SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Siyaasaddu waa xadhig la kala jiidanayo hadana leh xad aan la dhaafin

Waxa qoray: Cumar Cabdi Nuux

Sallaan ka dib waxaan marka hore aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhammaan warbaahiyayaasha Somoliland ee  had iyo goorna isku taxalujiya  in ay aduunka iskaga laliyaan wararka khuseeya Jamhiiryadan curdinka ah mahad kalena waxaa leh dadka akhrista ee xiisaya in ay ka war hayaan Somaliland

 
hadaan ka gudbo oon keeno faallooyinkii is daba socday ee ku saabsanaa hadba xaalada guud iyo loolanka siyaasadeed ee wajahan Maandeeq  maanta .
 
sideedaba siyaasada waa xadhig la kala jiidanayo hadana waxay leedahay xuduudo aan la dhaafin waxaad se moodaa hadaynu nahay african in aynu u naqaano siyaasada in bal si kastaba la isu dhaleecayn karo iyadoo mararka qaar ay siyaasiyiinta dalkeena hogaamisaa ayba dhaafaan xuduuda shakhsinimo oo ay ku tiigtiigsadaan midba koodan kale, taasi oo ah wax laga wanaagsanyahay hadaba waxaa jira in wax walba leeyihiin xukun iyo maxkamad xukunta hadaba siyaasiyiinta iyo ereyadooda ama danahooda shakhsinimo yaa xukuma baa is waydiiin leh??  xiligan oo aynu ognahay inuu yahay xili aduunku ku jiro xaalad aad u xasaasi ah taasoo ah  dagaalka ciraaq lagu qaadi doono waxaynu ognahay in ay xulufoobeen Maraykanka iyo Engiriisku.
 
bal hadaba dulucda hadaan u soo noqdo baa waxay tahay sida dadwaynuhu u yihiin xaakimka xukuma ninka siyaasiga ah baa waxay tahay in xisbiga uu hogaamiyo  Tony Blair ee la yidhaahdo  Labour  baa waxaa ka baxay 40000kun oo xubnood ka dib markii ay u adkaysan waayeen sida uu udaba socdo Raisalwasaaraha Engiriisku waxaan dan ugu jirin dadwaynaha ku dhaqan dalkaas waxaa kaloo balan qaaday 200 oo xildhbaanka parlamanka ah in ay ka bixi doonaan maalintuu dagaal qaado Engiriisku isaga oon marin qaramada midoobay 
 
sideebay dadku ugu garab is taageen una kaalmeeyeen markii uu kacay xaq u dirikii xorminada qaarada madaw horkacayay taageerada uu habeen iyo maalin heli jiray inteebay siyaadi jirtay  maxaase sababay Nelson Rolihlahla MANDELA kolay nin aan taariikhdiisa halkan idinku barayo maaha laakiin tusaale wuxuu ahaa walina yahay dadka aadka loo jecelyahay taageeradiisuna marna hoos u dhicin kor inay u socoto mooyee wakhtiyadii kululaa ee xornimoraadinta  Koonfur Africa taageero la taageero waxaad moodaysay in mararka qaar aabad mooday in Afirica ay tahay Unit Africa oo isaguna yahay hogaamiyaha kaliya ee gees ka gees xukuma africa,
 
cadaaladu waa shay qaaliya banii aadamkuna had iyo goor kooda wanaagsani waxa uu raadsadaa meesha uu is leeyahay saldhig nabadeed bay kuu noqon inta cimri kaaga hadhay  labada nin een kor ku soo qaaatay iyo tusaalayaasha aan ka kala bixiyey waxay yihiin sida shacabku u raadsanayo mar walba xaqiiqda iyo dantooda waayo Tony Blair iyo Nelson Mandela shakhsi ahaan umadu may eeganayn keebaa dabeecad wanagsan se waxay eegayeen kee dantiina wada shacabku kuu doono ha ahaado mid British ah ama mid Africana ha ahadee
 
hadaan u soo laabto nuxurku wuxuu yahay shacabyohow wanaagsani adaa maanta ah maxkamadii kala saaraysay xisbiyadan ka dhexeeyo loolanka hogaanka dalka, shacabyohow wanaagsani waxaa loo baahanyahay in bal aad fiirisaan danta maanta iyo dhisida dalka hadaba hadaan hoos īku dhigo dhawr arimood..
 
maxaa siyaasiyiinteena hogaaminaya xisbiyada qaar iyagoo da doodu kor u dhaaftay 70years had iyo goor keenay in ay afku dirir iyo dhaleecayn umuuqata dhaleecayn shakhsi weerar ah ka soo taagay siyaasadu waxay ahayd shay la soo bandhigo ajandaha dalka lagu hogaamiyo ee may ahayn shay la isugu adeegsado yasid kan kale la yasayo ama la aflagaadaynayo waxa intaa raacsan ragga ruugcadaayada ah ee khibrada sheeganaya ee siyaasadda ku hana  qaaday danta dalka ha ka taliyaan yaanay ka talin danahooda iyo kursi u dirirka madaxtinimo maxaase keenay in afka laga meermeeriyo mawqifka laga taaganyahay kooxaha hubaysan ee isku eryanaya dalka jaarka ah ee Somaliya kooxahan oo iyagu had iyo goor wax teelo ah ula hadhin Somaliland is kuna daya in ay xayiraan diblomaasiyadda dibadeed waxaynu ognahay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda Dalka Kenya ooga baxeen maleeshiyooyinka qaarkood ha la keeno Somaliland.. Somalidu waxay ku maahmaahdaa Hadal iyo Hilboba saafan ee waxba yaan hadalka la  qurxin ee runtiisa hogaamiyayaasha xisbiyadu ha cadeeyaan had iyo goor markay ka hadlayaan qadiyada ku wajahan kooxaha hubaysan ee isku haysta dalka jaarka (Somaliya)waliba ku wa hadalkoodu aanu buuxin laabahayayaga marka ay waraysi ka bixinayaan xaalada musutaqbalka iyo wadamada jaarka ah
 
hadaba shacabyohow wanaagsani qaladka soo socda ee dhici doonaa waa mid aad adigu aabo u noqotay hadaad maanta qalado waayo maanta adaa haysta fursadii oo  xaakim ah ama xukumaya wixii kuu dana isla markaana dooranaya dalka iyo danaha dhexdiina shacab ahaan idinka oo dooran doona Madaxweyne kii idin xukumilahaa 5sanno ee soo socda wakhtigaas oo wakhti dheer ah una baahan ka fiirsasho ballaadhan ku kala sheegi maayo halkan oo odhan maayo xisbibaa xisbi ka wanaagsan ama raaca xisbigaa laakiin u bata oo raaca kan ay ka simanyihiin dadyowga kala qoomiyada ah dadyowga kala da,da ah dadyowga kala cilmiga ah dadyawga kala deegaanka ah dadyawga tayada roon isla markaana ka durka mid wal oo idiin la ekaada mid dano iyo dhalanteed wada anoo waliba ka cudur daaranaya in maanta axsaabta dalka ka jirtaa yihiin wali ardafiishal oo kuwii dhabta ahaa yihiin jiilalka danbe bal hadana wadada ha sii furaan oo ha bilaabaan kuwa maanta jiraa
 
xukunka maanta gacanta idiinku jira ka faaiidaysta ugu danbayna waxaan u soo jeedinlahaa hogaamiyaasha xisbiyada loolamaya in aanu aanu ka noqon ololaha siyaasadeed in ay is weeraraan ama is dhaleeceeyaan shakhsi ahaan taasi dhab ahaantii waxay keenaysaa in ay lumiyaan taageerayaal fara badan miisaaniyadda maanta siyaasadeedna shicibkaa hay shookaanteeda shicibkuna waxay ku qiyaasayaan waa maxaad la imanaysaan maaha hebelbaa tuuga iyo hebelba khibrad ma leh hebelna khibrad kumuu dhalan
ugu danbayna waxaan codsi ka dalban lahaa ragga wadaniyiinta ah ee ugu cad cadyihiin C/qaadir jirde iyo ragga la midka ah in ay u wadaan hawsha wadanka u wadaa iyo ku way usoo qabteena ilaahay ha ka abaal mariyo  Aamiin Aamiin  
 
 
                 Cumar Cabdi Nuux
                    Calaydh2@hotmail.com
                     Helsinki Finland

  SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE