|
|
Jawaab: Kulmiye imisuu u qaybsami Waxa qoray: Fuaad yusuf
Asalaamacaleykum.w.w.Bacda salaan waxaan
akhriyey maqaal uu qorey Cumar Cabdi
Nuux .Oo uu u bixiyey Kulmiye imisuu u qaybsami?.
Runtii waxaan la yaabay sida qorahani u
baalmarey dimoqraadiyadda lagu doortey Musharraxa madaxweynenimo iyo
sidii habsamida aheyd ee loo kala saarey musharrixiintii u loolamayey jagada
M.ku xigeennimada .Somalidu waxay ku
maahmaahdaa Hasha diideysaa maqaarka meel daloosha ayey ka ursataa oo aan
ula jeedo qoruhu wuxu buunbuuniyey raggii u sharraxnaa jagada madaxweyne ku
xigeenka oo lixdii nin ee ku tartamayey markii nin guuleystey ay afar kamid
ahi goosteen iney isaga baxaan ururka galaanna Ururka Udub,Haddaba haddaan
maskax fayoow ku eegno waxa nimankaasi sameeyeen ma waafaqsan tahay
Dimoqraadiyadda jawaabta oo koobani waa maya haddaba niman is ceebeeyey oo
dudey markey waayeen jagadii
oo ku biirey urur ay maalin walba waxka
sheegi jireen ma waxa habboon in arrintooda la qiimeeyo mise waxay aheyd in
loo caqli celiyo oo lagula taliyo inaaney waxaas oo kale dib u sameyn
dadkana u horseedin sunne aad u xun.
Runtii Cumar cabdi hadalkiisa waxa ka muuqata eex weyn uu kula kufey ururka maney aheyn inaad sidaas wax u qiimeyso ee waxay ahayd inaad ka sheekeyso
sida dimoqraadiyadda ah ee loo doortey
musharraxiinta Gabyaagii caanka ahaa ee salaan carrabey ayaa wuxu yidhi
waxba yaanu xeerkay imarin xoolana isiinne xaashe,e nin libin kaa xistiyey
xumihi waa yaabe.
Runtii markaan uhadalo si lillaahi ah ururkan
kulmiye waa ururka ugu mudan ururada maanta meesha ku tartamaya
waxaana hogaanka u haya nin aan hore u shirrabney oo naqaanno caddaaladdiisa
dushiisa iyo hawlkarnimadiisa .waxa
ilaahey hibo u siiyey inuu dhibkasta oo ku timaada uu u xalliyo si aad u
deggan oo qof waliba ku raali noqdo marka arrintan yar eed taabatey
haddaaney cidkale lug kula jirin wuu xalilidoonaa si dhakhso ah haddii
ilaahey u fududeeyo.Waxaan hadalkeyga ku soo gebagebeynayaa ururka kulmiye
ma qaybsana mana qaybsami doono ee wuxu ahaan
hal urur oo siduu u dhaqmi doono ururo badani
ku hinaasi doonaan higsanna doonaan sababta aan sidaas u idhina korbaan ku
soo xusey ee saaxiibkey Cumaroow qoraalka
eexda ka saar oo ha qorin arrin cid waliba
layaabeyso oo aan haba yaraatee wax raada ku laheyn ururka Kulmiye.
Qofka qoraaga ahi waa inuu hadduu dhexdhexaad
yahay ururada tartamaaya mid walba soo bandhigaa waxaad ku dhaliileyso marka
halka waxa ka baxaaya shakigii lagaa qaadi lahaa laakiin haddaad urur qudha
u raadiso xumaan taasi isweydiin malaha inaad u xaglineyso urur,taasina
waxay dhaawaceysaa fekred dad badani kaa haystaan
oo aheyd inaad tahay qoraa caddaali ah.
Waanad u madax bannaan tahay inaad taageerto ururkaad doonto laakiin qiiq
isku qarintu maaha wanaag.
Fuaad yusuf fuad@sprint.ca
|