HAMBALYO IYO MAHADNAQ
Waxaa
wada jir u diraya Ismail M Gadiid iyo C/risaaq X Balayax(risqo)
Hor iyo
horaanteed waxaanu hambalyeynaynaa dhamaan bulshada Somaliland ee lama huraanka
ah iyagoo hirgeliyey hamigoogii ahaa iney hogaankooda doortaan waxaan kaloon
bogaadin u direynaa dawlada Somaliland, labada golle, axsaabta qaranka iyo
saxaafada xorta ah.
Waxaan la iloobi karin
raga MIIDA ah ee ku bahoobey ururuka ANSHAXA kuwaasoo ehel u ah cilmiga iyo
wanaaga, anagoo isla markaa codsi u direyna bulshada Somaliland iney
dhiirigeliyaan ragas sideyna halkaas ugu hakan ee ay hore uga sii socdaan kana
qeyb qaataan si wada jir ah hogaaminta toosan,ragas oo kala ah Sh.Mustafa,
Sh.Dirir, Hadraawi, Bulxan, Prof. Suleymaan, Boobe iyo Gaariye.
Maanta waa maalin boqran
oo ku suntan taariikhda Somaliland, waa maalin ay mahadeedu u sugnaatey keliya
ALLAH(swt), maalin ay dalka Somaliland ka hawl galeen si wada jir ah dawlada
Somaliland, 3 xisbi qaran, ururka wax u qabo, ururka anshaxa iyo gudiga
doorashooyinka ah hay’adahani waa kuwo tiir adag u ah wada shaqeyn waa kuwa
dhala dawlad lasoo doorto oo tamrteeda iyo tayadeeduba togan tahey, waxaanu
mahad gaara u direynaa musharax UCID Feisal Cali Waraabe oo aanu u naqaano
WADANIGA, anagoo uga mahad celineyna lexejeclada joogtada ah ee uu u hayo
dalkiisa iyo dadkiisa muwaadin waxaad reebtey taariikh dhaxal gal ah.
Madaxweyne Daahir Riyaale
waxey xukuumadaadu ku guuleysatey iney si hufnaani ku jirto ay u qabato doorasho
cadaaladi ka muuqato taas oo aad
amaanteeda kasbatey kuna dhigmi doonta taariikhda Somaliland, ugu danbeyntii
waxaanu ka codsaneynaa musharaxa ku soo baxa doorashada dalka ee hogaamin doona
5 sanno ee soo socda inuu isna noqdo madaxweynihii u horeeyey ee
taariikhda Somaliland dhisa dawlad xull ah, oo kooban tayadeeduna sareyso,
dawladaas oo aqoonteeda iyo kartideeda kaga qaada umadan dhulka wadhan, dawlad
aan hoos maxafsan/dawarsan haya’adaha yar-yar ee u soo shaqa tegey dalka,
dawlad aan aheyn maxaan cunaa iyo af carabkiisa iyo gawsihiisuba
soo milikhsanayaan, mid aan u hamuun qabin ka haagida hantida umadda, mid
aan hayiga iyo hamiga umada kaga laalin hirdheer.
Waxaanu xuseynaa sidey
xilkooda iyo ka badanba uga soo baxeen saxaafadaha kala ah Haatuf, Jamhuuriya,
Hadhwanaag.com, sdwo.com, radio hargeisa, hargeisa.org, snn.com, tv Europe.com,
radiosomaliland.com iyo somalilandnet.com
ALLAH ayaa mahad leh
Guul Somalilandbaa leh
Gobonimo shacbkaa iska
leh.
Diyaarintii Ismail M
Gadiid & C/rissaq X Balayax(risqo)
gadiidsomland@hotmail.com
LONDON