
Ninka
waxa jooga aan garani waxa soo socdana ma garto.
Wax
badan waxaan akhristay jaaraa'idka ka soo baxa somaaliland iyo war baahinta
shebakedaha internetka.Sidaa darteed waxay iila muuqatay in aan maanta idin
hogo-tusaaleeyo si ay idiinku suurtagasho inaad fahamtaan loolanka madaxtinimo
ee ka socda somaalilaad iyo marxalada dalkeenii ku sugan yahay. Maahmaah baa
tidhaahda ( ninka waxa jooga aan garani waxa soo socdana ma garto). Haddii aan
hoos ugu daadego labada nin ee ugu cadcad tartanka madaxweynenimo ee somaaliland
madaxweye Dahir Riyaale Kahin iyo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ayaan wax yar
wax idiinka iftiiminayaa, waxaana rajeynayaa in ay tusalooyinkaas soo socdaa ay
idiin muujiyaa qofkii aad masiirkiina dad iyo dal ahaanba aad ku aamini
lahaydeen oo aad u codayn lahayd maanta.
Sida
aynu wada ogsoonahay Madaxweyne Dahir Riyaale Kahin
waxa uu hogaanka madaxweynenimo uu qabtay Qs.10 bilood ka hor.Hadaba ilaa
mudadaas ayaan wax idinka taataabanayaa:-
§1.
Madaxweyne Dahir Riyaale Kahin muddo
yar markuu hayey xukunka ayaa waxaa
martiqaad u sameeyey dowladda Ethiopia oo ahayd tii aynu ugu cilaaqaadka
wanaagsanayn, haseyeeshe madaxweyne Riyaale wuxuu ka doorbiday in uu Jabuuti si
hoos ahaan ah xidhiidh ula sameeyo isaga oo adeegsanaaya ninka ay aadka isugu
dhow yihiin ee la yidhaahdo ”Shii”- waa danjiraha Jabuuti u fadhiya
Boqortooda Sacuudiga. Hadaba su’aasha meesha ku jirtaa waxa ay tahay ma
Jabuuti oo aynu wada ogsoonahay halkay iska keen taagtay xiligii taliskii Siyaad
Bare aynu dagaalka kula jirey, ilaa maantana mawqif adag ka taagan
gooni-isutaaga Somaaliland ayaa mawqifkeedii siyaasadeed ee ku wajahnaa
Somaaliland wax iska badaleen mise madaxweyne Dahir Riyaale Kahin ayaa geediga
meel kale ku wada?
§2.
Madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin oo wata wafti balaadhan iyo ciidan ku qalabaysan
52 tekniko ah ayaa laascaanood booqasho ku tegay dhamaadkii sanadkii 2002.
Madaxweynaha iyo waftigiisii waxa weerar ku soo qaaday 4 teknika ah oo laga
lahaa maamulka Majeerteeniya kagana soo duulay magaalada Garoowe Nasiibdaro
kumay dagaalamin ciidankii madaxweynuhu watay, kamanay
difaacin cadowgii magaalada ku soo weeraray ee way uga baxeen magaaladii isaga
oo madaxweynuhu sheegay in uu uga tudhay in aan maatadda iyo magaalada midna wax
soo gaadhin. Hadaba madaxweynuhu markii uu ku soo laabtay Hargeisa ayaa waxa uu
ku dhawaaqay in uu ku soo rogay ”xukun degdeg ah” gobalka Sool, isaga oo ku raad gadanaya guuldaradii uu ka soo hooyey
weerarkii kaga yimid Garoowe. Hadaba miyaanay maanta inoogu muuqan karin in
xukunkaa degdegga ahi Sool gacanta u geliyey maamulka majeerteeniya?
§3.Sida
aynu ogsoonahay maamulka majeerteeniya garab kasta ha ka soo jeedee maaha mid
aqoonsan gooni-isutaaga Somaaliland.Marka sidaa ay tahay, hadana madaxweyne
Daahir Riyaale Kahin xarun ayuu ka siiyey garabka Jamac Cali Jamac iyo Cade Muse
Boqor dalka gudihiisa. Arintan ciidamada shisheeye ee xarunta ku leh dalka
gudihiisa waxa ay u muuqataa in ay khatar weyn ku tahay nabadgelyada iyo
xasiloonida Somaaliland. Waxaase wax lala yaaba ah wasiirka warfaafinta
Cabdillahi Maxamed Ducaale oo si cad u beeniyey mar ay laanta afsoomaaliga ee
BBCdu wax ka weydiisay, balse isla maalintii xigtayna uu wasiirka daakhiligu
Ismaciil Adan Cusman ka hor cadeeyey golaha wakiilada in ay xarun ku leeyihiin
ciidamadaasi magaalada Ceelafweyn. Miyaan arintani ina tusaynin in aan maamulka
madaxweyne Riyaale maamul ahaan aanu meel u wada socon ?
§4.
Xilligii Siyaad Barre, hogaamiyayaashii ciidamada milateriga, hangashta,
dhabarjebinta, nabadsugidda iyo booliska ee gobollada waqooyi dhamaantood
waxa ay ahaayeen halbawlayaashii uu u adeegsanayey xasuuqii, cabudhintii,
kufsashadii iyo dhibaatooyinkii uu ku hayey gobolladaas. Hadaba ma cid baa
maanta leh madaxweyne Riyaale kamuu mid ahayn hogaamiyeyaashii halbawlayaasha u
ahaa Maxamed S.Bare ee xiligaas xukumaayey gobolladii waqooyi hadii aan dacwad
kalaba lagu soo oogin?
Hadii aan ka faaloodo
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo:-
§1-Axmed
Maxamed Maxamud waxa uu ka tegey masuuliyadii uu u hayey maamulkii Siyaad Bare
horaantii 1982dii
§2-Sida
aynu wada ogsoonahay Axmed waxa uu ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga somaaliyeed (SNM)
hogaankiisa qabtay sanadkii 1984 ilaa dhamaadkii 1989 xiligaas oo uu ku
wareejiyey Cabdiraxmaan Axmed Cali.
§3-Marka
aan si kooban u idhaahdo Axmed iyo ragga ku gedaamani waxa ay ahaayeen kuwii u
laablaabay maamulkii Siyaad Bare, ta maanta aynu maalaynana cagaha u taagay.
§4-Axmed
waa nin siyaasi ah, aqoon fiicana u leh maareynta arimaha siyaasada debada,
agaasinka iyo xal u helida arrimaha dalka gudihiisa. Waana nin sugi kara
midnimada iyo isku duubnaanta ummada Soomaaliland. Axmed waa dhaqaaleyahan
suuragelin kara kobcinta dhaqaalaha dalka. Xaashaa
nin libin kaa xistiyey xumihii waayaabe. Xaqiiqdu
waxa ay tahay Axmed Maxamed Maxamuud waa nin abaal ka mudan ummada Somaaliland.
Haddaba
gunaanadku waxa uu yahay:-
1.Dooro ninkii maanta suuragelin lahaa midnimada Somaaliland xal u
helideeda.
2.Dooro ninkii aqoonsiga gooni-isutaag Somaaliland geed gaaban iyo geed
dheerba u kori lahaa
3.Dooro
ninkii dhaqaalaha dalka kobcin lahaa si wanaagsana u qorshayn lahaa.
4.Dooro
ninikii xasiloonida iyo nabadgelyada dalka afgarasho iyo wadatashi ku sugi lahaa.
Abdo
Ayir
Abdo@privat.dk