SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Aniga Dastuurka ayaa idoortay... Aniga Dastuurka ayaa idoortay...

Waxa qoray: Cumar Cabdi Nuux - Finland

 
Sallaan ka dib waxaa si isdaba jooga wax looga qoraa ama looga faaloodaa waayahan danbe doorashooyinka ka dhici doona dalka gudihiisa runtii waa guul iyo gobonimo ay dheeraatay somaliland  Afrikada kale hab dimuqraadiyeedka la inoo jiheeyey hadaba iyadoo la soo galoyo wakhtigii loo igmaday doorashooyinka Madaxweynuhu inay dhacaan ayaa waxaa mudan in laga fikiro doorashadini macne intee le,eg ayay samaynaysaa mar hidii dib loo dhigay doorashooyinkii Barlamanka...
 
markeena hore inaga oo African ah oo Africa la yaqaan in xisbi kaliyii awooda ku tagri falo ayaa waxaanu filanaynay dadkaya qurba joogayaasha ahi in bal Somaliland ka duwanaan doonto habka Africada kale u dhaqanto ...
 
saadaalin maayo waxa soo socda iyo Madaxwenaha 3 murashax kee ku guulaysan doona, balse kii ku guulaystaaba waaguulaystay ...
 
waxa jira doorashooyin kala duwan. teeda ugu muhiimsanna ay ahayd ta Barlamanka barlamanku runtii waxa uu ka mihiimsanyahay doorashooyinka kale ee kala ah kuwo degaan iyo kuwo Madaxweyne xildhibaanada Barlamanku waa kuwa haga dalka waa maskaxaha kala duwan ee go,aanada ansaxiya..
 
waxaa iswaydiin mudan maskaxaha kala duwan ee Barlamanku 1)maxay inay ku aasaasmaan weeye Salfadhigoodu?? 2)Aqoon intee le,eg in ay yeeshaan weeye?? dastuurka yaa ilaaliya xeerkiisa ??
 
Sadexda suaalood ee kor ku xusan way iska cadyihiin  jawaabahoodu salfadhiga barlamanku waa in ay noqdaan xisbiyadda qaranka taas oo keenaysa in xisbiyada qaranku sii jiraan iyo in waliba talada dalka laga ogaado meel lagu dhanyahay mahayno tii oo la maroorsay ??
 
xisbiyada dalka ka jira ee mucaaridka ahi waxay ku hawlanaayeen in ay soo uruuriyaan xildhibaano ka cuntamaya oo dadku doortaan dabcan taas markaan leeyahay ( waa aqoonyahano iyo waayo aragyo) may suurto galin oo way faquuqantay
 
 Dastuurka waxaa ilaaliya xildhibaanada Barlamanka oo iyagu markaa ah inay noqdaan xisbiyo kala duwan si ay araada iyo fikradaha dalku u kala duwanaado maaha xildhibaan qabiil ku yimid ama mid ah (laa yaqra  walaa yaktub (Waxna Akhriyin Waxna Qorin) ))oo caasimada hargaysa looga kireeyay guri ama hutel isla markaana baaba,a sanyihiin dadkii uu matalayay iyo meeshii uu ka yimid ha u horeeyaan caruurtiisuye  taasna sidii aya ahayd uun bay noqotay oo la diid in xildhibaanada dalka hagaya ay ka yimaadaan xisbiyo isla markaana ay ahaadaan dad macquula oo wali kuwii hore ee u badnaa aqoon la,aanta ayaa sii joogi doona, in yar oo fara ku tiriska ah mooyaane.
 
waxaa mudan in la xuso Madaxweynaha Daahir Riyaale Sidii lagu soo doortay iyada oon cid kale la waydiin ayaa waxaan hayaa oon daawaday Qudbad uu Daahir riyaale jeediyay in yar ka dib Markii loo caleemo saaray Madaxweynanimada  Daahir Riyaale tiraba  6jeer ayuu ku soo celinayaa wakhti 30daqiiqo gudahooda  aniga Dastuurka ayaa idoortay After Cigaal....   Aniga Dastuurka ayaa idoortay After Cigaal....
 
waa shay waajiba Dastuurku mana xuma in Dastuur doortay Madaxweynaha oo waa mid xaqqa.. laakiin waxaa horay loo yidhi sidaan kuugu lisay iigumaad hanbayn Madaxweynaha Somaliland markii la doortay dadka ayaa wada farxay sida dastuuriga ah mucaarid iyo muxaafidna waa la taageray waana loo wada dhamaa hibaynta iyo caleema saarka Madaxweyne...
 
kaliya waxaan xusayaa qudbadii ugu horaysay ee madaxweynaha Daahir Riyaale waxa uu ku xusay sida uu wax uga qaban doono Musuqmaasuqa .. in yar ka dib se waxay noqotay Qawda maqashii waxna ha u qaban  waxaa lagu dhawaaqay maalin dhawayd in la kordhiyo doorashooyinka  Golaha Barlamanka 2 sanno taas oo ka horimanaysa Dastuurka waliba ah ayaan darro sababta oo ah sii jirimaayaan Xisbiyada mucaaridka ahi hadii uu guulayto Riyaale waayo goolihiisii wasiiradu way u dhisanyihiin golaha Barlamankana waa la qaramayn doonaa xili ay qaadataba  hadaba maxaa kharashka intaa le.eg loo galayay hadii la baabinayo xisbiyadan mustaqbal ahaan se xisbiyadu ma 2sanno ka dib in hadana dib loo soo aasaasaa  Waayo xisbina jirimaayo hadii la waayo xubno shaqaale ah oo u jooga Barlamanka iyo meelaha kale ee xafiisyada dawladaha, Mudane Riyaale waxa uu si toosa u garabmaray dastuurkii lagu doortay isaga oo waliba aan qaadan talooyinkii ahaa in bal ragan tayada daran ee ku wareegsan uu daadiyo (wasiirada) in uu qaato iska dhaafe riyaale waxa uu jideeyey wasiiro aan waxba ku fadhiyin  (wasiiru dawlayaal)  waxa uu badalay wasiiro isla markaana waxa uu keenay kuwo ka xun oo qas iyo jaha wareer mooyee wax kaleba aqoon sida (ismaaciil ) wasiirka arimaha gudaha waliba yahayna nin aan khibrad u lahayn jagadan uu hayo  waxaa jooga Mudane  Gees oon la badalin wali oo maalin walba odhanaya hadalo damqaya dadka isagoo ku qudbadaynaya gudi Argagaxiso ayaan samaynaynaa Tolow ma Mulcaamadaha iyo Madarisadahaa laga xidhayaa caruurta sida Reer galbeedku yidhaahdaan waa saase.. wuxuu soo kordhiyay Mudane Riyaale Wasiiro aan macno ku fadhiyin oo uu ku sasabayo  Ururada  Asad iyo Hormuud...
 
gabogabo  kolay  Siilaanyo & faysal hadii  laga guulayto midkoodna waxba noqonmaayo se xisbyadoodu ma sii jiridoonaan hadii awdood walba loo adeegsanayo oo lagu baabinayo se xisbiyadu yay dan u yihiin ma dadka mise cidkale hadaba maahmaahbaa ahyd   (Kulli shay yarjic ilaa aslihi)) meel dheer kamaynaan keenin in xisbi kaliyii dalka ka taliyo oo  Africa dhan xisbi kaliyaa u taliya  ee intay goorigoor tahay hala baraarugo
 
Su,aasha ugu danbayn maskaxdii fayoobi iswaydiinaysaa waxay tahay toloow seebay u wada shaqayndoonaan  maamul lagu soo doortay Dimuqraadiyad sida (madaxweynaha) iyo doorashooyinkii degaanka  iyo  Barlamankan ku sii dhisan Qabaailka sidee wax loo maaraynkaraa ma hab qabiil mise hab dimuqraadi talaabo walba ay wada qaadi doonaan barlamanka iyo iyo kuwa lagu soo doortay Dimuqraadiyadu 2sanno ee soo socda?????  jawaabteedu waa mid la sugayo
 
                          Wabillahi Tawfiiq 
                        Cumar Cabdi Nuux
                          calaydh2@hotmail.com
                           Helsinki finland

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE