SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Kulmiye oo Lacagtii Jaaliyadda u siticmaalay Ololaha doorashada

 Waxa qoray:  Mohamed Raage - Denmark

Waxaa maaalmahan dambe caado laga dhigtay in hantida ummadda meel kasta oo ay joogaan loo isticmaalo ololaha siyaasada. Xisbiga Kulmiye oo had iyo jeer sheega in Xisbiga Udub uu ku milmay dawladda oo lunsado hantidii iyo haybadii qaranka, ayaa waxaa dhawaan cadaatay in Kulmiye sidoo kale awoodii iyo hantidii jaaliyadda Somaliland ee Danmark u isticmaalay danaha gaarka ah ee Kulmiye. 

Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Denmark isla markaana ah Gudoomiyaha Kulmiyee ee Denmarka ayaa muddo 3 bilood ah socdaal ku kala bixiyey Denmarka isagoo u ololaynaaya Kulmiye. Hadaba waxay dhibaatadu ka dhacday lacag dhan 25,000 krone (4000 dollar) oo dawladda Denmark ugu deeqday Jaaliyada si caruurta loogu baro afsomaliga ayaa dhamaanteeed loo isticmaalay ololaha siyaasada sida u sheegay xubin muhiim ah oo ka tirsan guddiga jaaliyada. Arrinta kale ee is maandhaafka keentay waxay tahay Musse sheekh oo meel kasta marka uu tagayo dadka ku sii wargeliyaa in uu u socdo hawlaha jaaliyada marka uu la kulmana u sheega in uu Kulmiye rabo in lacag lagu deeqo. Dad fara badan oo deggan Denmark oo arrinta ka xanaaqsan ayaa meelo badan ugu jawaabay Muse Sheekh annagu siyaasada ma xiisayno , waxaad noogu yeedhay shirarkan in danta jaaliyadda laga wada hadlo imikana waxaad leedahay waxaan u socdaa Kulmiye sidaad ugu soo biiri lahaydeen oo lacag ugu urur lahayn, arrintaas foolxumo iyo dantii ummadda oo aad been ka sheegayso.

Xubin muhiim ah oo kale ayaa wuxuu yidhi ” Musse sheekh haddii Udub iyo dawladdii isku milmeen , adiguna ma waxaad wada sida ay jaaliyada iyo Kulmiye isugu milmaan, hantidii caruurta looogu lato galaynaa ma siyaasad ayaa ku gashay”.

Musse sheekh waxaa kale oo lagu tilmaama nin u ololeeya Somaliweyn, waxaana cadayn taas u ah: 

1.     Musse Sheekh oo Gudoomiye ka ahaa 2 sano jaaliyada guud ee Somaliweyn, isla markaana imika xubin ka ah

2.     Musse sheekh oo hogaaminaaya lawyer daanish ah (birgette Wais) Waxay ka qaybgaleen shirkii Carta. 

3.     Musse wuxuu hogaaminaayey Mudaharad lagu dhigay Safaraada  Masar ee Danmark taas oo lagaga soo horjeeday Gooni isutaaga Somaliland. 

Waxaan beryahan dambe is weydiinaayaa dadweynaha reer Somaliland ee Denmark deggan oo Kulmiye ma waxaa u qarsoon siyaasada Somali weyn tallow, madaama xubintii ugu fircoonayand ee ka soo jeeda Somaliland una ololaysa Somaliweyn xil u hayo. 

Mohamed Raage  -  Denmark  Mraage111@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE