SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Waxaa ka dhacay magaalada Oslo Mudaharaad aqoonsi loogu raadinayo oo si aad ah looga soo qaaybgalay

 

USEFUL LINKS    Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   Health Advice:  Before you Travel to any part of Somaliland or Somalia - Read this Health Advice

 
SDWO (Hargeisa 23/02/07) Mudaharaad aad u balaaran ayaa waxaa soo qabanqaabiyay si wada jira xafiiska Wakiilka Somaliland ee Norway iyo xafiiska jaaliyadda somaliland ee Norway waxaa kaloo la soo qabanqaabiyay ururada bulshada somaliland ee norway sida ururka Haweenka Somaliland iyo dhamaan waxgaradka reer Somaliland oo aan u kala harin maanta socodkii dheeraa ee lagu maray wadada caanka ah ee Carlo Johansgt waxaana horkacayaa mudaharadkan wakiilka Somaliland ee Norway Mudane Maxamed Aden Linin Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane saciid  waxaana makaroofanka codka dheer haaystay Mudane Ismaacil Cali oo kaalin mug leg maanta ka qaatay isagoo ah ragii ugu horeeyay ee bilawgii todobaataneeyadii wadankan soo galay ilaa hadana hormood ka ah goobaha lagu muujinayo hawlaha somaliland.

 

Waxaa boliska hagayay si qiimo badan ilaa laga gaarayay guriga barlamaanka ee layiraahdo sturtinget waxaana halkaas ku qaabilay Gudoomiyaha gudiga joogtada eearrimaha debeda mudane Olav oo balan qaaday in uu hor dhigayo arrintan ictiraaf doonka gudida isla markaana jawaab degdega oo lahubo aan idiin soo diri doono.

Waxaa kaloo looga sii gudbay Wasaarada arrimaha debedda Norway in kastooy wasiirku uu shi ku jiray hadana uu soo diray la taliyahiisa Koowaad ooahaayd qof dumar ah waxaayna aad ugu riyaqday sida loo soo ababulay iyo akhlaaqda dadka reer Somaliland waxaayna balan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan aan uga doodi doono arrinkan waxaayna aad u khriyaaysay boodhadhka dadku wateen. ugu dambeeyntii waxaa aaydadku isku gacan qaadayeen in aay guul gaareen oo aay farxadi ka muuqatay ayagoo aan dareemaayn maanta qaboowga jiray oo ahaayd  minis14 ama _14garader oo ka mida maalmaha ugu qaboow europta galbeed ama skandeneviankaba.

 

Xassan Waraabacadde
Oslo Norway

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE