SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Ujeedo:-  Beenin Maqaalkii ahaa kulmiyaa lunsaday lacagtii jaaliyada Denmark.

Ku- Saxaafada xorta ah gaar ahaan bogga hadhwanaag
Ka- Gudiga Kulmiye Laantiisa Denmark


 
Anagoo ah gudiga Kulmiye laantiisa Denmark kalana ah :-

Releated Article Kulmiye oo lacagtii Jaaliyadda u isticmaalay ololaha doorashada .by Maxamed Raage


Cali Ibraahin Jirde            Gudoomiye ki xigeen
Xasan Cabdi Aadan         Xog haye
Siciid M. Ashuur               Lacag haye
Keyse aadan Maxamed     wacyigelinta
C/wahaab Xuseen              Xubin
Axmed Faarax Jaamac       Xubin
Suldaan Siciid                    Xubin
Axmed Musse Idaar           xubin


waxaanu si cad u beeninaynaa qoraalkii been abuurka iyo masabidka ahaa ee uu soo

 qoray qof magaciisa iyo cinwaankiisaba ka been sheegay. Runtii waxaa ayaan daro  qof   is leh xisbi dhaliil ama qof masuul ah wax u dhin, in uu soo qoro beenta intaa le'eg ee sidaa u qaawan. Iyadoo ay tahay ujeedada ka danbaysaa olole siyaasadeed iyo xisbi kale wax tar, balse waxaanu qofkaasi is weydiin beeni ma wax tar baa? Masabidku ma guul siyaasadeedbaa?

Dhaqaalaha uu sheegay in aanu ka dhacnay jaaliyada somaliland waa wax aan jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn. Balse waxaa xusid mudan inay jirto taageerayaasha iyo gudiga xisbiguba inay naf iyo maalba wixii tamartooda ah ee jeebkoodu awoodo inay la garab taaganyihiin xisbigooda. Sida aanu ku keenay dhaqaalaha aanu ku taageeray kulmiyena waxaa sheegay oo cadeeyay isla qofkaa na masabiday oo sheegay in uu gudoomiyahayagu maalmo badan u dhaxay dhaqaale u gurka xisbiga oo magaalooyin badan u tegay. Runtiina isgoo isleh wax ka sheeg ayuu hadana tilmaamay sidaan dhaqaalaha aanu u samaynay. Kolay iyana way ka jawaabi doonaan masuuliyiinta jaaliyadu eeda dusha laga saaray oo qoraalkooda waad heli doontaan.

Teeda kale wuxuu saaxiibkaa wax qoray ku canaantay gudoomiyahayaga inay khaladba tahay in uu ka mid noqdo kulmiye. Taana xukunkeeda dadka iyo rayil caamka ayaanu u daynaynaa. Hadii ay la saxnaatay malaa qof kastoo masuul ahi waa in uu udub noqdaa waa isaga iyo rayigii.

ugu danbaynytii waxaanu talo u soo jeedinaynaa saxaafada xorta ah gaar ahaan bogga hadhwanaag in aanay daabicin war been ah oo qof masuul ah ama xisbi wax ka sheegaya oo aanay hubin jiritaankiisa. Waa wax aan saxaafada ku haboonayn in ay boggooda soo saaraan ceebayn iyo xag xagasho qaawan oo qof ama xisbi ku socota, oo uu soo qoray qof aan magac iyo meel loo raaco toona lahayn.

waxaanan ka codsanaynaa bogga hadhwanaag iyo boggaga kalee ka qaatayba in ka saaraan boggagooda raali gelina ka bixiyaan.

Xog hayaha Laanta Denmark

Xasan Cabdi Aadan   Email: geediyo@hotmail.com SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE