|
|
Ururka Wadaniga ah ee Havoyoco oo casuumad soo dhoweyn ah u sameeyay dhaliyaro ka timid dalka UK
Ka bilow Bidix: Maxamed Cilmi -
Havoyoco, Guled Cabdi- SDWO iyo Cumar Sheekh- Havoyoco SDWO (Hargeisa 30/07/07) Ururka Havoyoco ayaa casuumad aad u balaadhan u sameeyay dhalinyaro ka timid dalka UK waxa ka mid ahaa dhalinyaradaa Gudoomiyaha SDWO Guled Cabadi Sheekhaash oo maalmahanba booqasho ku joogay dalka, Khadar Abokor, Yusuf Xuseen Cabdalle, Mowliid Xuseen, Maxamed Siciid Cagadable, Cabdillahi Abokor, Cabdi Cali Mahdi iyo Maxamed Amiin Siyaad oo ka socday Radio Hormood oo ka hawlgala dalka Denmark oo isna booqasho gaaban oo shaqo ku jooga dalka. Ururka Havoyoco ayaa markii u horeysayba ku soo dhoweeyay xurnta ururka Havoyoco iyagoo dhalinyaradan lagu dhexwareejiyay xafiisyada iyo qaybaha kala duwan ee xarunta dhexe ee Havoyoco. Dhalinyaradani inteey ku dhexwareegayeen xaruntan waxay warbixino ka dhegaysanayeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan ururka Havoyoco iyagoo halkaasna ku soo koobay warbixno kooban oo ku saabsan waxqabadka ururka havoyoco. Waxa kale oo ay halkaas ururka Havoyoco ku soo bandhigeen cajalad fiidyoow oo aad u qiimo badan oo xabaarsanayd taariikh aad u qoto dheer oo ka soo bilaabmaysa ilaa iyo dagaaladii halakeeyay Somaliland ee 1988kii ilaa iyo aasaaskii ururka havoyoco iyo marxaladahii kala duwanaa ee ururku soo maray iyo ilaa heerka uu taaganyahay oo hada ah urur international ah. Warbixinaha waxa halkaas ku soo badndhigay masuuliyiin ay ka mid yahiin Cumar Sheekh oo ah maareeyaha (Director) ururka Havoyoco, Maxamed Cilmi Aadan, gudoomiyihii hore, Maxamed cumar maxamed (Qadaafi), iyo Xasan Jaamaca Yaasiin Gudoomiyaha cususb . Warbixinahaas ka dib dhalinyaradaas waxa loo qaaaday Hotel Maansoor oo casuumad qado ah oo aad u heersaraysa looga diyaariyey iyadoo intii qadadu socotayna dhinacna laga daawanayey DVD ka tarujumayey waxqabadka Ururka Havoyoco. Ururka HAVOYOCO waxaa laga aasaasay magaalada Hargeisa sanadkii 1992kii isagoo waqtigan xaadirka xafiisyo iyo barnaamiyo ku leh guud ahaanba gobolada Somaliland iyo wadamada jaarka ah sida Ethiopia iyo Kenya. Ururku wuxuu ka wadaa goobahaasi uu ka shaqeeyo barnaamijyo kala duwan oo horumarineed isla markaasina ka hir gala magaalooyinka iyo dhulka miyiga ah.
|