
Jaaliyada
Somaaliland ee Denmark oo beeninaysa qoraal dhawaan ku soo baxay shabakada
hadhwanaag qaybteeda wararka.
Bismillaahi
raxmaani raxiim
Anagoo
ah gudiga fulinta ee Jaaliyadda Somaliland ee Denmark waxaanu beeninaynaa
war dhawaan lagu daabacay bogga hadhwanaag oo uu nagu eedaynaayay nin isku
magacaabay maxamed raage oo ku doodaya in aanu ku takri falay lacag ay Jaaliyadu
leedahay uguna deeqnay Ururka siyaasiga ah ee kulmiye. Kaasoo ah war aan
sal iyo raad toona lahayn.
Eeda
qaybteedii Kulmiye waxaa ka jawaabay Maamulkii xisbiga anaana ka Jaaliyad ahaan
waxaanu cadaynaynaynaa in aanay haba yaraate jirin lacag Jaaliyada ka maqan oo
dan shaqsi iyo mid xisbi toona loogu adeegay. Runtii maanu jeclayn, maamul ahaan
ka jawaabida wax uu soo qoray qof aan la garanayn oo aan ka mid ahayn
xubnaha jaaliyada ama magac lagu garanayo bulshada somaliland ee degan wadankan
denmark, balse inkastoo anaan jeclayn qofkaa la yooyotankiisa in aanu
ka shaafino dadka somaalilanderka ah ee kala jooga dunida daafaheeda ee ay
dhici karto in uu khalad fahansiiyo qofkaa beenta la wareegaalaysanyaa.
Xisbiyada
siyaasada iyo jaaliyada
madaama
ay jaaliyadu tahay mid ka dhaxaysa bulshada somaliland ee Denmark degan oo dhan
xisbigu doono haku jiro ama yaanu ku jirine mawqifkeedu maaha in ay u shaqayso
xisbi gaar ah ama ay dhaqaale siiso haday haysatooba. markaa istiraateejiyadu
jaaliyadu waxay tahay dhexnimo iyo in ay soo dhawayso oo ay u shir
qabato xisbigii yimaada. waxaa iyana in la cadeeyo mudan in aanay Jaaliyadu
haysanba dhaqaale ay ku kala taageerto xisbiyada dalka ka jira balse ay
xisbiyadu iyagu ka samaystaan taageerayaashooda wixii dhaqaale ay uga
baahanyihiin.
Ka
Cabashada Maamulka
Maamulka
Jaaliyadu waxay diyaar u yihiin wixii dhaliil ah ee ay u soo jeedinayaan xubnaha
jaaliyadu ama shacbiyada somaliland ee wadankan degani balse waxaa fajac
iyo amakaag nagu noqotay in qof aan ka tirsanayn jaaliyada ama magiciisaba
aanaan garanayni uu intuu been iska qoro uu shebekaha wararka isaga diro.
waxaanay u egtahay olole siyaasadeed oo ka qaloocday iyo qof nebcaysi la
fogaaday. Runtii anagu ka maamul ahaan sidaanu horeba u cadaynay waxaanu mar
walba diyaar u nahay la shaqaynta iyo u adeega dadkayaga markaa waxaanu jeclaan
lahayn qofka na dhaliilayaa in uu toos noo soo abaaro ee aanu xisbi iyo qof
toona aanu noo soo marin.
Xisbi
galka qofka.
Sida
uu saaxiibkaa na eedeeyay sheegay waxaa iyana uu danbi ku sheegay kulmiyenimada
gudoomiyaha jaaliyada somaaliland ee Denmark. Taasina waa aragti shaqsi oo qofku
madax iyo mijaba wuxuu xor u yahay xisbiga uu ku biirayo. Markaa saaxiibkaa wax
soo qorayoow adna waxaanu kugula talinaynaa in aad taageerada iyo ololaha xisbigaaga
aad been la'aan iyo eed la'aan ku gashid. Maalmihii ololuhuna waaba dhamaad ee
waxaanu ku leenahay waa la doogiye yaan la dacaroon. Ceebina nimaan lahayn
saaxiib ma qabato kulmiye iyo Jaaliyad toona hakula soo galgalan ee naqshad kale
keen.
Wabilaahi
tawfiiq.
Gudiga
Fulinta ee Jaaliya Denmark
1.
Muuse Sheikh Axmed
Gudoomiye
2.
Cabdi X. Maxamed Aadan
Gudoomiye ku xigeen
3.
Mohamed Xassan Adan
Qasnaji
4.
Mahdi Cumar Faarax Xog
haye
5.
Maxamuud Aadan
Madaxa arimaha dhalinyarada