SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUDANE DAAHIR RIYAALE KAAHIN

Date:  21st May 2002

Mudane Madaxweyne

Marka hore Mudane Madaxweyne waxaad naga gudoontaa salaan. Bacda salaan waxaan marlabaad kugu hanbalyaynaa xilka qaaliga ah ee aad umada u hayso ee laguu doortay, waxanuna ku leenahay ilaahay ha kugu garab galo.

Marka labaad Illaahay ha u naxariisto madaxweynaheenii hore marxuum Maxamed X. Ibrahin Cigaal inagana dhamaanteen samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Geeridaas naxdinta leh ee qaranka ku timid darteed umadii oo dhami mucaarid iyo maxaafidba waxa loo midoobay sidii loo badbaadin lahaa qarnimada Somaliland iyo sharcigii iyo kala danbayntii uu ka tegay marxuumku.   Tani oo dhalisay isku duubni iyo wada shaqayn loo shaqeeyo ilaalinta dastuurka dalka.

Somaliland waxa u bilaabmay waa cusub oo uu keenay isku duubnidaa ka dhalatay geeridii naxdinta lahayd ee inagu habsatay,  sidaas darteed waxa loo baahan yahay oo anagana ay noola muuqataa in jawigaa cusub ee la galay laga faa,iidaysto oo la sii balaadhiyo oo la gaadhsiiyo saamaxaadna loo fidiyo dhamaan maxaabiista u xidhnayd xaga siyaasada ama figradahoogii ay aaminsanaayeen ee la xidhiidha xaga siyaasada iyo xukuumada, si uu u bilaabmo waji cusub oo loo wada dhanyahay ku xidhnaa iyo ku xor ahaaba.

Somaliland tijaabo ayay ku jirtay, tijaabadiina waxa ay ka baxday markii uu aduunku arkay sidii quruxda badnayd ee dimoqraadiyada ahayd iyo degdegii loo wareejiyey xilka madaxweyninimada saacado gudahood maqalkii geeridii madaxweynahii hore ilaahay ha u naxariistee,   tani oo aan ka dhicin weligeed qaarada afrika dalalaka lagu sheego kuwa horey u marayna ay ku qaadan lahayd maalmo.

Dadka u xidhan xaga siyaasada ee aan denbi ka gelin qarankana waxa haboon in la saamaxo tani oo marlabaad aduunka indhahooga soo jiidandoonta dimoqraadiyada iyo sharciga ka jira Somaliland.

Ilaahayna waxaan Somaliland dhamaanteen inoo rajeeynaynaa in isku duubnidaas iyo gacmahaas la is qabsaday wax  kala dhantaala aanu ina tusin, tani oo inoo horseedaysa horumar dhanwalba ah sida, dhaqaale, siyaasadeed, cadaalad iyo anqoonsiba.

Guled Cabdi Maxamed     - Gudoomiyaha Ururka SDWO

Mukhtar Axmed SH. Adan - Gudoomiye ku xigeen

Axmed Maxamed Yusuf    -  Afhayeenka ururka SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE