SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Magaalada Hargeysa oo bilicdeeda ay hoos u dhigayso wado xumada gaar ahaan wadooyinka bartamaha Hargeysa

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

CLICK HERE -  SDWO RELIEF PROJECTS

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Hargisa 23/07/2011) Magalada Hargeysa ayaa laga hirgeliyay wadooyin dhawr ah oo dhex mara labada daamood ee ay magaaladu ka koobantahay, wadooyinkan ayaa fududeeyay isku socodka xaafadaha ay dhexmaraan wadooyinkani, isla markaasna kor u qaaday bilicda xaafadaha ay dhexmaraan wadooyinkan cusubi.   

Wado Cusub

 

Wadooyinka ugu humiimsan ee la sameeyay waxa ka mid ah wadada ka bilaabanta biriishka cusub ee Hargeysa oo si dhib yar kuugu ridaysa wadadii madaarka Hargeysa iyadoo ka soo dhexbaxaysa meel u dhaxaysa hotelada Ambassador iyo Star.  Wadadani waxay culayska ka yaraynaysaa Biriishkii hore, iyadoo dadka ka imanaya shacabka ilaa iyo wixii ka shisheeya, ilaa xero awr iyo maansoor hotel ee u socoda madaarku ay hada marayaan wadadaas cusub ee sida fudud aad ugu tegi kartid madaarka mudo aan ka badnay 10-15 daqiiqo.

Wado Cusub

 

Hadaba waxa noqotay mid laga yaabo sababta loo horeysiiyey wadooyinka dhexmara xaafadaha, iyadoo ay si ba,an u jajabanyahiin labada wado ee wadanaha magaalada oo ah labada wado ee qudha ee magaalada dhexmara, waa labada wado ee midina hor marto dhakhtarka midina ay daba marto dhakhtarka oo labadooduba suuqa dhexmara. 

 

Burburka wadooyinka badhtamaha magaalada dhexmarra

 

Labadan wado ayaa ah kuwa ugu saxmada badan dalka oo dhan oo saacadaha u dhexeeya 10.30 - 1.00 duhurnimo iyo 6 - 8 fiidnimo ay adagtahay sidaad u martaa cidhiidhi iyo baabuur dartood.   Hadaba labadan wado ayaa si ba,an u jajaban siiba wadada dhakhtarka daba marta oo iyadu ah inteeda badani sidii lagaga qaxay 88kii. 

 

 

Burburka ka muuqda labadan wado waxa u dheer ciid iyo dhas aad u badan oo saaran labadan wado oo sababta in ay baabuurtu siigo aad u badan kiciyaan tani oo kor u sii qadaysa cawlnaanta markii horeba magaalada ay ku soo kordhiyeen dabayalaha xagaaga ee siigada iyo dhaska badan wata. 

Dhaska iyo ciida qariysay wadooyinka magaalada dhexdeeda marra

 

Wadada sedexaad ee wadanaha magaalada oo la sameeyay ilaa laba sano ka hor ee marta beerta xoriyada kana soo baxda saladhiga dhexe ee booliska dabadiisa ayaa ahayd wado iyada qayb ahaan la sameeyay oo aan la dhamaystirin, wadadan ayaa aad uga burbursan halka ay ka soo bilaabanto oo ah isgoyska Bar xaraf ee biriishka cusub ee Hargeysa ilaa iyo meel ku dhow maxakmada.  Wadadan ayaa qorshaheedu ahaa inay culuyska ka yarayso wadada weyn ee dhakhtarka hor marta, hase yeeshee wax baabuur ah oo maraysa arkimaysid amaba way yaryahiin 15kii daqiiqo ayaa laga yaabaa inaad hal baabuur aragtid sababtuna tahay burburka weyn oo aanay indhaaahgu qaadankarin siiba iskuulkii faarax oomaar hortiisa.

Burburka Wadada iskuulka Faarax Oomar Hortiisa Marrta

 

Dadka qaar badan ayaa dhinacaas iyo xukuumada dhexe eega, laakiin masuuliyada wadooyinkani waxay dusha ka saaranyahiin dowlada hoose ee Hargeysa oo ay ka muuqato hagrasho iyo waxqabad la,aan balaadhan iyadoo dhowaana badhitaankii gudidii  ka hortaga musuqmaasaqu ay shaaca ka qaadeen in dowlada hoose ee Hargeysa ay ka jirto musuqmaasaq baahsan.  Iyadoo soo qabasho xadhiga ah loo jaray xoghayaha dowlada hoose, hase yeeshee qabashadiisu aanay suurtogelin ka dib markii wasiirka arimaha dibadu is badheedh ah uu u hor istaagay qabashadiisa, maadama uu isagu ahaa masuulkii ninkan xilka u magacaabay.

 

 

Dhinaca kale waxa jirtay in dhowaan markii wararkaasi oo baxeen musuqmaasaqu uu Sheekh Adan Siiro uu soo jeediyey in dhamaanba la kala diro xubnaha golaha deegaanka oo xiligoodii dhamaaday isla markaasna waxqabad la,aan ku darsaday.    Arinkaasi wax u riyaaqay shacbiga ku dulman dowlada hoose ee Hargeysa, waxaana laga dhursugayaa talaabada uu ka qaato madaxweyne Siilaayo oo ay ka go,antahay inuu xididada u siibo dhamaan musuqmaasaqii dalka hadheeyay xiligii xukuumadii hore.  Laakiin waxa loo baahanyahay in culays la saaro madaxweynaha sidii uu u kala diri lahaa xubnahan qawlaysatada ku sifoobay oo uu soo magacaabo maayar ku meel gaadh ah inta la gaadhayo dooroshooyinka golaha deeganka.   

 

Shacbigu waa inay mudaharaadyo nabadgelyo ka hordhigaan dowlada hoose ee Hargeysa oo aanay ka hor dhaqaaqin ilaa ay is wada casilayaan ama uu madaxweynahu kala dirayo.    Dowlada dhexe waxyaabo badan bay qabatay laakiin waxqabadkeedii wax hadhaynaya waxqabad la,aanta ka muuqata dowlada hoose ee Hargeysa oo ka tirsanayd xukuumadii hore ee talada dalka waxqabad la,aanta looga codeeyay.

 

 

Sumcad xumo ayay ku tahay xukuumada iyo guud ahaanba shacabiga somaliland marka labadan wado ay arkaan wufuuda dalalka dibadaha inooga yimaada, waxayna inoo arkayaan dad aan habayaratee waxba qabsan karin inay wax baryaan mooyaane, sababtoo ah waa meelaha umad laga qiimeeyo wadooyinka muuhimka ah iyo bilicda magaaladu, 

 

Shacbiga reer Hargeysa waxaan leeyahay xukuumadii horeba waad bedesheene waxa la soo gaadhay xiligii aad bedelilahaydeen golaha deegaanka Hargeysa. 

 

 

Sawirada Hoose:  Bilicda Wadooyinka Cusub ee laga hirgeliyey xaafadaha dhexdhooda

Halka ay ku dhamaato wadada dheer ee Biriishka cusub

Biriishka Cusub ee Hargeysa iyo dhaska iyo ciida dul saaran

 

SDWO News Desk - Hargeisa

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief  News Editor

 

 

 

 

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE