Xaflad lagu xusayay Geedi
nololeedkii Yuusuf Xaaji Aadan (aabbihii Tacliinta)
Khadar Xasan Cali Jamhuuriya London
London (Jam)- Xaflad balaadhan oo si aada loo soo abaabulay, laguna xusayay
geedigii nolosha aabbaha tacliinta Yuusuf Xaaji Aadan (Yusuf Herer) ayaa dhawaan
lagu qabatay galbeedka magaalada London.
Xafladda ayaa waxa ugu horeyntii erayo soo dhaweyn ah ka soo jeediyay Jen.
Saleebaan Cumar Kujoog oo taariikhdii nolosha Yuusuf Herar, si qurux badan ugu
soo bandhigay gabay dheer oo kaga waramayo. Cismaan Axmed xasan,
wakiilka Somaliland ee UK ayaa oo ka midka ahaa raggii ay
soo wada shaqeeyeen Yusuf ayaa isna ka waramay qiimaha taariikhdu leedahay,
waxaanu tusaale u soo qadaatay in mar nin Ingiriis ah oo ka yimid Somaliland ay
is warasteen uu dhawr nin weydiiyay oo qiimo ku lahaa taariikhda Somaliland,
waxaanu Cismaan ugu jawaabay wey dhinteen iyagoon waxba laga qorin, markaasuu
nin Ingiriiska ahaa ku yidhi “Alla maxaa buug idinka lumay”.
Intaas ka dibna Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah gabadh uu dhalay Yusuf ayaa
waxa ay si qoto dheer uga waranatay taariikh nololeedkii aabbaheed iyo
dhacdooyinkii badnaa ee uu u soo maray sidii da’yarta reer Somaliland u noqon
lahaayeen kuwo aqoon leh oo waxbarta. Foosiya waxay hadalkeedii ku
bilowday mahadclin ay u soo jeediyasay dadkii fara badnaa ee ka soo qaybgalay
xafladda, intaas ka dibna waxay tidhi “ Aabbo waxaan isku dayay in aan
taariikhdiisu lumin, waana sababtaas ta igu kaliftay in aan buug ka qoro ku
saabsan geedigii noloshiisa. Yuusuf Xaaji Aadan Cilim Qabiile waxa uu ku dhashay
sannadkii 1914kii magaala Hargeysa, xaafadda Jameeco weyn.
Waxa uu galay dugsi ay Illaahay ha u naxariistee Maxamuud Axmed Caliyo ka dhigi
jireen magaalada Berbera. Ka dibna waxa uu loo diray Suudaan halkaas oo Maxamuud
Axmed Cali uu kula taliyay inuu tacliinta sare ku qaato dhinaca macalinimada,
taasi oo aqbalay Yuusuf. 1940kiina waxa ka noqday macalin dugsigii Berbera”.
Yusuf waxa uu noqday markii xorriyada la qaatay ninkii ugu horeeyay ee ka fura
dalalka Carabta safaaradii u horeysay ee Soomaaliyeed (Qaahira).
Haddaba taariikhda dheer ee uu Yussuf X Aadan maaha mid lagu soo koobi karayay
xaflad dhawr saacadood socotay balse waxa ay ujeedda munaasabadi ahayd mid
gogol-dhig u ah buuga Geediag Nolosha Yusuf oo dhawaan soo bixi doona.
Yuusuf Herar waxa uu ka mid yahay dadka faro ku tiriska ah ee ka soo qayb qaatay
halgankii dhinaca waxbarasha ee qariibka inagu ahaa wakhtigii Ingiriiska, taasi
oo sida la xusay dadka qaar ay ku sheegi jireen in ay dadka gaaleynayaan. Yusuf
waxa kale oo uu ka soo qayb qaatay halgankii gobanimo u dirirka ahaa ee lagaga
soo horjeeday gumeysigii Ingiriiska. Waxa kale oo si aadda ugu dedaali jiray
dhinaca hiddaha, dhaqanka, iyo suugaanta oo aan dadka intiisa badani ka warqabin
balse Yuusuf X aadan waxa u tiriyay gabayo, heeso iyo maansooyin aad u tiro
badan oo lagu soo saari doono buuggiisa cusb heesaha ugu danbeeyay ee Yusuf
Herarna waxa ka mid ah heesta caanka ah ee uu qaado fanaanka weyn ee C/qaadir
Jubba waa Hargeysaay.
Dadka kale ee taariikhda iyo halganka Yusuf X Aadan waxa ka yidhi waxa ka mid
ahaa Siciid Jaamac oo ah nin qoraa ah oo guddoomiye-xigeen ka ah ururka qoraaga
Soomaaliyeed, Muuse Sheeko-Xariir guddoomiye-xigeenka ururka macalimiinta
Soomaaliyeed, Suxufi Cali Axmed Nuur (Darabulsi ) Guddoomiyaha Wargeyska
Jamhuuriya (London) iyo Keysar C/llaahi (Wariye Jamhuuriya London).
Xafladan oo dad aad u fara badani ka soo qaybgaleen waxa kale oo lagu xusay
gabay uu u tiriyay Yuusuf Herar abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye,
kaasi oo kaga waramayay sida aan Yusuf iyo guud ahaanba dadkii gobanimada u soo
halgamay abaalkii ay lahaayeen loo gudin xilligii kaligii taliyihii Siyaad Barre
iyo gabay uu ugu jawaabayo Yuusuf.
Haddaba taariikhda Yuusf Xaaji Aadan waxa buuggu u qaybiyay saddex qaybood oo
kala ah:
1- Halgankii uu u soo galay tacliinta
2- Halgankii gobanimo-doonka
3- Suugaanta iyo hiddaha iyo dhaqanka oo uu u adeegsan jiray halgankiisa.
Yuusuf X Aadan oo dad fara badani oo maanta nooli laga yaabbo in aanay garan
waxa uu ahaa Aabbihii tacliinta ee labaad ee Somaliland waxaana ka horeyeeyay oo
qudha Allah ha u naxariistee Maxamuud Axmed Cali. Yuusf waxa uu ku nool yahay
wakhtigan xaadirka dalka Ingiriiska.