Xaashi Muse oo ka jawaabay
eedeyntii Morgan
SNN Hargeysa
- Xaashi Muuse oo ka mid ahaa raggii uu Gacan ku dhiigle moorgan ku sheegay
waraysigii ay Jamhuuriya la yeelatay inuu ka mid ahaa raggii u dhashay
Somaliland ee la waday xasuuqa, ayaa markii u horaysay xalay jawaab ka bixiyay
hadalkaa General Moorgan. War qoraala oo uu soo saaray Xaashi Muuse oo saxaafada
loogu tala galay waxa uu u qornaa sidan, waxa kale oo uu Xaashi saxaafada usoo
gudbiyay warqad sir culus ah oo uu ku sheegay in taliyihii nabad sugida ee
Soomaaliyeed uu ku eedaynayay Xaashi Muuse inuu ahaa nin xidhiidh la leh SNM.
Qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan:
Waxaan ilaa shalay arkayey sheekooyin suuqa mar marayey warar
la leeyahay nin baa laga soo weriyey oo dad halkan Somaliland jooga wax buu ku
yidh yidhi. Markaa ninkaa la sheegayo ee Moorgan la yidhaahdo, ninkaasi annagu
waxaanu u naqaanaa Cabdi Bille, ninkii Hargeysa orodka kaga baxay buu ahaa
ninkii dhibaatooyinka badan dadka u geystayna wuu ahaa, markaa nin aniga iska
daayoo cid kale oo Reer Somaliland ahi ay xidhiidh yeelan karaan ma ahayn,
annagana shaqadayadu way kala duwanayd oo way kala fogayd, midba se cuqdad kama
qabo haddii ninku dadka is marmariyo.
Waxaa imika jirta Somaliland halkay marayso waad ogtihiin way
dhaqaaqday, dee cadowgu albaabadii dibadda ee uu garaacayey way ka soo xidhantay,
imika waxaad moodaa in ay si xeeladaysan uga soo horjeesteen Somaliland oo ay
doonayaan Somaliland gudaheeda in ay waxoogaa arbush ah ka sameeyaan taa
qudheedana in aad looga feejignaado saxaafadda iyo cid kastaana ka feejignaato
oo aanu cadowgu ka faaiidaysan dadkeena dhexdiisa oo aanu tashuush ku abuurin,
waxaaba dhici karta in masuuliyiin kale oo naga waaweyn sidaas oo kale ku soo
baxdo.
Intaa ka dib waxa la yidhaahdaa Adhiga marka la gawraco ee
mindida laga qaado wuu raftaa, rafashadaa uu raftana waxaa ka duulduula dhiig
dabadeedna dhiiggaasi wuxuu wasakheeyaa dadka hareeraha ka jooga markaa ninkaa
innaga gawraca innoogu xukuman ayaa rafanaya. Imika waxaa laga yaabaa in uu cid
uun dhiiggiisa ku saydhsaydhayo, sidaa awgeed baanay ahayn in arrintaa la sii
weyneeyo aniga iyo cid kale toona. Marka ay aad u weynayso ee ay buunbuuniso
saxaafadduna waxa ay leedahay asluub u gaar ah oo ay iyadu ilaaliso oo ay ku
jirto sharafteeda iyo sharafta qaranimadeeduba.
Xaqiiqdii Jamhuuriya waxaan u haystaa in ay qayb weyn oo aan
la hilmaami karin ka soo qaadatay dhismaha dalkan Somaliland markaa sumcadeeda
gudaha iyo dibaddaba wax weyn bay u geysatay, waana la khaldami karaa oo bashar
ayeynu nahay, aniguna ma jecli in Jamhuuriya ceebi ku timaado, markaa waxay ila
tahay in ay iyaguna aad u foojignaadaan.
Waxaan hadalkayga kaga bixi lahaa oo aan odhan lahaa waxaa la
yidhi Waxaa la yidhi ninkii hebel wuu ku caayayey markaasuu ninkii yidhi
muxuu I caayaa col baanu nahaye nin aanu col nahay wixii uu yidhaahdaa waa
waxba laaan.
Odaygaa la sheegayana [Cabdi Waraabe] wuxuu ahaa oday
Soomaaliyeed oo waddanka wax badan u qaban jiray imikana u qabta. Ninka kale ee
kornaylka ah [Ina Cumar-ku-joog] intii waxaasi dhacayeen oo dhan waddanka
ma joogin oo wuxuu joogay kolna Xamar kolna dibadda ayuu ku maqnaa, markaa waxa
weeyaan nin fule ah iyo hadalkii, arrintaasna waxa aan u arkaa mid ay fulaynimo
ka yeedhsiisay. Nina saaxiibkii ma xidho mana mastaafuriyo xilkana kama
xayuubiyo.