SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Waxaanu si buuxda u taageeraynaa go,aanka labada xisbi ee UCID iyo Kulimiye soo saareen ee lidka ku ah jiritaanka waxaa loogu yeedho xukunka degdegga ah 

(SDWO – London -03/06/04) Hadaanu nahay bahweynta Somaliland Democracy Watch Organisation waxaan soo dhaweynaynaa baaqa labad xisbi ee UCID iyo Kulmiya soo wada sareen ee lidka ku ah jiritaanka xukunka degdegga ah (Public Order Law), kaasi oo ah mid ku dhisan si aan waafaqsanayn dastuurka isla markaana khatar ku ah bulsha weynta Somaliland. 

Xukunka oo mudo dheer ka soo wareegaty markii uu soo baxay haatan aanay taagnayn xalaad ku munaasib ah oo loo adeeg sado isla markaana ay jiraan hayada sharci oo dastuuriya waxaanu u aragnaa jiritaankiisa awood ay xukumadu isa siisay doonaysana inay daneehada gaarka ah ku fushato.

Xukunkan oo sanadihii la soo dhaafay loo adeegsanyay iyada oo laaluush lagu dagaal galinayo guddiga lagu magaacbo gudiga nabad galyada xaalado yaryar oo aad u fudud hayadah sharciga ee jiraana waxka qaban karayeen sida dhul laba qof isku qabteen, hanti dhaxal oo dad walaalo ah ka dhaxaysay iyo waxayaabo kale oo lamid ah.  Waxaa kale oo mid iyadun budh cadimo badheedha ahayd xukunkii ardaydii 156  ahayd habeenka madow lagu riday ahaynda una muuqatay inay tahay arin tijaabo oo dadka muwaadintii ah xaqooda u doodaya lagu hubinayay inay qaadan karaan iyo inkale. 

Xukumadu waxaay awooda siisaa wixii iyada u dana, maxay u samayn weyday gudi hanti dhawar oo ka madax banana xukumada awoodaha ay leedahay gudiga nabad galyada qaar lamidana loo siin waayay?  Taasi waxay tusinaysaa inay xukumadu leedahay maxaa ii dana oo kaliya.  

Hadaba anag oo marlabaad taageerayn in Xukunka Degdegga ah sharciga lala tiigsado laguna dadaalo sidii gudiga nabad galyada wakhtigeedi dhacay looga takhaluusi lahaa waxaa wanaagsan gacmo wada jir bay waxa ku gooyaane in meel looga soo wada jeesto lagana hortago sidii xukunkii xaaranta ahaa ee dhacay 18kii May oo ahayd maalin dadka la cafiyo lagu badaly maalin ardeyda la jidh dilo isla markaan goor aan habeen ahayn maalin ahayn xabsiyada si sharcidaro ah loogu guro. 

Waxaanuna ku hanblaynaynaa labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID in markii u horeysay si wada jir ah uga hadleen danta guud ee dalka, waxaana loo baahanyahay in maadaama aad tahiin labadii xisbi ee mucaaridka ahaa aad tahiin cidi sida tooska ah ula xisaabtami karta xisbiga Udub ee talada dalka haya inaydaan ka aamusin wixii qalado ah ee xukuumadu ku kacdo, sidii xadhigii dhalinyaradii 18ka May oo kale. 

Allaa Mahad Leh  -   Long Live Somaliland 

Guled Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO

Axmed Maxamed Yusuf  - Gudoomiye ku xigeenka SDWO

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE