SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

MAXAA ISKA BEDELAY SIYAASADA SOOMAALIND KA DIB XILIGII MARXUUM CIGAAL

Waxaa diyaariyey KAYSE AADAN MOHAMED DENMARK

Waxaan marka hore salaamayaa bahweynta, ama aan idhaahdee dhamaan saxaafada xorta ah. Waxaan maanta doorbiday inaan wax yar kataabto oo bulshada usoo bandhigo waxyaabaha iska bedelay dalka soomaaliland mudadii uu xukanka hayey madaxweyne Daahir Riyaale, kadib dhimashadii Marxuum Cigaal iyo taas oo ay ku lamaantahay hadii dhaliili jirto maw baahanahay in hogaanka wadanka wax laga bedelo. Waxaan isku deyayaa inaanan kagudbin anshaxa suuban ee qoraal iyo qadarinta bulshada kala duwan ee kala aragtida ah, balse ogow wixii jira ee aan uhaysto inay dhaceen waan cabirayaa, haday tahay xaga xisbiyada, fulinta, garsoorka, xeerdijinta iyo shaqsiyaad kaleba. Laba siyaabood oo isku xidhan oo hadii midi qaloocato tan kalena kulamaantahay ayaa baabi'iya qaran, mid katimaada xaga dastuurka oo aan siduu yahay loogu dhaqmin iyo mid katimaada marka hogaanka wadankaasi gudan kari waayo xilka loo dabafadhiistay, tan hore waatii baabi'isay midowgii soofiyeeti, halka tan dabena ay kubanaantahay dawladii islaamka. Hadaan markaa halkaa kuxidhiidhiyo soomaaliland, maanta soomaaliland waxay kusii socotaa haadaan dheer oo ubaahan in si taxadar ah looga gudbo loogana fiirsado sidegan, waxaa hogaankeeda haya dawlad aan kasoo bixi kari waajibaadka lagu qiimeeyo qaran, dawlad ama hogaan aan ka aragti dheerayn bulshada iskuna wadi karin taasoo ay weheliso in doonista qofeed ay kahoraysiiso tan umada, waxaa hogaanka haya dawlad aan kala miisaami karin doonista qaran iyo ta qofeed, maandeeq hogaankeeda kama dhex muuqdaan kuwo garashaa lihi, haday kamid yihiin ama kujiraana waa kuwo aan kusoo bixi karin, sida awrtaba ay ugu jiraan qaar aan doobtu kasoo bixini. 

Bulshada soomaaliland waxaa maanta ka dhex muuqda kuwa doora oo doonaya inay hogaamiyaan bulshada, waxaase qaar badan oo kamida ka maqan inay ilowsan yihiin in qofka lagu qiimeeyo waxyaalo badan oo dhinacyo badana laga eego, waxaana ugu miisaan culus kuwii sida tooska ah isu barbartaagay shacbiyadii ku hungowday xornimada, waxaanay iyaga laftoodu ukala qaybsameen kuwo si toos ah isu barbartaagay halgankii shacbakaasi doonayeen inay dib ugu hantaan xornimadoodii iyo kuwo kale oo weligoodba dibindaabyo ku ahaa shacbiyadaa gadoodsan, waxa ugu culus ee maanta aynu kukala qiimaynaynaana ay tahay taariikhdiisa oo nin kasta oo siyaasada ka dhexmuuqda sitoos ah ucadahay. horumarka, nabadgelyada iyo xornimaduna waxay kuyimaadeen halgankaa qadhaadh kaas oo ubaahan abaalmarin iyo in qofka lagu qiimeeyo muxuu dadkan usoo qabtay. Waxaanu damiirka wanaagsani isiinayn inaan weel wax ugu wada shubo kii sida tooska ah shacbiyadaa isu barbartaagay iyo kii dibindaabyada ku ahaa, taas oo ay dheertahay hadii qofka hogaan loo dhiibay in laqiimeeyo oo labaadho xumaan iyo wanaag wuxuu bulshada usoosido. Waxaan weli kujiraa canaan aan uhayo dadka soomaalinad horboodaya in badan oo kamida, waxaanaan kamid ahay shaqsiyaadka habeen iyo maalinba dhegta kuhaya maxaa maandeeq kasoo yeedhi, ogow markaa inaan wax kasheego cidii qaldan oo umada aan tuso waxaan uyeeshay xaq. Waan soo koobayaa ee waxaan doonayaa inaan wax yar kataabto waxyaalaha aan isleeyahay dawlada, mataankeeda udub iyo garsoorkuba waa gef ay umada ka galeen. 

1- TEGITAANKII JABUUTI. 

Waxaa dadka siyaasada odorasaa aad uga biyo diideen sidii sibiqda ahayd ee uu Riyaale kutegay jasiirada yar ee Jabuuti, danaha kulamaanaa tegitaankaasi qaar waa kuwo ugaar ah madaxweynaheena qaarna waa kuwo uu lahaa ninka doonaya inuu mar keliya qaarada inaga maxaso. Kuwa uu lahaa madaxweyneheenu waxaa laga ogyahay wax yar waxaanse rabaa inaanan kasii hordhicin ee aan waqtiga iyo taariikhda udaayo. Kuwa Geelle lahaa waxaa ugu miisaan culus inuu inoo sameeyo cadow fara badan oo uu inoo tuso saaxiibadeen, wuxuu Riyaale la eegtay kamarad uu sitay Caamir Muusa oo uu utusay in ninkii uu meel uu kadhaafo waayey geeriyooday, hadana uu hargaysa geynayo Muqdisho, wuxuu kusawiray labada nin ee majeerteen ee Xasan Abshir iyo Jaamac Cali Jaamac oo markaa uu duulayey kusugnaa Jabuuti uu usheegay inay kala sitaan taytalada carta iyo majeerteeniya iyo riyaale oo sita soomaaliland, waxaana meeshaa kasoo baxay mishin culus oo maskaxda qofka waqti kuqaadanayso siday isugu xidhan yihiin, waxaana maanta aynu aragnaa wax kafulay safiiradii carbeed ee soo caga dhigtay hargaysa, jaamac cali jamac iyo colkiisa jooga Ceel afweyn, Dib u eeg Qudbadii Cabdi Qasbaaye ee kutaariikhaysan 22-03-03 wuxuu shegay in wada hadal usocdo, maartana ay doorasho kujiraan oo aan qofna odhanayn waxaan doonayaa soomaali, balse wuxuu iftiimiyey inaanay maanta maalin ay kadhowyihiin jirin, waxaa saaran siyaasadeena calaamatu layaab. 

2_ TEGITAANKII GOBOLKA SOOL.

Waxba kudheeraan maayo ee waxaa inooga filan inay qalad ahayd odayaashii mudada sadexda bilood ahayd kusugnaa oo markii ay soo noqdeen ee ay maqleen wuxuu odaygii aadayaa sool usheegay inuu iska joogo hada, wuuna kugacanshaydhay, waxaana inoosoo baxaya miisaanka riyaale intuu leeg yahay, waxaa kaloo inoo soo baxaysa in mishinkaa hore ee aan kasoo sheekeeyey uu laqolo yahay kan Ismaaciil Cumar Geele, waayo waxaad arkaysaa sida ay soomaaliland uga go'doonsan tahay ee majeerteeniyana uhantiyeen, ilaa hada aan sheekadaa dawladu kadaba tegin, waxaa iyana saaran calaamtu layaab. 

3_ DOORASHADII DEEGAANKA.

Waxaa inagaga filan sidii ay udhacday ee musuqmaasuqa lahayd ee loogu shubtay, loogu isticmaalay hantidii iyo baawarkii dawladaba, waxaase wixiiba kasii daray faragelintii maayirada dawladaha hoose oo aynu ognahay waxa meeshaa ka dhacay oo ay dawladu daaha dabadiisa ugu jirtay iyo dadkii deegaanka wada deganaa oo laysu bahala geliyey oo wax dadkii beri hore kagudbay ay maanta dib ugu soo celisay. 

4- SIYAASADA ITOOBIYA.

Mayla socotaa weli waxaa dhacay, mase laga yaabaa in mishinadaa aan kasoo sheekaynay oo dhami qayb kayihiin ujeedooyinka ismaaciil cumar geele, tan itoobiya oo lafteena dheer ahaydna ay ooda afka kasaartay dawlada riyaale, dib udheeho xiligii dagaalka gudaha iyo kadebedaba laynagu soo qaaday waxaa ujeedadiisu ahayd in aynaan meel dheer gaadhin soomaalina layna tuso inaynaan kamaarmin, waxaase waxaasoo dhan isku fuuqsaday markay jabuuti oo aynu xidhiidh ganacsi lalahayn tidhi meel walba waan ka xidhay, cir, dhul iyo badba, yaa inoo baxay oo aan ilaahay iyo itoobiya ahayn, dib ueeg dekada harta shiikh, dib ueeg diyaarada itoobiya eerlayn, dib ueeg karbedka ay kulaafyoon jireen masuuliyiinteena qaran, dib ueeg calanka soomaaliland iyo adis ababa, dib ueeg safiirkeena iyo kan dublamaasi ee hargaysa jooga, wixii intaa dheerna adaan kuu dhaafayaa. 

5- EEDII MUUSE BIIXI. 

Waxaa dhacday eed aa lawada socoteen oo mujaahid biixi kusoo oogay madaxweynaha, hadaba maxaa kaliifay inaanu madaxweynuhu maalin qudha kahadlin arintaa, sawkii khayriyada kaga jawaabi jiray waxaan sakaaro kabiirsan, sharciga iyo xeerka wanaagsanse midna mawaafaqsanaayeen xubnihii marna udubaysnaa marna dawlada ahaa ee kajawaabay arintaa, waxay kaga jawaabeen xitaa wax qofka aan caadiga ahayni katasahan lahaa inuu kuhadlo, waxay kaga jawaabeen wax aan loo fadhiyin oo umuuqda inay mishinadaa hore qayb kamida fulinayeen, waxaase loo qaadan karaa aamusnaanta Riyaale timir lafbaa kujirta. 

6- MAAMULADA ISKU HAYA MAJEERTEENIYA. 

Waxaa wax lalayaabo ah in aan kala taageerno maamulada halkaa isku haya, sababtoo ah waxaaba diidaya damiirka wanaagsan, mise waxay dawladeenu kabaqaysaa kornaylka oo ay isleedahay ninkani haydinka difaaco, mise laga yaabaa inay daba socoto weli mishinkaa aan kasoo sheekeeyey oo ah in kornaylka oo itoobiya ku xidhan iyo inaga oo itoobiya saaxiib inala ahayd wax weyni kaxumaan karaan hadynu sidan yeelo, kornaylka oo ahayn nin naxaba malaga yaabaa inuu uqaato inaynu kabaqnay, maxaase ilaa hada inoo talo ah, sideese goboladaa doorosho uga dhacaysaa hadii cadawgeenii fadhiyo?, maxaase lagu kala dooranayaa labadan maamul ee jira ilayn midna kuma ogala ee. 

7- DAWLADII WADAAGA AHAYD. 

Waxaa dad badan oo aan kujiro ucadaatay inaanay dawladan iyo udubtoona wax wanaagsan wadanka usoo wadin, waxaana kuu cadaynaya inaanay ogolayn wax kasta oo cadaalada udhow, waxaana kamarag kacaya sida quudhsigu kujiro ee ay ula macaamisho xisbiyada kale oo ay u aragto inaanay miisaan culus kulahayn bulshada dhexdeeda, waxaa hadii udub iyo dawladu doonayaan wanaag, sinaan, cadaalada iyo wax kasii wacanba inay dhegaysan lahaayeen xisbiyada kale, hadii wax kale laga fursan waayo waxaa kufilaa min hal wasiir oo lasiiyo labada xisbi ee kale, dib ueeg hadalkii taleefishinka ee Jirde. 8- KOOXDII GAROOWE. Waa markii ugu horaysay ee sakyuuratigii wadanku khalkhalo, waxaana kuu cadaynaya sida jilicsan ee ragaasi kutageen garoowe iyo sida jilicsan ee ay kaga soo noqdeenba, waxaa kaloo ina tusinaya khalkhalkaa rasiisal wasaaraha carta oo mudo kusugnaa hargaysa oo aan sirdookeenu war kahayn, wuu joogi karaa madaarka laakiin in īlaga war hayo ayay ahayd baan ujeedaa, qolada garoowena waxaan marar badan is idhaahdaa waar dawladiiba tuur iyo rag lamida ayey soo dhoweynaysaa ee maxaa loo haystaa iyagaba. 

9-DAWLADA WADANKA MAAMUSHA. 

Hadii xafiisyadeena ay kahawl geli lahaayeen tiro badan oo taya lihi, waa hubaal inaynu maanta aad uga fogaan lahayn halka aynu joogno, jawaabta soo degdegaysaana waa sababta ay xafiisyadeena ugu urursan yihiin kooxo musuqmaasuq oo ay weheliso aqoon la'aani, meel kadahac nooacaa ahani wuxuu kayimaadaa siyaasiyiinta wadanka hogaamisa oo doonaya inay helaan shaqsiyaad fuliya danahooda gaar ka ah. Waxaa maanta wax lala yaabo ah inay dawlada riyaale hogaamiyo kubadan yihiin ama kulaalayaan shaqsiyaad isaga dabqaadaya maqshir ilaa maqrib, metelan gudoomiyaha maxkamada sare waa garsoore hoose oo kasoo shaqeeyey majeerteeniya, mayahay kii ugar qaadi lahaa qaran dhan, kaaga darane ilaa hada laguma hayo waan katanaasulay wixii hore oo qarankan baan usoo noqday, bal eeg wasiirkeena cadaalada, waxaan xusuustaa hadal uu yidhi mujaahid siilaanyo oo ahaa ninkii carta ama majeerteeniya kayimaadaaba wuxuu kubiiraa udub ee maxaa ka dhexeeya, mala yaabaa in mishinadii aynu kasoo sheekaynay oo dhamiba isku xidhan yihiin. Bal ufiirso maanta waxaa bilaabatay hadhagdhaagintii oo kale, dib ueeg khudbadii FAYSAL CALI WARAABE ee uu kusheegay in loogu hanjabay inuu booqdo isguulo kuyaala hargaysa, waa ayo cida wanaag sheeganaysa ee dawladaa katirsani, bal eeg birmagaydadii huwanta udub iyo dawladu ku xidheen baligubadle. Waxaa markaa dadka usheegi lahaa in la ogaado qiimaha uu leedahay hogaanka talada wadanka haya oo aqoon, karti, ku dhac, cadaalad lahayni inuu leeyahay dib udhac iyo burbur. 10- XISBIGA UDUB. Waxaa iska cad inuu uxiibsiibtay xisbi doorasho wadanka kuqabsaday, waxaa iska cad inuu yahay xisbi cadaalada aad uga fog oo aan lahayn xaq soor, inaanu kubadnayn dadka intelejenka ahi, xisbi dadka mareegaha internetka adeegsadaa waxay qoraan in badan xigmadu kamaqan tahay, xisbi haybadii dawladnimo iyo karaamadii loo sinaa si kale dadka wax utusa, xisbi ay kubadan tahay taytalo loo adeegsado mareegaha internetka iyo been aan sal lahayn, waxaan kula talin lahaa inuu sida labada xisbi ee kale noqdo qunyar socod. Waxaan filayaa waan idinku badshay, waase soo xidhayaa iyadoo wixii aan islahaa qor aanay fari ka qodnayn, waxaanse kaga baxayaa marka aan miisaamay waxyaalahaa aan soo sheegay oo ay ugu muhiimsan tahay, khibrad iyo cadaalad la'aanta maamulka riyaale lagu daray hadal xumada iyo sixun wax usheega udub lagu daray Sool iyo halka lamariyey lagu daray kooxihii federaalka, carta, majeerteeniye, jabuuti, carabta iyo qaxoontigii jabuuti kasoo noqday lagu daray Haybadii iyo karaamadii madaxweyne qaran oo meel uu kaga dhacay oo halkuu maalin socon lahaa uu guureeyey labadii jeer ee uu hargaysa kabaxay iyo maydkii uu lasoo guryo noqday iyo sidaan waxba isaga bedelin markii shilku soo gaadhay safarkiisii oo ay ahayd inuu siheer qaran u aaso oo aan dhicin lagu daray qaybi oo xukunta dawlada riyaale lagu daray shirka keenya iyo hadii wax kasoo baxaan cidii muquunin lahayd hadii hadal furmo oo aan ii muuqan lagu daray boobkii doorashadii deegaanka lagu daray dhaqqle xumada wadankii kataagan lagu daray mushahar la'aanta ciidamada lagu daray miisaaniyadii sanadka lagu daray biyo la'aanta kataagan hargaysa lagu daray cadaankii labada jeer lagu weeraray hargaysa lagu daray sakyuuratigii wadanka oo lumay lagu daray daaqadii bbcda ee isbitaalka hargaysa lagu daray itoobiya iyo xidhiidhkeedii. Waxaasi waxay ina tusayaan inaanay jirin dawlad miisaan leh oo wadankeena qaaliga ah ee dahabka ahi uu leeyahay, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay hogaan bedela kan hada. Hadaan hal kelmed oo aan aragtidayda kucabirayo kadhiibtona waxaan odhan lahaa sadexda nin ee tartamaya waxaa ugu miisaan culus dhinac kastaba mujaahid siilaanyo ee dalka udoorano. Waxaan diyaar u ahay inaan si guud iyo si gaarba uga jaawabo wixii dhaliil ah ama toosin ah, xambaarsan asluubta qoraalka, hadii aad kabaxdo edaabta qoraalkana igama heli doontid wax shaafin ah. 

Waxaa diyaariyey KAYSE AADAN MOHAMED DENMARK

Email:  kayse26@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE