SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xubno ka Tirsan Jaaliyadda Reer Somaliland ee Faransiiska - Paris  oo ka soo jawaabay dhibaato ba'an oo haysata dadka ku dhaqan Xaafadda Daami iyo Jaaliyada Waqooyiga London oo markii labaad deeq lacageed na soo gaadhsiisay 

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Daawo Madarasada Agoomaha Hargeysa si aad u caawisid

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa (SDWO)- Xubno ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Faransiiska, ayaa jawaabtii ugu horreysay ka bixiyey xaalad halis ah oo ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo degan xaafadda Dhaamka Daami ee magaalada Hargeysa oo toddobaadkii hore warbaahintu baahisay Gar ahaan SDWO.COM iyo Wargeyska Jamhuuriya .

Hooyga dadka danyarta Hargeysa

Dadkaas oo dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haystay ay ka mid tahay suuli ama musqul la'aan haysata, iyaga oo in ka badan boqol qoys ay wada isticmaalaan hal musqul, taas oo halis ku ah caafimaadkooda oo ay ka dhallan karaan cuduro, gaar ahaan xilligan oo ay magaalada Hargeysa ka da'ayaan roobab.

Haddaba, dhawr qof oo degan dalka Faransiiska, ayaa iyaga oo ka jawaabaya baaqaas qaylo-dhaanta ah waxay iska soo ururiyeen lacag aan badnayn, balse qiimo weyn u leh dadka xaafadaas ee dhibtu haysato, taas oo tiradeedu tahay $300 (saddex boqol oo dollar). Waxaana lacagtaas lagu soo hagaajiyey shabakadda wararka ee SDWO oo ka mid ahayd warbaahintii baahisay dhibtaas.

Midig: Wakiilka SDWO.COM oo $300 gudoonsiinaya gudida iyadu u kacday la socodka dadka tabaalaysan

Deeqdan lacagta ah waxa xubno guddi ah oo ka mid ah xaafadaas guddoonsiiyey wakiilka shabakada SDWO ee Hargeysa Mr. Shiine Cilmi Kaahin iyo Abwaan Axmed Aw Geedi oo isagu ka mid ahaa dad isu xilqaamay inay wax ka ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta halkaas, si ay ugu gudbiyaan bulshada gudo iyo dibedba ciddii gacan ka geysan karta duruufta adag ee dadka degan xaafadaasi ku sugan yihiin. Waxaana lacagtaas la rajaynayaa in haddii ay gaadho loogu dhiso  Laba suuli oo ay dadku galaan.

Suuli Dunsan oo ka dhexeeya in ka badan 100 qof


Geesta kale, waxa iyana lacag $100 ah la guddoonsiiyey qoys beryahanba waxoogaa caawimooyin loola soo gurmanayey, kadib markii ay muddo ilaa laba bilood ah ku dhawaaqeen inay carruurtooda u qaybinayaan dadka joogo awgeed, balse hadda si wanaagsan loo caawiyey markaad u eegto duruufaha ay ku sugan yihiin dad badan oo kale, kuwaas oo iyaguna degan xaafadda State House-ka oo qoyskani degan yahay iyo weliba xaafado kale oo badan.

Hooyada Caruurta dhashay oo gudoontay $100 oo laga soo diray London

Lacagtaas kooban ee boqolka dollar ah waxa ku soo caawiyey qoyskan mid ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalka Ingiriiska waxaan soo ururiyay Oday ka mid ah odayaasha waqooyiga London oo layidha Maxamed Xasan Axamed. Waxaana iyadana sidoo kale lagu soo hagaajiyey shabakadda wararka ee SDWO. Waa markii labaad ee jaaliyada waqooyiga London ay reerkan soo gaadhsiiyaan deeq iyagoo laba todobaad ka horna soo gaadhsiiyey $210.

Muuqaalkii Caruurtii hooyadood ku dhawaaqday inay dadka u qaybinayso gaajo darteed oo ishoodu aad u qurxoontahay oo hor taagan sandaqadii loo dhisay oo ilaa Rinjigii loo dhamaystiray

Muuqaalkii hore ee caaruurta iyo hooyadood intii aan loo soo gurman ka hor oo daranyo ka muuqatay

Hase ahaatee markii lacagtan yar la guddoonsiinayey qoyskan waxa xaafadda State House-ka ka muuqday dad badan oo macaluul iyo jaago meel ay la tagaan la', kuwaas oo weriyaha kula soo ururay baahidooda, isla markaana ka dalbay inuu bulshada gaadhsiiyo dhibta haysta.

Sidaa daraadeed waxa bulshoweyn la ogaysiinayaa guddo iyo dibad in ay baahi faraha ka baxday oo halis ahi dadkaas haysto, cidii wax u qaban karta waqtigan oo weliba lagu jiro bishii Ramadaan ee barakaysnayd oo mid sadaqada iyo khayrkaba la libinlaabo inay la soo gaadhaan dadkaas oo wax u soo qabtaan.

Markii ugu horeysay maaha ee SDWO lagu soo hagaajiyo deeqo loogu talo galay dadka dhibaataysan tan iyo dabayaqadii bishii August waxa na soo gaadhay lacag dhan $610.00 oo aan gaadhsiinay dadkii loogu talogalay.

Gebogebadii hadii aan nahay bahda SDWO.COM waxaan ilaahay uga baryaynaa intii sadaqooyinkan soo dirtay inuu ugu naxariisto, inteey bixiyeen in ka badan uu ugu bedelo oo ilaahay maalka u barakeeyo. aamiin.

Ka qaybqaado taakulaynta dadka tabaalaysan bishan barakaysan ee Ramadaan nagala soo xidhiidh emailkan: Guled@sdwo.com

 

Shiine Cilmi Kaahin SDWO News Desk – Hargeya

sirshiine@yahoo.com

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE