SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

HADII FOOLI TIMIAADO GUDDO QARSIIMO HADHEY

 Waxa qoray: Ismaaciil Maxamed Gadiid - London

 

Tan iyo kolkii bulshaweynta ku abtirsata Somaliland ee degan carigan ingiriiska ay daawadeen muuqaaladii yaxyaxa iyo naxdinta huwanaa ee ku saabsanaa dhakhtarka hargeisa kaas oo u eekaa hoyga hororka iyo looma ooyaanka, waxaa soo baxey tabaha aya adeegsadaan ORGOMAYAASHA faraha badan ee midabada badan  ee dadka ku asqeeya siyaasada iyo qabyaalada aan fogeyn nuxurna laheyn taasoo ah gabood lagaga duwo muwaadinka toosan dhabaha saxda ah ee uu hayey, suaasha u badan ee dadku is weydiinayaan ayaa aheyd inta ka yar 20$ ee ay HODAN (ALLAH ha u naxariiste’e)  u dhimatey miyaa la waayey iyadoo 100,000$ oo hantida umada ah lasiisto wax loogu yeedhey guryo, waxaa la feydey runtii iyo xaqiiqadii taaley Somaliland oo hadii uu dhakhtarkii ku yaal magaalo madaxdu caynkan yahey kuwii ku yaaley goboladuna waa side? Ma dhakhaatiirbey ahaayeen mise BAHALO? Ma dawladbaa mise waa daneystayaal DHIIG MIIRATO AH? Meedey saxaafadu ma waxey dadka ku indha daraandariyaan siyaasad-la-moodan socota? Suaalahaasi iyo qaar kaloo badan ayaa ku dhex meeraya bulshaweynta qurbaha wadhan.

 

Akhriste xaalku maaha habartii docdeediyo degelkey ku nooleyd daruuruhu ku hooreen dadba wadad hel moodoo dada wararac bey tidhi, dadku wuu u sawirnaa iney baahi jirto waxaanse meesha la soo dhigan in DAMIIR la’aani jirto hadey jirtana ilaa xadkan gaadhsiisan tahey, guriga madaxweynuhu wuxuu u jiraa in ka yar 30 tilaabo, baarlamaanka waabey isku naban yihiin,  golihii kale hadalkiisa daa, intuba 20 $ waxey ku cunaan quraac waar xagee la idinku xisaabinyaaa dadyoow damiirka ka abaadey, kuwa la qariyey ee ku nool sheikh nuur waxaa u hiiliyey BILLY

 

Meeshu waa Hargeisa hoygii raaxada oo hoosta ka ah  hoygii dulmiga iyo hagardaamada, oo kuwa dibada joogana ku daroo laga seexdey midiyaha iyo seefahana loo afeeyey kii wax ku cunayey hadeyse garoowsadeen ku wii dibadyaalka ahaa ee tolow kuwii guadaha jiifey dareenkooda biniaadmnimo inuun wax mey iska bedeli doonaa waa su’aal u taal  Abwaan, Saxafi, Qoraa, Dhakhtar, Ardey, Hooyo, Dhalin, Ganacsade, Duuliye sare, Dejiye hoose, Ma-naxe, Cunaaye, Damiir laawe, Dhiigya cab, YamYam iyo Qadaadweyn, MUJAAHID HALGAMEY WELINA HALGAMAYA, balaan dhowrno waayaha.

 

ISMAIL GADIID LONDON   gadiidsomland@hotmail.com 

  SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE