|
|
Falsafadda Siyaasadda Somaliland: Cadyahaw Ku Cunay Ama Ku CiideeyeyWaxa Qorey: Abdi Abdillahi Hassan, Holland Marka hore waxaan ku hanbalyeynayaa dhammaan musharaxiinta jagada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee xisbiyada qaranka, waxaanan si gaara usii hanbalyeynayaa Mudane Ahmed Mohamed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Aw Cali oo dhawaan xisbiga Kulmiye u doortay musharrixiinta labadaas jago. Sida ay qireen goob joogayaal dhex dhexaad ah oo uu kamid ahaa guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka mudane Ismaciil Jirde doorashadu waxay u dhacday si dimoqraadi ah. Sidaan la socono jagada madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye waxaa u sharraxnaa 6 musharrax oo badankoodu xisbiga kusoo biireen waxyar horteed intii aan la magacaabin musharrixiinta jagada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaana gebagebadii isugu soo hadhay afar musharrax halkaasoo uu ku guulaysatay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mudane Cabdiraxmaan Aw Cali. Haddaba gari laba nin kagama wada qoslisee waxaa la yaab leh musharraxiintii kale oo aan ku qancin maxsuulkii doorashada, oo qaar kamid ahi yidhaahdeen xisbigii ay hadda kusoo biireen waan ka baxnay. Runtii qofkastaaba xaq buu u leeyahay inuu ku biiro xisbiguu doono, ama uu kabaxo markuu doono laakiin waa inaad marka horeba ku biirtaa xisbi aad ku kal soontahay kana tarjumaya afkaarta siyaasadeed ee aad aaminsantahay. Hawgu biirin xisbi siáad u qabato maskab, mabda á ayaana ka qaalisan maskabka. Waxaan aad ula yaabay qaar kamid ahaa xubnihii caddeeyey inay xisbiga Kulmiye ka baxeen oo olalahoodii markay jagada musharrixnimada u tartameeyn maskabka ammaano badan usoo jeediyey xisbiga oo qaarkood olale balaadhan qaadeen, sheegeena inay ugu soo biireen xisbiga markay ku qanceen ujeedooyinka iyo barnaamijka siyaasadeed, oo markii ay ujeedoodadii gaabnayd waayeena mar qudha mawqifkoodii badalay oo dhaleecayn ba,an usoo jeedinaaya xisbiga markaas waxaan uleeyahay SHIIKHOW ALIF WAX BUU LEEYAH IYO MALAHABA ADIGAA LAGAA HAYAA. Waxaan kaloo la soconay sannadihii sagaashanaadkii in qaar kamid ah siyaasiyiinta Somaliland oo qaarkood xilal sare dalka ka soo qabteen ay dafireen qaddiyaddii Somaliland ee ummaddu usoo halgantay oo u maskab doonteen Somaliya. Markaas arrimahaas arkana waxaan u arkaa inaan dadkeenu u bislaan nidaamka dimoqraadiga ah ee ku salaysan habka axbaabta badan. Sidoo kalena qaar badan oo siyiisiyiinta kamid ah ama aanay lahayn feker siyaasadeed ee u dhadhaqaan marba dhinaca dabayshu u dhacayso. Waxaana habboon in Bulshada reer Somaliland fahmaan falsafadda iyo hadafka xisbiyada siyaasadeed xisbina haku taageereen inaad adigu kaligaa maskab ka hesho, haddaad waydana tidhaahdo ka kale ee helay baan ka xaasidayaa hana ku socon falsafadda aad moodo inay ku salaysantahay siyaasadda Somaliland ee ah CADYAHAW KU CUNAY AMA KU CEEDIIYEY. Laakiin haddii jaaniskani hadda kuu suurageli waayey, ha quusan ee adigaan cidna canbaarayn ama aflaadayn iska sug fursad danbe. Haddii aad umalaynayso inaaan sidaas dani kuugu jirina adigaan afkii hore ee aad ku aamintay, wax ku caayin aayar waxaad tidhaahdaa waa mahadsantihiin anigu waan idinka tegaye alla haydin garab galo. Arrintan dhacday ee ay sameeyeen musharrixiintii Kulmiyana waxay ceeb ku tahay shakhsiyaadka sharraxnaa laftooda, waxaana dib udhac ku tahay hanaan socodka dimoqraadiyadda Somaliland. Waxaana habboon in arrimahan oo kale aanay dib udhicin. Shacbiga Somaliland indho iyo dhegay leeyihiin ay ku kala arkaan cidda dantooda wadda ee ay ku aamini karaan una igman karaan maskabka ugu sarreeya Maandeeq. Ugu danbayna waxaanan u arkaa arrimahan aan kasoo hadalnay in horumar mooyee aanay dib udhac ku keenidoonin xisbiyada siyaasadda Somaliland ee curdaynka ah, ku dhaqanka nidaamka axsaabta badinina waa inagu cusubina wuxuuna u baahan yahay waayo aragnimo iyo la qabsi. Waxaana habboon in bulshadu dhiirigeliso hanaqaadka xisbiyada siyaasadda si aan u gaadhno ujeedada aan hiigsanayno. Waad mahadsantihiin, Abdi Abdillahi Hassan, Holland - Email: ahassan@wanadoo.nl |