SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

AQOON LA,AANI WAA IFTIIN LA,AAN

SDWO 22/11/04 - (Press Release – Somaliland Democracy Watch Organisation) Jahligu waxa uu ka mid yahay cadowga ugu weyn ee binu aadamka ama bulsho meel ku dhaqan, bulsho waliba waxa ay ku caanomaashaa aqoonta iyo cilmiga ay dadkeeda soo koraya gashato iyo sida loogu toosiyo mustaqbalka balaadhan ee ka horeeya.  Hadaan u soo daadagno dulucda maqaalkan waxa mid aad looga damqado ah heerka ay Somaliland ka marayso tacliinta dugsiyada dowlada.  Dugsiyada dowladu abuuritaankoodu waxay ahayd in reeraha aan awooda u helayn inay caruutooda geeyaan dugsiyada waxbarashada ee gaarka loo leeyahay inay u suurto gasho meel ay waxbarashada aasaasiga ah ay ka helaan. 

Baahida dadka dan  yarta ah ee aan awoodin in ay bixiyaan gunada waxbrashada dugsiyada ayaa lagu qiyaasi karaan in ay tahay ugu yaraan 80% bulsho weynta reer Somaliland; taasi oo sababta in caruur aad u tira badani aanay helin waxbarashada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin isla markaan lama huraanka u ah mustaqbalkooda iyo ka dalkaba.  Waxa mid aad looga xumaado ah in badhtamahii sagaashanaadkii lacag lagu soo rogay dugsiyada dowlada oo cidii aan awood u lahayni inay bixiyaan lacagtaas in ay ku qasbayso in aanay caruurtoodu wax tacliin ah baran.   Waxa maanta Somaliland ka jira qoysays badan oo sabool ah oo aan awoodi karin inay caruurtooda tacliinta asaasiga ah u diraan ee dugsiyada dowlada sababtoo ah lacagta bil walba laga rabo inay bixiyaan,  waxa jira qoysas caruurtii ay dhaleen kala qaybinaya oo 2 ama sedexda ay awoodi karaan uun inay ka bixiyaan lacagta waxbarashada dugsiyada u diraya halkan qoysasna haba yaraatee aanay awoodi karin in xataa ilma qudha u suurto gasho inuu iskuulka u tago. 

Baahida dadka dan  yarta ah ee aan awoodin in ay bixiyaan gunada waxbrashada dugsiyada ayaa lagu qiyaasi karaan in ay tahay ugu yaraan 80% bulsho weynta reer Somaliland; taasi oo sababta in caruur aad u tira badani aanay helin waxbarashada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin isla markaan lama huraanka u ah mustaqbalkooda iyo ka dalkaba.  

Xukuumadu waxa ay u aragtaa lacagta lagu soo rogay iskuulada inaanay wax qaaliya ahayn, hase yeeshee wax u baahan in la is weeydiiyo lacagtan dadku ma wada awoodayaa, su,aasha meel dheer laga raadinmaayo sababtoo ah waxa jira qoysas badan oo Somaliland ku dhaqan oo lacag iskuul oo ay bixiyaan iskaba daaye la daalaa dhacayaan sidii ay nolol maalmeedka iyo wax ay ku noolaadaan ugu helilahaayeen caruurtooda. 

Xukuumadu way awoodaa inay xil adag iska saarto inay macaliimiinta mushahaaradooda  ugu darto miisaaniyada dowlada ee aan laga raadin dadka masaakiinta ah ee ay xataa ku adagtahay nolol maalmeedku, inaan raacno maaha talaabadii keligii taliskii hore ee sideedamaadkii dugsidyada dowlada  ku soo rogay lacagta, sababtoo ah taliskaasi wuxuu ah mid u abuuran boob iyo hoos u dhigida inta dugsiyada awoodi karta inay bixiyaan lacagtooda si ay hoos ugu dhacdo inta waxbaratay ee soo koraysa ee ka soo jeeda wixii la odhanjiray gobolada waqooyi. 

Diinteena muqadiska ah ayaa inagu waajibinaysa inaan caruurta tacliimino, markaa xukuumada waxa ku waajib ah in ay arintan dib u eegto oo ay isweeydiiso maxaa ku dhicidoonaa caruutaas tirada badan ee ay u suurto geliweeyday inay wax bartaan sababtoo ah qoysaska ay ka soo jeedaan oo saabool ah isla markaasna aan awoodi karin inay dugsi gaara iska daaye kii dowlada ay awoodi waayaan.  Xukuumadu ha ogaato in uu  xil ka saran yahay inay dadku helaan waxbarashada aasaasiga ah ee aan lacag lagu xidhin oo qofkii aan awoodeeynin caruurtoodu ku korayso aqoon la,aan taasi oo sababidoonta in ilmahu markuu weeynaado ay ku adkaandooto inuu la soo bixi karo nolol maalmeedkiisa maadaama aanu fursad u helin inuu wax soo barto markuu yaraa taasi oo isla markaana sabibi karta dhaqan xumo iyo falal danbi oo mija xaabiya guud ahaanba nolasha ilmaha hada waaya dhisid caqli fayow oo ka reeba xumaanta aqoon la’aantu wadato. 

Xukuumada waxaan u soo jeedinaynaa inay la dagaalanto jahliga iyo aqoon la,aanta isla markaasna dhiirigeliso waxbarashada aasaasiga ah oo fursad la siiyo dadka jecel inay caruurtooda mustaqbal waxbarasho u helaan ee aan nasiibku siinin inay awoodaan inay waxbaraan caruurtooda. Tana waxa lagu heli karaa iyadii oo xukuumadu joojiso lacagta bil walba la bixiyo ee dugsiyada dowlada.    Hadii kale waxa sii kordhidoona jahliga iyo aqoon la,aanta hada haysata  ubaxa u soo koraya Somaliland oo la rabo inay noqdaan madaxdii berito, xukuumadu waa inay dagaal la gashaa jahliga iyo aqoon la,aanta. 

Long Live Somaliland

Guled Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO

Axmed Maxamed Yuusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE