SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Digo nin aan Galini Ma Guban

 Waxa Soo Diyaariyey: Osman Abdillahi Sool - Denmark

 
Xisbiga Kulmiye ayaa u Muuqday in hawlihiisa Siyaasiga ahi si habsamiya u Socdeen in muddo ah ama intii aanay Qamaamuurta Calan-castu ku soo Ruqaansan ama ku soo biirin-ba.
 
Dadka Siyaasada Somaliland u dhuunta-daloola ama Khibrada u leh ayaa Hore u sii sheegay in Xisbiga Kulmiye noqondoono ama ku danbayndoono Xarun ay Calan-castu Gabood ka soo Dhigato.
Khubarada ayaa u cuskaday Sahamintoodaa Heshiis Siyaasi ah oo waligiiba ka Dhexeeyey AHMED SIILAANYO iyo Calan-casta.
 
Nin ka mid ahaa Waxgaradka Xisbiga Kulmiye oo iminka ka digo-rogtay ayaa Yidhi, Waxaanu ka shaqaynaynay oo u Halgamaynay in Xisbigu noqdo mid Dimuqraadiya oo ku dhisan Cadaalad.
Kooxaysi iyo Qabyaaladna ka Madax banaanaado----- laakiinse wuu noqon waayey oo waad u jeedaa in Siyaasiyiintii caanka ahaa ee ku jiray Golaha Dhexe ee Xisbiga oo uu ka mid Yahay Mr, Buuni si yar Debeda loo dhigay walina aan laga Qancin wax yaalaha uu tabanaayo. Taa Macnaheeduna waxay tahay.
NINKII KHAYRKI LOO XIIRAYAW SOO QOYSO ADIGUNA.
 
Masuul sare oo ay ku wada jireen Xisbigii Asad Kooxdan Calan-casta ah ee Kulmiye ku biirtay ayaa isna ku Afgobaadsaday oo yidhi * Digo nin aan Galini Ma Guban* Waanan Garanaayey in aanay Nimankaa Odayaasha ahi Sagan li'i dhacayn, Kulmiyana ay tani la kulmayso.
 
Xisbiga Kulmiye oo ay Xaaladiisa Siyaasiga ahi iminka Baaxaadegayso ayaa lagu Qiyaase in uu 30% lumiyey Taageeradii iyo Kalsoonidii uu ka haystay Dadweynaha reer Somaliland.
 
Dhinaca kale ayaa lagaga soo waramay in uu Xisbiga UCID Horomar weyn ka muujiyey Ololaha Doorashadda Madaxweynenimada ee soo socota, Sababtuna ay tahay Xisbiga oo ka Nadiif ah Siyaasada Kooxaysiga ah iyo Qabyaalada iyo waliba Hogaanka sare ee Xisbiga oo had iyo jeer la tashada una Dhego-nugul Danyarta, Waxgaradka iyo Dhamaanba Dadweynaha reer Somliland.
 
Waxa Soo Diyaariyey: Osman Abdillahi Sool, Copenhagen Denmark.
E-mail: sooldhuub@hotmail.com. 13/03/2003.

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE