SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Dalka Maynu ka Weyney

Waxa qorey: Ahmed Dahir Elmi - London

 “Bal imtixaanka I haysta” Dalka mayno ka wayney cid daryeesha maatida dayacan.  Darxumo, haraad iyo caafimaad xumadu ku habsatay, aan Ilaahay badin. Maxaa igu salidey niman aan damqaney oon inyaroo naxariisana lagu ogeyn haba yaraatee, ood moodo inaaney dalka iyo dadkan toona waxba isku aheyn, oon waxba ka xishooneyn oo agoota iyo maatida usoo boobtagey waxqabadna daa hadalkii.. Cusbitaalada dalkaad aragtaan, biyo li’idaad aragtaan, iskuulada dayacan, wadooyinka madficii kuyaal ee camuudu istuushey iyo qeybaha kalee bulshada oo aanad ku arkeyn mid mid dhaanta. 

 March 2002 mar aan tagey Somaliland oo aan booqday qeybo ka mid ah magaaloyinka dalka iyo qeybahooda kala duwan waxaan booqdey maalin malmaha kamida Idaacada caasimada dalka, si wanaagsan ayaa shaqaalihii joogey oon qaarkood garanaayey ii soo dhaweeyeen, iino wada tuseen qeybaha kala duwan ee idaacada, qol kamida qolalka keydka cajaladaha markii aanu mareyno ayaa waxa aan indhaha ku dhuftay cajalado aad u badan oo boodh iyo camuudi ka muuqato qaar badanina ay kala googa’an yihiin, ood aragto inaan muda aan la taaban, kadib inan kii ilasocdey ayaan ku idhi cajaladahani maxey ahaayeen, wuxuu iigu jawaabey waa cajaladihii ka soo hadhey burbukii dagaalka, dhawaan baananu ku talo jirnaa inaanu boodhka ka tuno, wixii fayowna ka soo saara.  

Waad garen kartaa l2 sanadood kadib qalab cusub daayoo boodhkii ayaa imika lagu tala jiraa in laga tumo hurumar kalana .  Hadaba waxa is weydiinle malaha ictiraaf Mareykan baa la lasugeyaa oo waa wax awoodeena ka baxsan,.  Waa maya, oo aduun looma waayin, waaayo, Laankuruusalka $50,000 iyo Daarta $100,000 Wasiirkasta oo wasaaradiisu dayacntahay wuu awooday Daar cad iyo Gaadhi Cad inuu semeysto isagoon xilka hayn mudo ka yer lixbilood.  Musbaar qof mudey baa loo dhimanayaa, Waateynu Dhakhtarkii hargeysa arkeyney oo ah ka soo horjeedka madaxtoonyada, midigtana ay ka xigaan Baarlamanka Dalka iyo Guurtida Dalka.  

Waxaase murugo weyn leh in intoodaa iyo inagaba uu nin iskootish ah oo qaarad ilaa qaarad kasoo gudbey inuu kaalmo aduun yada u weydiiyo baahida jirta dalkan Somaliland, uu inooga waramo, raxdina inagu noqotey.  Kadibna ay ku kaliftey in madax weynaheenii booqdo,waa arin murugo leh. Waxaana hubaala maalmo kaliya oo uu joogey ninkaasi inuu intaas oo umada oo dayacan ina tusay, waana arin maalin walba taagan.  Hodan Ilaahay naxariistii jano ha kawaraabiyo waalidkeedii iyo ehelkeediina samir iyo iimaan ha ka siiyo.  Waxaana hubaala in maalin walba Hodon oo kale u dhimato arin wax laga qaban karo, geeriduse waa xaq. 

Badanaana dadku ma jecla waxa xun in la sheego waase lagama maar maar inla sheego laysna weydiiyo sidii wax looga qaban lahaa. Dalkan iyo nabadan aynu maanta haysano dhib badan ayaa loo soo marey, wixii aynu ka dagaalaneyna dulmibuu ahaa, maantana kii oo waji kalw leh ayaa jira, meelaha qaarna kaba sii xun, waayo awal cidbaabad eersan jirtay maantase wuu hebalo batey. Markaa hadii aan laga hor tagin waxna laga qaban dulmiga maalin walba sii kordhaya nabada wuu dhaawici karaa. 

Ahmed Dahir Elmi - Email: Khaadun@yahoo.co.uk

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE