|
|
Goormaa la sameeyay sharciga xaaraantimaynaya inuu qof idaacad dalka dibadiisa ku taala aanu u shaqayn karin Press
Release 23/03/05 - SDWO (Somaliland Democracy Watch Organisation) Waxaan aad
iyo aad uga xunahay isla markaasna aan canbaaraaynaynaa xadhiga sharcidarada
ah ee loo geeystey Weriye Axmed Saleebaan Dhuxul oo lagu xidhay magaalada
Hargeysa isagii oo lagu xidhay inuu idaacad ka hadasha Yurub se dalka laga
dhegaysto uu ka hadlay. Arintani
waxay noqotay wax aad loola yaabo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba oo la
isweeydiinayaa goormaa la sameeyay sharciga xaaraantimaynaya inuu qof
idaacad dalka dibadiisa ku taala aanu u shaqayn karin, hadii ay xukuumadu u
dhaqmayso sidaasi maxay u xidhiweyday dadka idaacadaha cadowga Somaliland
uga warama Hargeysa sida Horn Afrik iyo STN ka oo hawada laga dhegaysto
iyagoo telefoon kaga soo waramamaya.
Waxa isweydiin leh sababata
loo xidhay weriye u shaqaynayey idaacad Somaliland leedahay. Waxay
arintani siweyn uga hor imanaysaa saxaafada xorta ah iyo xoriyatul qawlka,
waxaynu arki jirnay kolba weriye ka tirsan Jamhuuriya oo lagu xidho
waxaad qortay maqaal ku lid ah xukuumada, bal hadaba weriyahani kamuu hadlin
war ku lidi ah xukuumada ee maxaa lagu xidhay? waa su,aal jawaabteeda u
baahan. Xukuumadu
waa taa loo igmaday inay ilaaliso oo ay dhawarto isla markaasna hirgeliso ku
dhaqanka Dastuurka dadku u codeeyeen. Laakiin maaha xukuumadu tii ku
xadgudbi lahayd isla markaasna si xun u adeegsanlahayd ilaalinta dastuurka,
hadii ay xukuumadu dastuurka ay ku tumato oo ay kolba qodob ka mid ah ay
jebiso oo ay ku durduriso maxaa laga dhawrayaa shacabka.
Weriyahan la xidhayna wax dastuurka Somaliland ka hor imanaya oo uu
sameeyay ma jirto ee wuxuu ku jiray shaqo ah nolol maalmeedkiisa iyo wuxuu
xirfada u lahaa.
Weriyahu wax denbi ah oo uu galay mar jirto markaa xataa hadii la
iska xidhayo talaabadii sharciga ahayd lama soo marin wasiirbaa amar soo
bixiyay baa la yidhi in la soo qabto. Waxaa
naga waano ah in dalka sidan loo dhaamo, somalidu waxay horey u tidhi
dheriga maxaa karka ka keena waa kulaylka, markaa hadii cabudhinta iyo cago
jugleeynta dadka laga daaweyn waayo, dharaarbaa imandoonaa sidii taliskii
siyaad bare markii loo adkaysanwaayey cabudhintiisii ay xaaladu faraha ka
baxdo, markaa
intaan gadood shacbi dhicin, intay arintu meel laga qaban karo taagantahay
in ay xukuumadu ay ixtiraamto dastuurka shacbigu ugu codeeyeen 97%. Waxaanu soo jeedinaynaa in si degdeg ah oo shuruud la,aan ah weriyaha sharcidarada lagu xidhay xoriyadiisii loogu soo celiyo, ku kicida falalka noocan oo kale ahna laga waantoobo oo aan la dhaawacin dimoqraadiyada, xoriyatul qawlka iyo saxaafada xorta ah ee aan rabno inaan aduunka iskaga iibino. Xukuumadu yaanay ka didin idaacadan cusub ee u soo korodhay Somaliland, inay ka sii saadaalisana maaha sidaasbay noqondoontaa ama u hadlidoontaa qof denbi yaan lagu shaabadayna ah wuu gelidoonaa, idaacadani waxay tidhi waxaanu horumarinaynaa adkaynta nabadgelyada, xoriyatula qawlka iyo dimoqraadiyada Somaliland markaa waxa haboon in la dhawro oo la eego oo ileyn dadku dhego ayay wada leeyahiin loo daayo shacabku inay xaakin ka noqodaan waxay idaacadani noqoto iyo sideey u hadashaba. Long
Live Somaliland Guled
Cabdi Shaakhaash – Gudoomiyaha SDWO Axmed
Maxmed Yusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO Mukhtar
Axmed Sh. Adan (Taysa) Xoghaya guud ee SDWO
|