday sida haqab la’aanta ah ee ay jabhad ku sheegtu lacagta u daadaadinayso meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan meelaha lagu qayilo. Waayo waxay budhcadda jabhad ku sheegtu helayeen lacag hawl la’ aan ah markii ay doonaan. Markaa wax kasta oo ay bixiyaan dhib kuma lahayn. Budhcadaas oo markaa ka wax bixis batay janaalayaashii, ayaa maahmaahdaasi ku soo baxday.
Su''aashu waxay tahay maxaa ka danbeeyay??????
Waxa ay ku danbeeyeen in ay ku soo baxdo maahmaah kale oo la y yidhaa: JABHADOO KA BUL DHEH! JAAMAHAAGAA UREE!
Maahmaahdaas oo aan u baahnayn in la macneeyo oo ka turjumaysa sida ay u busaaradsadeen nimankii marka hore janaalaha ka kharash badnaa. Afraad waxa ay xididada u saartay budhcaddii jabhad ku sheegta ahayd iyo askartii Afweyne ee iyaguna la hal maalayay ee la haybta ahaa. Markii ay budhcaddii u adkaysan wayday xanuunkay Afraad baday ama marisay waxa ay gargaar qaylo dhaan ah waydiisteen dawladdii Afwayne si loo baabiiyo Afraad.
Waxa la isku dayay in xoog lagu muquuniyo dhawr jeer oo dagaalo adag oo ay u dhan yihiin budhcadii iyo askartii Afweyne ayaa lagu qaaday waxa se budhcadii iyo askartii Afweyne ka raacday guuldarro ay ka soo kaban waayeen.
Markii danbe ee ay dagaal wax kaga qaadi waayeen waxa ay maamulkii dawladda Afweyne isku dayeen in ay si kale u baabiiyaan afraad. Si ay u sii wataan dhacii iyo boobkii ay ku hayeen dadka.ha yeeshee ma suurto gelin.
Halyayadii afraad waxa ay ka dhameeyeen oo ay ka nadiifiyeen budhcadii iyo askartii afweyne ee degaanka ka qadhaaban jiray.
Waxa markii danbe toos isugu dayay inay baabiiyaan iyaga oo wada jira maaulkii gobolka iyo maamulkii qaybta 26AAD ee Waqooyi Galbeed (EX-SOMALIA) iyaga oo talaabooyin badan qaaday sida u cagojuglayn dadkii iyo odayaashii degaanka waxa kale oo ay isku dayeen inay yidhaahdan hubka ha laga dhigo jabhadda iyaga oo ku soo gabanaya jabhadaa la tirinayaa. Wax kasta way isku dayeen umase suurto gelin. Waayo dadka, odayaasha, indheergaradka iyo Afraad
(jabhaduba)waa midaysnaayeen.
Si ay u baabiiyaan Afraad, talaabooyinkay qaadeen waxa ka mid ahaa caga juglaynta iyo sasabaha odayaasha maahee inay maamulkii Afweyne yidhaahdaan waxa Afraad loo furayaa tababar, taas oo ahayd dabin. Waxa Afraad loo qaaday meel xero milateri ah oo magaceeda la yidhaa Baki Oo Gubanka ku taal. Halkaas oo markii xerada la geeyay hubkii laga guray, dabadeed madaxdii Afraad laga saaray oo la xidhxidhay. Hase yeeshee Afraad waxa ay xoog ku soo furatay nafteedii iyaga oo bakhaarkii hubka jabiyay lana dagaalamay nimankii gaadhka ka hayay ay si geesinimo leh ugu soo laabteen degaankoodii (Geedbalaadh).
Afraad, xiligan waa ay ka nadiifisay oo ka dhamaysay Budhcadii dhulka waxa ay Afraad hadda yeelatay cadaw kale oo labaad oo ah maamulkii Afweyne.
Waxa waqtiyadaa isaguna bilow ahaa kacdoonkii siyaasiga ahaa ee SNM xadhigii macalimiintii iyo dhagax tuurkii ardayda. Si hadaba aanay cududa adag ee Afraad u sii jirin waxa ay dawladdii Afweyne geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay Afraad u baabiin lahayd, iyadoo dawladdii Afweyne ku guuldaraysatay hababkii hore ee dagaalka iyo dabinka ahaa waxa ay markan u soo noqotay inay ergooyin soo dirato ka soo jeeda asal ahaan beesha oo dawladana ku jira iyo odayaal dhaqameedyo ilaa heer gobol ah.
Waxa ay dawladdii Afweyne ka baqa qabtay in haddii Afraad talawdo ay halis ku tahay jiritaankeeda. Taasoo rumooday markii ay Afraad talawday. Dawladdii Afweyne tii danbe ee ergada ahaydna uma suurto gelin oo Afraad waa ay ku baabiin kari waayeen. Xiligan Afraad waxa ay lahayd laba saldhig oo midna yahay Geedbalaadh oo xagga Soomaaliya ah midna yahay Geedbalaadh oo xagga Itoobiya ah (XADKA DUSHIISA).
Labadaa xero(SALDHIG) oo ay xaalado kala duwan u isticmaali jireen. Markii ay Afraad bilowday inay deganaanshaha saldhiga xagga xadka dushiisa badiso,waxa ay qaylo dhaantii maamulkii degamaada iyo gobolku gaadhay taliskii sare ee Afweyne iyo Afweyne qudhiisa. Kuwaas oo soo diray ergodii ugu saraysay ee kaga jirtay dawladdii Afweyne beelaha waqooyiga (EX SOMALIA). Waxa uu ahaa ergaygaasi, Alla ha u naxariistee marxuumkii, Maxamuud Maxamed Faarax (INA LAX WAS) oo ahaa madaxweyne ku xigeen.Marxuumka ayaa yimid Geed-balaadh oo odayaashii kula shiray maqaamka Sheekh Isaxaaq ee magaalada Geed-balaadh. Ha yeeshee ergadaa miisaanka wayni wax is bedal ah kuma ay keenin jiritaankii halyayadii Afraad. Taasi waxay kuu cadaynaysaa culayska ay ku haysay Afraad dawladdii Afweyne (HEER DEGMO, GOBOL ILAA HEER QARAN).
Haddaba tii oo aanan halkan ku soo koobi karayn taariikhdii Afraad iyo halgankii xaqa ahaa ee ay Afraad u soo gashay jiritaankeena iyo dawladnimadeena (Somaliland Republic) maanta, ayaa waxa ay igu ahayd khasab iyo qaan inaan wax ka sheego intii aan ka ogaa oo kooban si aad u ogaato halgankii loo soo galay midhaha macaan ee maanta aan cunanayno iyo dadkii u huray naftooda. Oo ay ugu horeeyaan halyayadii Afraad oo ahaa xabad lagu rido taliskii Afweyne kuwii ugu hor riday tii oo aan SNM weli la samayn.
Haddaba Afraad markii ay ka faraxalatay nacbakii gudaha ee ay hawshii ay u samaysantay si geesinimo leh oo aan qabyo lahayn u dhamaysay, ee ay ka dhigtay degaankii, iyo degmadi guud ahaan dhul nabad ah, ayaa haddana waxa ay hogaanka u qabatay halgankii waynaa ee lagu xoraynayay dhulka oo dhan (Somaliland Republic). Waxa ay Afraad salka u joojisay halgankii qadhaadhaa ee SNM la gashay taliskii Afweyne oo ay Afraad gadhka iyadu qabatay. Afraad oo ahaa ciidan aad u tayo badan oo ku xeeldheer habka dagaalka ahna dad hadaf dhab ah leh waxa ay u noqotay halgankii SNM lafdhabar iyo muruq adag oo ay isku taagaan oo ay weliba ku jabiyaan cadawgoodii goob kasta oo ay isku haleelaan. Afraad, waxay xus iyo xasuus ku leedahay jiritaankeenna (maanta iyo weligeenba aayaha danbe). Afraad, waxa ay taariikhda halgankeenii u samaysay taariikh aan afraad la''aanteed samaysanteen.
Aniga oo intaa ku joojinaya taariikhdii qiimaha iyo qaayahaba lahayd ee qaaliga ahayd ee Afraad oo ugu horayn aan jeclaa inaan magacyadii halyayadii Afraad halkan ku soo bandhigo laakiin aanay ii suurto galayn, hase yeeshee aan jecelahay aayaha in la raadiyo oo nin kasta oo inaga mid ah waajib ay ku tahay lana heli doono haddii la tago xaruntoodii (Geedbalaadh iyo Wajaale) ayaa halkan waxa aan idinku soo gudbinayaa dadkii kale ee iaygauna halganka Afraad gacanta wayn ku lahaa marka laga reebo beesha degan halkaas oo aan u kala hadhin rag iyo dumar caruur iyo waayeel, intii aan ka xasuusto.
UGU HORAYN, waxa xasuus iyo xus mudan dhamaan mujaahidiintii Afraad. Mujaahidiintii dhimatay (Alla ha u naxariisto) iyo kuwa noolba, oo aanan magacyadooda halkan ku soo wada koobi Karin. Ha yeeshee aan la hilmaami karin.
DADWEYNIHII(Reer Geed balaadh) oo aan u kala hadhin ee hiil iyo hoo la garab joogay Afraad.
ODAYAASHII (Geedbalaadh) oo iyagu ahaa halka ay Afraad ka liici wayday.
ODAYAASHII IYO DADWAYNIHII REER WAJAALE oo iyaguna ahaa lafdhabaarta halgankii Afraad.
GUUD AHAAN dadka ku nool MADARKA oo iyaguna qayb libaax ka qaatay
jiritaanka afraad iyo halgankeedii.
MAAMULKA AFRAAD RAGII SOO QABTAY
1 Nin la odhan jiray naanaystiisa (What-You-Mean) oo haystay jabhaddii Afraad lagu dhex abaqaalay ee ay Afraad ku bilaabantay (ninkaa magaciisa ma hayo). Markii Afraad goonida u baxday waxa isaga danbeeyay Mujaahidiinta hoos ku qoran.
1.Muj. Maxamed Cali (Maxamed-Cali)
2.Muj. Cabdikariim.
3.Muj. Dhuxul (oo isagu ahaa ninkii ugu magaca waynaa uguna mudada dheeraa ee Afraad soo mara oo ahaa ninkii markii u danbaysay isagu la talaabay.Ilaahay ha u naxariisto dhamaan mujaahidiintii shahiiday).
Odayaasha Mujaahidiinta ahaa ee iyaguna qayb libaax ka soo qaatay halgankaa oo aan loo kala hadhin waxa aan ka xasuusnahay magacyo kooban oo ay ka mid yihiin,
1. Maxamed Ibraahin Khalif
2. Maxamed Aadan Cigaal(Wadaad Yare)
3. Cali Cabdi Xasan(Cali Kayd)
4. Aw Aadan Jaamac Qaalib
5. Cismaan Diiriye(Cagasaydh)
6. Cali Waal
7. Axmed Xasan Buux
8. Axmed Aw Nuux Cige
9. Cabdilahi Muxumad Bulaale(Cabdilaahi Suubaan)
10. Cumar Xasan Buux(Xaaji Badaw)
11. Muxumad Yuusuf(Kaba-Wayne)
12. Cabdilahi Cabdi Good (Waran Galbeed)
13. Ibraahim Bide Buux(Obolos)
14. Mursal Aw Muxumad Xasan
15. Xasan Ibraahim Aw Cali
16. Maxamed Sheekh Cabdi (Waaberi)
17. Cabdi Aw Ciise Habane (Cabdi Gadhle)
18. Xasan Ibraahim Khaliif
Odayaashan oo u badan reer Geed-balaadh oo ahayd meeshii ay ka aasaasantay Afraad ayaa ah inta aan anigu ogahay ee aan garanayay. Waxa kale oo iyaguna jira Mujaahidiin odayaal ah oo qayb laxaad leh ka soo qaatay halgankii xaqa ahaa guud ahaan, oo aanan halkan magacyadooda ku hayn, laakiin mudan in la raadiyo. Odayaashii reer Wajaale iyo madarka, iyo kuwii kale iyaguna halgankii dhankooda ka waday.
Waxa iyaguna dhan kaga jiray halganka mujaahidiin badan oo ninba inuu ku lahaaba qaybtooda ka halgamayay, noocyada bulshada ee kala duwan ka sokow waxa iyaguna inta aan ka war hayo ee aan arkay u yimid arrinta Afraad niman saraakiil ah oo dawladda u shaqeeya oo laakiin u dhashay beelaha,
waxa ka mid ahaa intii aan arkay ee u timid arrinta Afraad.
1, Maxamuud Mmaxamed Faarax (lax was) madaxweyne ku xigeen.
2, Cabdilahi Aw Cabdi(dhego-laab)oo ahaa sarkaal milatari ah.
3, Ina Kirix (oo ahaa sarkaal milatari ahaa).
4, Ina Jafaal (oo ahaa sarkaal NSS)
Waxa aan hubaa inay saraakiishaasi iyaguna ahaayeen qaar halgankii Afraad wax ku soo kordhiyay.
AFEEF
Waxa aan hubaa in aanan halkan ku wada dhamayn mujaahidiintii,oo kuwa aan magacyadooda qoray qudhooda aanan dhamaystirin ama aan qaar qalday, markaa tiiyoo mudo badani ay ka soo wareegtay xiliga aan ka sheekaynayo ayaa ka cudur daaranayaa in la ii dulqaato qaladyada igu soo bixi kara,hase yeeshee taariikhda Afraad intii aan ka gaadhay waxan is leeyahay waad qortay.
NB,ha ilaawin in xabadii ugu horaysay ee halgankeenii dheeraa lagu riday mamulkii af-weyne ay AFRAAD riday oo ay ku riday ciidamo yaalay iskuulka magaalada geed-balaadh.
NB, ha ilaawin mujaahidkii waynaa DALAB YAASIIN CAWAALE ee isaga oo dhaawaca la gu qabtay Alllaybaday ee nolosha lagu googooyay.
NB, ha ilaawin inay beesha degmaada Gabilay halganka xaq u dirirka bilowday sedex-afar sano ka hor dadka kale (1978) oo ay keli la dagaalamaysay taliskii Af-weyne.
NB, ha ilaawin in magaalada Geed-balaadh ninka ka yimaada mar uu xadhig ahaa.
NB, ha ilaawin in dadka degan degaanka degmada Gabilay uu ugu dhibaato helis badnaa oo taliskii Afweyne si kasta isugu dayay in uu u naafeeyo.
Allaa Mahad leh
Posted by: Ahmed Abdullahi Obsiye ahmed-ob@online.no