
MAXAA ISKA BEDELAY SIYAASADA
SOOMAALIND KA DIB XILIGII MARXUUM CIGAAL
Waxaa
diyaariyey KAYSE AADAN MOHAMED DENMARK
Waxaan marka hore salaamayaa
bahweynta, ama aan idhaahdee dhamaan saxaafada xorta ah. Waxaan maanta doorbiday
inaan wax yar kataabto oo bulshada usoo bandhigo waxyaabaha iska bedelay dalka
soomaaliland mudadii uu xukanka hayey madaxweyne Daahir Riyaale, kadib
dhimashadii Marxuum Cigaal iyo taas oo ay ku lamaantahay hadii dhaliili jirto
maw baahanahay in hogaanka wadanka wax laga bedelo. Waxaan isku deyayaa inaanan
kagudbin anshaxa suuban ee qoraal iyo qadarinta bulshada kala duwan ee kala
aragtida ah, balse ogow wixii jira ee aan uhaysto inay dhaceen waan cabirayaa,
haday tahay xaga xisbiyada, fulinta, garsoorka, xeerdijinta iyo shaqsiyaad
kaleba. Laba siyaabood oo isku xidhan oo hadii midi qaloocato tan kalena
kulamaantahay ayaa baabi'iya qaran, mid katimaada xaga dastuurka oo aan siduu
yahay loogu dhaqmin iyo mid katimaada marka hogaanka wadankaasi gudan kari waayo
xilka loo dabafadhiistay, tan hore waatii baabi'isay midowgii soofiyeeti, halka
tan dabena ay kubanaantahay dawladii islaamka. Hadaan markaa halkaa
kuxidhiidhiyo soomaaliland, maanta soomaaliland waxay kusii socotaa haadaan
dheer oo ubaahan in si taxadar ah looga gudbo loogana fiirsado sidegan, waxaa
hogaankeeda haya dawlad aan kasoo bixi kari waajibaadka lagu qiimeeyo qaran,
dawlad ama hogaan aan ka aragti dheerayn bulshada iskuna wadi karin taasoo ay
weheliso in doonista qofeed ay kahoraysiiso tan umada, waxaa hogaanka haya
dawlad aan kala miisaami karin doonista qaran iyo ta qofeed, maandeeq
hogaankeeda kama dhex muuqdaan kuwo garashaa lihi, haday kamid yihiin ama
kujiraana waa kuwo aan kusoo bixi karin, sida awrtaba ay ugu jiraan qaar aan
doobtu kasoo bixini.
Bulshada soomaaliland waxaa
maanta ka dhex muuqda kuwa doora oo doonaya inay hogaamiyaan bulshada, waxaase
qaar badan oo kamida ka maqan inay ilowsan yihiin in qofka lagu qiimeeyo
waxyaalo badan oo dhinacyo badana laga eego, waxaana ugu miisaan culus kuwii
sida tooska ah isu barbartaagay shacbiyadii ku hungowday xornimada, waxaanay
iyaga laftoodu ukala qaybsameen kuwo si toos ah isu barbartaagay halgankii
shacbakaasi doonayeen inay dib ugu hantaan xornimadoodii iyo kuwo kale oo
weligoodba dibindaabyo ku ahaa shacbiyadaa gadoodsan, waxa ugu culus ee maanta
aynu kukala qiimaynaynaana ay tahay taariikhdiisa oo nin kasta oo siyaasada ka
dhexmuuqda sitoos ah ucadahay. horumarka, nabadgelyada iyo xornimaduna waxay
kuyimaadeen halgankaa qadhaadh kaas oo ubaahan abaalmarin iyo in qofka lagu
qiimeeyo muxuu dadkan usoo qabtay. Waxaanu damiirka wanaagsani isiinayn inaan
weel wax ugu wada shubo kii sida tooska ah shacbiyadaa isu barbartaagay iyo kii
dibindaabyada ku ahaa, taas oo ay dheertahay hadii qofka hogaan loo dhiibay in
laqiimeeyo oo labaadho xumaan iyo wanaag wuxuu bulshada usoosido. Waxaan weli
kujiraa canaan aan uhayo dadka soomaalinad horboodaya in badan oo kamida,
waxaanaan kamid ahay shaqsiyaadka habeen iyo maalinba dhegta kuhaya maxaa
maandeeq kasoo yeedhi, ogow markaa inaan wax kasheego cidii qaldan oo umada aan
tuso waxaan uyeeshay xaq. Waan soo koobayaa ee waxaan doonayaa inaan wax yar
kataabto waxyaalaha aan isleeyahay dawlada, mataankeeda udub iyo garsoorkuba waa
gef ay umada ka galeen.
1- TEGITAANKII JABUUTI.
Waxaa dadka siyaasada odorasaa
aad uga biyo diideen sidii sibiqda ahayd ee uu Riyaale kutegay jasiirada yar ee
Jabuuti, danaha kulamaanaa tegitaankaasi qaar waa kuwo ugaar ah madaxweynaheena
qaarna waa kuwo uu lahaa ninka doonaya inuu mar keliya qaarada inaga maxaso.
Kuwa uu lahaa madaxweyneheenu waxaa laga ogyahay wax yar waxaanse rabaa inaanan
kasii hordhicin ee aan waqtiga iyo taariikhda udaayo. Kuwa Geelle lahaa waxaa
ugu miisaan culus inuu inoo sameeyo cadow fara badan oo uu inoo tuso
saaxiibadeen, wuxuu Riyaale la eegtay kamarad uu sitay Caamir Muusa oo uu utusay
in ninkii uu meel uu kadhaafo waayey geeriyooday, hadana uu hargaysa geynayo
Muqdisho, wuxuu kusawiray labada nin ee majeerteen ee Xasan Abshir iyo Jaamac
Cali Jaamac oo markaa uu duulayey kusugnaa Jabuuti uu usheegay inay kala sitaan
taytalada carta iyo majeerteeniya iyo riyaale oo sita soomaaliland, waxaana
meeshaa kasoo baxay mishin culus oo maskaxda qofka waqti kuqaadanayso siday
isugu xidhan yihiin, waxaana maanta aynu aragnaa wax kafulay safiiradii carbeed
ee soo caga dhigtay hargaysa, jaamac cali jamac iyo colkiisa jooga Ceel afweyn,
Dib u eeg Qudbadii Cabdi Qasbaaye ee kutaariikhaysan 22-03-03 wuxuu shegay in
wada hadal usocdo, maartana ay doorasho kujiraan oo aan qofna odhanayn waxaan
doonayaa soomaali, balse wuxuu iftiimiyey inaanay maanta maalin ay kadhowyihiin
jirin, waxaa saaran siyaasadeena calaamatu layaab.
2_ TEGITAANKII GOBOLKA SOOL.
Waxba kudheeraan maayo ee waxaa
inooga filan inay qalad ahayd odayaashii mudada sadexda bilood ahayd kusugnaa oo
markii ay soo noqdeen ee ay maqleen wuxuu odaygii aadayaa sool usheegay inuu
iska joogo hada, wuuna kugacanshaydhay, waxaana inoosoo baxaya miisaanka riyaale
intuu leeg yahay, waxaa kaloo inoo soo baxaysa in mishinkaa hore ee aan kasoo
sheekeeyey uu laqolo yahay kan Ismaaciil Cumar Geele, waayo waxaad arkaysaa sida
ay soomaaliland uga go'doonsan tahay ee majeerteeniyana uhantiyeen, ilaa hada
aan sheekadaa dawladu kadaba tegin, waxaa iyana saaran calaamtu layaab.
3_ DOORASHADII DEEGAANKA.
Waxaa inagaga filan sidii ay
udhacday ee musuqmaasuqa lahayd ee loogu shubtay, loogu isticmaalay hantidii iyo
baawarkii dawladaba, waxaase wixiiba kasii daray faragelintii maayirada
dawladaha hoose oo aynu ognahay waxa meeshaa ka dhacay oo ay dawladu daaha
dabadiisa ugu jirtay iyo dadkii deegaanka wada deganaa oo laysu bahala geliyey
oo wax dadkii beri hore kagudbay ay maanta dib ugu soo celisay.
4- SIYAASADA ITOOBIYA.
Mayla socotaa weli waxaa dhacay,
mase laga yaabaa in mishinadaa aan kasoo sheekaynay oo dhami qayb kayihiin
ujeedooyinka ismaaciil cumar geele, tan itoobiya oo lafteena dheer ahaydna ay
ooda afka kasaartay dawlada riyaale, dib udheeho xiligii dagaalka gudaha iyo
kadebedaba laynagu soo qaaday waxaa ujeedadiisu ahayd in aynaan meel dheer
gaadhin soomaalina layna tuso inaynaan kamaarmin, waxaase waxaasoo dhan isku
fuuqsaday markay jabuuti oo aynu xidhiidh ganacsi lalahayn tidhi meel walba waan
ka xidhay, cir, dhul iyo badba, yaa inoo baxay oo aan ilaahay iyo itoobiya ahayn,
dib ueeg dekada harta shiikh, dib ueeg diyaarada itoobiya eerlayn, dib ueeg
karbedka ay kulaafyoon jireen masuuliyiinteena qaran, dib ueeg calanka
soomaaliland iyo adis ababa, dib ueeg safiirkeena iyo kan dublamaasi ee hargaysa
jooga, wixii intaa dheerna adaan kuu dhaafayaa.
5- EEDII MUUSE BIIXI.
Waxaa dhacday eed aa lawada
socoteen oo mujaahid biixi kusoo oogay madaxweynaha, hadaba maxaa kaliifay
inaanu madaxweynuhu maalin qudha kahadlin arintaa, sawkii khayriyada kaga
jawaabi jiray waxaan sakaaro kabiirsan, sharciga iyo xeerka wanaagsanse midna
mawaafaqsanaayeen xubnihii marna udubaysnaa marna dawlada ahaa ee kajawaabay
arintaa, waxay kaga jawaabeen xitaa wax qofka aan caadiga ahayni katasahan lahaa
inuu kuhadlo, waxay kaga jawaabeen wax aan loo fadhiyin oo umuuqda inay
mishinadaa hore qayb kamida fulinayeen, waxaase loo qaadan karaa aamusnaanta
Riyaale timir lafbaa kujirta.
6- MAAMULADA ISKU HAYA
MAJEERTEENIYA.
Waxaa wax lalayaabo ah in aan
kala taageerno maamulada halkaa isku haya, sababtoo ah waxaaba diidaya damiirka
wanaagsan, mise waxay dawladeenu kabaqaysaa kornaylka oo ay isleedahay ninkani
haydinka difaaco, mise laga yaabaa inay daba socoto weli mishinkaa aan kasoo
sheekeeyey oo ah in kornaylka oo itoobiya ku xidhan iyo inaga oo itoobiya
saaxiib inala ahayd wax weyni kaxumaan karaan hadynu sidan yeelo, kornaylka oo
ahayn nin naxaba malaga yaabaa inuu uqaato inaynu kabaqnay, maxaase ilaa hada
inoo talo ah, sideese goboladaa doorosho uga dhacaysaa hadii cadawgeenii fadhiyo?,
maxaase lagu kala dooranayaa labadan maamul ee jira ilayn midna kuma ogala ee.
7- DAWLADII WADAAGA AHAYD.
Waxaa dad badan oo aan kujiro
ucadaatay inaanay dawladan iyo udubtoona wax wanaagsan wadanka usoo wadin,
waxaana kuu cadaynaya inaanay ogolayn wax kasta oo cadaalada udhow, waxaana
kamarag kacaya sida quudhsigu kujiro ee ay ula macaamisho xisbiyada kale oo ay u
aragto inaanay miisaan culus kulahayn bulshada dhexdeeda, waxaa hadii udub iyo
dawladu doonayaan wanaag, sinaan, cadaalada iyo wax kasii wacanba inay dhegaysan
lahaayeen xisbiyada kale, hadii wax kale laga fursan waayo waxaa kufilaa min hal
wasiir oo lasiiyo labada xisbi ee kale, dib ueeg hadalkii taleefishinka ee Jirde.
8- KOOXDII GAROOWE. Waa markii ugu horaysay ee sakyuuratigii wadanku khalkhalo,
waxaana kuu cadaynaya sida jilicsan ee ragaasi kutageen garoowe iyo sida
jilicsan ee ay kaga soo noqdeenba, waxaa kaloo ina tusinaya khalkhalkaa rasiisal
wasaaraha carta oo mudo kusugnaa hargaysa oo aan sirdookeenu war kahayn, wuu
joogi karaa madaarka laakiin in īlaga war hayo ayay ahayd baan ujeedaa, qolada
garoowena waxaan marar badan is idhaahdaa waar dawladiiba tuur iyo rag lamida
ayey soo dhoweynaysaa ee maxaa loo haystaa iyagaba.
9-DAWLADA WADANKA MAAMUSHA.
Hadii xafiisyadeena ay kahawl
geli lahaayeen tiro badan oo taya lihi, waa hubaal inaynu maanta aad uga fogaan
lahayn halka aynu joogno, jawaabta soo degdegaysaana waa sababta ay
xafiisyadeena ugu urursan yihiin kooxo musuqmaasuq oo ay weheliso aqoon la'aani,
meel kadahac nooacaa ahani wuxuu kayimaadaa siyaasiyiinta wadanka hogaamisa oo
doonaya inay helaan shaqsiyaad fuliya danahooda gaar ka ah. Waxaa maanta wax
lala yaabo ah inay dawlada riyaale hogaamiyo kubadan yihiin ama kulaalayaan
shaqsiyaad isaga dabqaadaya maqshir ilaa maqrib, metelan gudoomiyaha maxkamada
sare waa garsoore hoose oo kasoo shaqeeyey majeerteeniya, mayahay kii ugar qaadi
lahaa qaran dhan, kaaga darane ilaa hada laguma hayo waan katanaasulay wixii
hore oo qarankan baan usoo noqday, bal eeg wasiirkeena cadaalada, waxaan
xusuustaa hadal uu yidhi mujaahid siilaanyo oo ahaa ninkii carta ama
majeerteeniya kayimaadaaba wuxuu kubiiraa udub ee maxaa ka dhexeeya, mala yaabaa
in mishinadii aynu kasoo sheekaynay oo dhamiba isku xidhan yihiin. Bal ufiirso
maanta waxaa bilaabatay hadhagdhaagintii oo kale, dib ueeg khudbadii FAYSAL CALI
WARAABE ee uu kusheegay in loogu hanjabay inuu booqdo isguulo kuyaala hargaysa,
waa ayo cida wanaag sheeganaysa ee dawladaa katirsani, bal eeg birmagaydadii
huwanta udub iyo dawladu ku xidheen baligubadle. Waxaa markaa dadka usheegi
lahaa in la ogaado qiimaha uu leedahay hogaanka talada wadanka haya oo aqoon,
karti, ku dhac, cadaalad lahayni inuu leeyahay dib udhac iyo burbur. 10- XISBIGA
UDUB. Waxaa iska cad inuu uxiibsiibtay xisbi doorasho wadanka kuqabsaday, waxaa
iska cad inuu yahay xisbi cadaalada aad uga fog oo aan lahayn xaq soor, inaanu
kubadnayn dadka intelejenka ahi, xisbi dadka mareegaha internetka adeegsadaa
waxay qoraan in badan xigmadu kamaqan tahay, xisbi haybadii dawladnimo iyo
karaamadii loo sinaa si kale dadka wax utusa, xisbi ay kubadan tahay taytalo loo
adeegsado mareegaha internetka iyo been aan sal lahayn, waxaan kula talin lahaa
inuu sida labada xisbi ee kale noqdo qunyar socod. Waxaan filayaa waan idinku
badshay, waase soo xidhayaa iyadoo wixii aan islahaa qor aanay fari ka qodnayn,
waxaanse kaga baxayaa marka aan miisaamay waxyaalahaa aan soo sheegay oo ay ugu
muhiimsan tahay, khibrad iyo cadaalad la'aanta maamulka riyaale lagu daray hadal
xumada iyo sixun wax usheega udub lagu daray Sool iyo halka lamariyey lagu daray
kooxihii federaalka, carta, majeerteeniye, jabuuti, carabta iyo qaxoontigii
jabuuti kasoo noqday lagu daray Haybadii iyo karaamadii madaxweyne qaran oo meel
uu kaga dhacay oo halkuu maalin socon lahaa uu guureeyey labadii jeer ee uu
hargaysa kabaxay iyo maydkii uu lasoo guryo noqday iyo sidaan waxba isaga
bedelin markii shilku soo gaadhay safarkiisii oo ay ahayd inuu siheer qaran u
aaso oo aan dhicin lagu daray qaybi oo xukunta dawlada riyaale lagu daray shirka
keenya iyo hadii wax kasoo baxaan cidii muquunin lahayd hadii hadal furmo oo aan
ii muuqan lagu daray boobkii doorashadii deegaanka lagu daray dhaqqle xumada
wadankii kataagan lagu daray mushahar la'aanta ciidamada lagu daray
miisaaniyadii sanadka lagu daray biyo la'aanta kataagan hargaysa lagu daray
cadaankii labada jeer lagu weeraray hargaysa lagu daray sakyuuratigii wadanka oo
lumay lagu daray daaqadii bbcda ee isbitaalka hargaysa lagu daray itoobiya iyo
xidhiidhkeedii. Waxaasi waxay ina tusayaan inaanay jirin dawlad miisaan leh oo
wadankeena qaaliga ah ee dahabka ahi uu leeyahay, sidaa darteed waxaa loo baahan
yahay hogaan bedela kan hada. Hadaan hal kelmed oo aan aragtidayda kucabirayo
kadhiibtona waxaan odhan lahaa sadexda nin ee tartamaya waxaa ugu miisaan culus
dhinac kastaba mujaahid siilaanyo ee dalka udoorano. Waxaan diyaar u ahay inaan
si guud iyo si gaarba uga jaawabo wixii dhaliil ah ama toosin ah, xambaarsan
asluubta qoraalka, hadii aad kabaxdo edaabta qoraalkana igama heli doontid wax
shaafin ah.
Waxaa diyaariyey KAYSE AADAN
MOHAMED DENMARK
Email: kayse26@hotmail.com