SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

MAGACAAGU YUU NOQON MID XUMAAN KA MARAG KACA 

Waxa qoray: Ismail M gadiid - London

Siyaasada marinka seegtey bilihii la soo dhaafey halka ay sal dhigi doonto in la saadaaliyaa waa arin aan sahlaneyn. Waa masalo furfurkeedu u baahan yahey faro dhuub-dhuubni  lagu tiigsan karo sirta fogaatey  ee lagu faqayo iyo feejignaan badan oo lagu fiirsado ciyaaraha ka socda fagaarayaasha qarsoon.

Waxase muran madoon ah in galdaloolo siyaasadeed oo badani ay muuqdeen ilaa hadana sii siyaadeen iyo maamul xumo baahdey oo iyaduna hadheysey hay’adaha dalka kuwaas oo ku foorara xukuumada oo ah xisbiga udub waxaana ka mida 

1.      Mawqifka Somaliland ee xisbiga Udub oo uu mad madow  soo galey laga bilaabo mudadii ay dawladu xidhiidhka gaarka ah la yeelatey kooxo mabda’oodu yahey Somali weyn, si heer qaran ahna ugu soo dhaweysey Hargeisa iyadoo ilaa hada ay ka gaabsadeen siyaasiyiintaasi iney cadeeyaan mawqifkaas Somali weyn iney ka noqdeen iyo in kale, aamusnaantaasi oo caadeyn buuxda u ah ineyna wax iska bedelin iyaga balse ay wax iska badaleen hogaanka dalka isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga udub. 

2.      Tayada wasiirada oo aad hoos ugu dhacdey ka dib markii lagu noqdey xaaladii wasiiradu ay xalka ahaan jireen, waxyeelo mooyee wax tarna aan laga dhursugeyn, xilligii wasiiro bararka tayada daran ay dalka ragaadiyeen, xaaladaas oo aheyd mid in mudo ah dadka iyo nidaamkuba ka soo gudbey laba sababoodba 

Nidaamka oo ah mid loogu wanqalay qaanuunka ka dib kolkii madaxweynihii dalka xaqu heley, qaanuunkaasi oo simaaya xuquuqda muwaadinku u leeyahey inuu wax xukumi karo lana xukumi karo iyadoo aan loo eegin halkuu kazoo jeedo qodobkaas oo si geesinimo leh loogu fuliyey dhaarintii xilka loogu dhaariyey mudane Daahir Riyaale Kaahin, isla waqtigaas waxaa la soo gabagabeeyey dawladii iyo wasiiradii hag-badda ahaa ama sumada qabiilku ku taaley nasiib daradu waxey tahey in madaxweynihii isagii ciyaartii dib u soo celinayo xaalku waa bakhtiga ma cunee fuudkiisaan cabaa.

Shacbiga oo garaadkoodu ulanayo, dhegahooda iyo laabtooduna u daloolaan waxqabad iyo horumar una ooman fakir siyaasi ah oo cusub taasoo ay ka rajeynayeen iney ka soo dhex bixi doonto axsaabta cusub. 

3.      Xaalad abuur iyo qas joogto ah oo uu si u kas ah ugu kaco wasiirka arimaha guduhu sida dhawaaqii kazoo yeedhey ilaa hadana ka yeedhaya dawladihii hoose ceerigaabo ilaa saylac cabashadaasi oo aan ku eekeyn xubnaha ka soo jeeda xisbiyada mucaaridka ah ee xataa ay ku jiraan xubnihii udub ee la soo doortey isagoo faragelin baahsan ku haya oo aan sharciyan aheyn si buuxdana uu madaxweynuhu uga indhaqarsanayo. 

4.      Isku dhaca sida badheedhka ah ay dawladu uga dhex wado beelaha walaalaha ah ee wada dega waqooyiga Hargeisa iyadoo si toos ah uga talaabsanaya shuruucda dalka cidii cabasho ka muujiseyna wasiirkan degdega badani cagajugleyn iyo xadhig kala hortago( maxaa wasiirkan marooriyo qof weyn maanta kala heysta) 

5.      Qaadashada qorshaha halista ah ee ay ku qadhaabtaan  qabqablayaasha dagaalka ee somaliya kuwaas oo damiir iyo diinba ka abaadey sida c/laahi yuusuf, qorshahani waa mid lagu iib geeyo muslimiinta aan u dhalan mandaqada iyo kuwa u dhasheyba ee ALLAH caabudaadi ka muuqato, waa yaabe hadalada Gees ka soo yeedhey ma hadey weelkii dawarsiga hoos dhigteen halkii ugu xumeyd waa yaabe waa ayo argagixsadu? Mase qeexi kartaa kalmada laftigeeda dawlada Somaliland? Tiraba markii saddexaad ayay gudida gaarka ee UN u igmatey hubinta arimahaasi lagu beeniyey eedeynta joogtada ah ee ethopia iyo qabqablayaasha dagaaalka ay kaga dawarsadaan anglo-american-ka, iyagoo ku cadibaya muslin aan dhib sameyn kuna eedeynaya waa argagixiso. 

Isku soo wada duubboo bulshadu mey helin waxey ulaneysey nasiib daraduna waxey tahey xisbiyada mucaaridka ah oo iyaguna aan ka faa’ideysan galdalooladaas siyaasadeed ama maamul kuna dadaalin iney bulshadan soo hordhigaan barnaamij la taaban karo halkey xooga ka saareen eedeyn, dhaleeceyn shaqsi ah umadu waxey sugeysay muraayad u iftiimin karta ama sawir ka siin karta mustaqbalka. 

Waxaan ku soo gabagabeynayaa xukuumada soomaaliland ineyna laacin waxeyna tiigsan Karin( HA HAYBIN WAXAANAD HELEYN HA HAWLIN NAFTEE HAADAANTA KA DAAA), taariikhdiinuna yey noqon mid ka turjunta waxyeelo iyo fool xumo magacaagu yuu noqon mid xumaan kara kaca madaxweyne

Ismail M gadiid  gadiidsomland@hotmail.com  LONDON

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE