SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

LABA KUU DARAN MID KEENSO   KEER KEERKA RIYAALE IYO KALSOONIDA SIILAANYO 

Waxa qoray: Ismail  M Gadiid  - London  

Gebagabowdey rajadii dadweynaha waxeyna mareysaa quus  taas oo ah la’aanta barnaamij siyaasadeedka axsaabta waxeyna bayaamineysaa iney bulshadu  galeyso bakhtiyaa nasiiib natiijadiisu noqon karto ayaan daro ku habsata umadan soo martey dhibaatada xad dhaafka ah. 

Bulshada waxaa horyaal iney u qori tuurato shaqsiyo xagii ay aheyd iney kala doortaan barnaamij xisbi oo cad oo qeexaya ama qaadaa dhigaya qorshahooda dhaqan dhaqaale,caafimaad, waxbarsho, maamul/ adeeg, siyaasad hufan, cadaalad, shaqo iyo qaybaha kala duwan ee horumar oo bulshada  ka siin kara sawir ay hiigsato kulana xisaabtami karto mustaqbalka hogaankooda, xaqiiqdii waa arin murugo leh taariikhdana ku suntan in rag mutacalimiin ahi ay badheedh sidaas u yeeleen kuna ciyaareen nolosha umad dhan 2-3 milyan oo ruux (HA TALIN MASIIBO IYO WAX MAKHLUUQA KALA DILA) Ibraahin gadhle.

Waxaa qasab ah in la qiimeeyo shaqsiyadaha meesha maraya ugu yaraan, bal aynu yara milicsano qofafkan ay aayaha umada somland u rahman tahey iyo maamulkoodii aynu soo aragney. 

1)      Madaxweyne Riyaale----- Wuxuu noqdey nin dabacsanaani ama keer keer ka muuqato maamulkiisa isagoo qaanuuniyan ku soo baxey ayuu kaga dhabeyn kari waayey balan qaadkiisii ahaa qaanuunka ayaan ku soconayaa, taasoo aad ka dheehan karto qaab maslaxeedka uu ugu magdhabo kii ku soo biira xisbigiisa wasiir magac iyo mannsaba beeley iyo sida wasiiradiisa ugu tagri faleen intii awalba yareyd ee uu ka tagey marxuum cigaal, iska daa cid kaleetoo ismaaciil aadan ayuu maamuli kari la’ yahey lamana odhan karo ilaa xadkan oo qasaare ku ah xisbigiisa ayuu kaga raali yahey ficiladiisa qalafsan ee aanu u aabo yeelin ismaaciil aadan halis weyna gelisey wixii kelli ahaa ee la nabnabayey sandaha badan oo aheyd nabad.

2)      Siilaanyo--------- waa khabiir ku xeel dheer xoodaaminta iyo xerro u oodida ardaayada qabiilka marka la tixraaco maamulkiisii SNM waa nin kalsooni xad dhaaf ah isku qaba, kani adeyg halis ahna leh kaasoo cidna aanu wax ka soo qaadin, kalsooni aawadeed siilaanyo waa hogaamiyihii aan kala gaban jirin balwadiisa Sheekh, Suldaan, Hooyo, Dhalin dadkuna ugamey duwaneeyn dhagaxaan isagoo og bulshadiisa, diintiisa iyo dhaqankiisaba sidey balwadani ka tahey, wuxuu ahaa mas’uul aan jecleyn in la xisaabtamo ama cidi soo hadal qaado, xukunkiisaasina wuxuu ahaan jirey la jiifiyaana banana la joojiyaana banaan,  waa nin jeelka u taxaabi kara ciduu doono( sidii cigaal iyo si ka daranba) haduu daacad ka yahey Somaliland( wallow anigu shaqsiyan aanan rumeysneyn inuu daacad ka yahey) cidi kama loodin karto, hadii kalese meeshuu rabo xaqiiqdii cidna uma joojinayo, kalsoonida iyo kani adeygaa oo heley kursiga awooda xad dhaafka ah leh waa kadeedkeeda ogsoonow muwaadin.

3)      Faysal-------- Uma lihin aqoon maxaa yeeley maamul uu soo qabtey meynaan arag wuxuuse u muuqdaa inuu yahey fillka cusub ee Somaliland u baahan tahey iney tijaabiso, taasoo ku haboon meel ka hooseysa kursiga ugu mudan dalka, wuxuuna u eeg yahey inuu ku qanacsan yahey soo bixida xisbigiisu u soo baxey wareegii u danbeeyey, taasoo xisbigiisa ka dhigeysa xisbiga taagnaan kara la’aanta kursiga marka la barbardhigo xisbiyada labada musharax ee kale oo loo dhisey qaab cimrigoodu ku eegyihiin doorashadan oo kii waayabaa aanu xisbigiisu sii jiri doonin. 

Hadaba hadii xaalku ku soo ururey kala dooro laba kuu daran weliba awooda madaxweynuhuna  ay aad u badan tahey bulshayhey waa nasiibkeen ee kala doorta kadeedka inoo hadhsan. 

Ismail  M Gadiid     gadiidsomland@hotmail.com      LONDON

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE