SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xaflad lagu xusayay Geedi nololeedkii Yuusuf Xaaji Aadan  (aabbihii Tacliinta)
Khadar Xasan Cali Jamhuuriya London



London (Jam)- Xaflad balaadhan oo si aada loo soo abaabulay, laguna xusayay geedigii nolosha aabbaha tacliinta Yuusuf Xaaji Aadan (Yusuf Herer) ayaa dhawaan lagu qabatay galbeedka magaalada London.


Xafladda ayaa waxa ugu horeyntii erayo soo dhaweyn ah ka soo jeediyay Jen. Saleebaan Cumar Kujoog oo taariikhdii nolosha Yuusuf Herar, si qurux badan ugu soo bandhigay gabay dheer oo kaga waramayo.   Cismaan Axmed xasan, wakiilka Somaliland ee UK ayaa oo ka midka ahaa raggii ay
soo wada shaqeeyeen Yusuf ayaa isna ka waramay qiimaha taariikhdu leedahay, waxaanu tusaale u soo qadaatay in mar nin Ingiriis ah oo ka yimid Somaliland ay is warasteen uu dhawr nin weydiiyay oo qiimo ku lahaa taariikhda Somaliland, waxaanu Cismaan ugu jawaabay wey dhinteen iyagoon waxba laga qorin, markaasuu nin Ingiriiska ahaa ku yidhi “Alla maxaa buug idinka lumay”.


Intaas ka dibna Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah gabadh uu dhalay Yusuf ayaa waxa ay si qoto dheer uga waranatay taariikh nololeedkii aabbaheed iyo dhacdooyinkii badnaa ee uu u soo maray sidii da’yarta reer Somaliland u noqon lahaayeen kuwo aqoon leh oo waxbarta.   Foosiya waxay hadalkeedii ku bilowday mahadclin ay u soo jeediyasay dadkii fara badnaa ee ka soo qaybgalay xafladda, intaas ka dibna waxay tidhi “ Aabbo waxaan isku dayay in aan taariikhdiisu lumin, waana sababtaas ta igu kaliftay in aan buug ka qoro ku saabsan geedigii noloshiisa. Yuusuf Xaaji Aadan Cilim Qabiile waxa uu ku dhashay sannadkii 1914kii magaala Hargeysa, xaafadda Jameeco weyn.


Waxa uu galay dugsi ay Illaahay ha u naxariistee Maxamuud Axmed Caliyo ka dhigi jireen magaalada Berbera. Ka dibna waxa uu loo diray Suudaan halkaas oo Maxamuud Axmed Cali uu kula taliyay inuu tacliinta sare ku qaato dhinaca macalinimada, taasi oo aqbalay Yuusuf. 1940kiina waxa ka noqday macalin dugsigii Berbera”.  Yusuf waxa uu noqday markii xorriyada la qaatay ninkii ugu horeeyay ee ka fura dalalka Carabta safaaradii u horeysay ee Soomaaliyeed (Qaahira).


Haddaba taariikhda dheer ee uu Yussuf X Aadan maaha mid lagu soo koobi karayay xaflad dhawr saacadood socotay balse waxa ay ujeedda munaasabadi ahayd mid gogol-dhig u ah buuga Geediag Nolosha Yusuf oo dhawaan soo bixi doona.   Yuusuf Herar waxa uu ka mid yahay dadka faro ku tiriska ah ee ka soo qayb qaatay halgankii dhinaca waxbarasha ee qariibka inagu ahaa wakhtigii Ingiriiska, taasi oo sida la xusay dadka qaar ay ku sheegi jireen in ay dadka gaaleynayaan. Yusuf waxa kale oo uu ka soo qayb qaatay halgankii gobanimo u dirirka ahaa ee lagaga soo horjeeday gumeysigii Ingiriiska. Waxa kale oo si aadda ugu dedaali jiray dhinaca hiddaha, dhaqanka, iyo suugaanta oo aan dadka intiisa badani ka warqabin balse Yuusuf X aadan waxa u tiriyay gabayo, heeso iyo maansooyin aad u tiro badan oo lagu soo saari doono buuggiisa cusb heesaha ugu danbeeyay ee Yusuf Herarna waxa ka mid ah heesta caanka ah ee uu qaado fanaanka weyn ee C/qaadir Jubba waa Hargeysaay.
Dadka kale ee taariikhda iyo halganka Yusuf X Aadan waxa ka yidhi waxa ka mid ahaa Siciid Jaamac oo ah nin qoraa ah oo guddoomiye-xigeen ka ah ururka qoraaga Soomaaliyeed, Muuse Sheeko-Xariir guddoomiye-xigeenka ururka macalimiinta Soomaaliyeed, Suxufi Cali Axmed Nuur (Darabulsi ) Guddoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya (London) iyo Keysar C/llaahi (Wariye Jamhuuriya London).
Xafladan oo dad aad u fara badani ka soo qaybgaleen waxa kale oo lagu xusay gabay uu u tiriyay Yuusuf Herar abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, kaasi oo kaga waramayay sida aan Yusuf iyo guud ahaanba dadkii gobanimada u soo halgamay abaalkii ay lahaayeen loo gudin xilligii kaligii taliyihii Siyaad Barre iyo gabay uu ugu jawaabayo Yuusuf.


Haddaba taariikhda Yuusf Xaaji Aadan waxa buuggu u qaybiyay saddex qaybood oo
kala ah:
1- Halgankii uu u soo galay tacliinta
2- Halgankii gobanimo-doonka
3- Suugaanta iyo hiddaha iyo dhaqanka oo uu u adeegsan jiray halgankiisa.
Yuusuf X Aadan oo dad fara badani oo maanta nooli laga yaabbo in aanay garan waxa uu ahaa Aabbihii tacliinta ee labaad ee Somaliland waxaana ka horeyeeyay oo qudha Allah ha u naxariistee Maxamuud Axmed Cali. Yuusf waxa uu ku nool yahay wakhtigan xaadirka dalka Ingiriiska.

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE