SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Ciidnay oo Ciidnay oo Ciidnay oo ka daaliwaynay

Cumar Cabdi Nuux - Finland

Sallaan ka dib mudo dheer ayaa lagu hawlanaa oo lasugayay Doorashooyinka xalaasha ah Xanbaarsanna Macnaha weyn ee iftiinka u gudbinaya Umadda Reer Somaliland, Waxaa marka hore Alxamdulilaahi ah sida nabad galyada ah ee ay u dhaceen Doorashooyinkan taas oo u dhacday sidii la sugayay  hadaba maanta oo ay umadda Reer Somaliland Farxad ballaadhan huwanyihiin  meel walba oo ay joogaanba..
 
wakhtiyada is riixaya ayaa maantana inoo keenay in aynu doorano Madaxweyne ku yimaada codka shacabka guushaa ballaadhan iyo amaanteeda waxaa iska leh shacabka mustaqbalkooda Shookaanta u haya
runtii doorashadani waxay muujisay sida dadku isula jaanqaadayaan oo ay isula talaabsanayaan wakhtiyada casirga ah ee lagu jirona ay u raadinayaan dimuqraadiyadii lagu gaadhay waxaad sugtaba mar baad heshaa guusheeda,
hadalaadaasi waa hadalo ka soo yeedhay Gabadh Somaliland u dhalatay oo ila dagan Qurbaha hadalada gabadhaasi waxaa ka mid ahaa waxaan haystaa oo qarsoon  Pasporkii Somaliland oon dooonayo in aan meel walba ku maro inshaallaahu,
 
uqaadan waa bay igu noqotay Jornaalada (wargaysyada) Finland Maanta markaan ku arkay cinwaanadooda Doorashooyinka Somaliland iyo habsamida ay u dhacayso waxay soo qaateen taariikhdii Somaliland iyo marxaladaha kala duwan ee ay hadba ku sugnayd, waxaan ka maqnayn oo ay ku faraxsanaayeen in uu isu taagay Murashaxa madaxweynaha Nin haystay Dhalasho finish ah isla markaana uga tanaasulay si uu dalkiisa uga qaybgal doorashada, waxay ku soo qaateen gabogabo in 3 murashax ee u taagan jagadu ay ka simanyihiin gooni isu taaga Somaliland.
 
Runtii dadaal walba oo la raadiyo manaafacaadkiisa waa la helaa iligii yaraan kaaga dhacana mid ka fiican baa kuu soo baxa marhadii hab qabaail laga tagay oo loo gudbay hab dimuqraadi  ictiraafkii waa daba socdaa taa hala ogaado, waxba runtii maanta qorikarimaayo farxad daraadeed,,
 
Sadexdan murashax iyo ku xigeenadoodu  farxad iyo waxay u tahay caawa  ninku halkuu hiigsado in uu gaadhaabuu jecelyahay se waxay kuwo waloo laga badiyaa ku samridoonaan shacabkooda dahabka ah ee taageeray samrintooda iyo guusha  horumarka wadata ee Somaliland u gudubtay hadaba Ciidnay anagu qurbe jooge iyo gudo joogeba hadaan cabiro dareenka aan dareemi karo oo ahaa in aan ka jeclaan laha in aan codkayga dhiibto hadana waxaan ku samray Dear Somalilanderkasta oo codbixiyey xagaygiina iiga codee.. gabo gabo iyo mahadnaq
 
Dhamaan shacbiga Somaliland , Gudida Doorashooyinka Asxaabta Qaranka  Ururuda Somaliland, hayadaha madax banaan ,Goobjoogayaashii , Ciidnakii nabadgalyada u heeganka ahaa,Warbaahiyaayaasha u horeeyaan   Haatuf, Jamhuuriya, Hadhwanaag iyo SNN, intaba xagayga mahadnaq 
 
Guul iyo Gobonimo   alloow noo siyaaadi  Aamiin Aamiin
 
          Cumar Cabdi Nuux
          Calaydh2@hotmail.com
          Helsinki Finland

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE