SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

          HAMBALYO IYO MAHADNAQ  

Jaaliyada Somaliland ee Dubai Imaaraadka Carabta

Aniga oo ku Hadlaya Magacayga iyo Magaca Jaaliyada Somaliland ee Dubai Imaaraadka Carabta Waxaan Tahniyad,Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Iyo Ku Xigeenkiisa Axmed yuusuf Yaasiin oo Shacbiga Reer Somaliland u Doorteen Hogaaminta Dalka Shanta Sanno ee soo socota.

Waxaan leeyahay Hambalyo ,Ilaahayna waxaan uga baryayaa in xilkaa loo dhiibay uu ku garab galo.AAMIIN. 

Hambalyo taa la mid ahna waxaan u dirayaa Xisbiga UDUB oo ku Guuleystey Tartankii Doorashada Madaxtinimada Dalka. Waxa kale oo aan Hambalyo u dirayaa Gudigii Doorashooyinka qaranka oo Muujiyey dedaal badan Iyo wadaniyad Intii ay socotay doorashadu,waxaan marnaba la ilaawi karin sidii Dhibta lahayd ee ay ku kala saareen labadii xisbi ee sida aadka ah isugu codadka dhowaa. 

Sidoo kale Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u Dirayaa Eng Faysal Cali Faarax (waraabe) oo Muujiyey ruux Wadaninimo Isaga oo ku Qancay Natiijadii ka soo baxday Doorasahada,Qireyna in xisbigiisii lagaga adkaaday doorashada,Isla Goobtii lagaga Dhawaaqay Natiijada Doorasahadana Wuxuu ku Hambalyeeyey Xisbigii Guuleystey ee UDUB Iyo Madaxweynaha Somaliland Shanta Sanno ee Soo Socota Mudane Daahir Rayaale. Waxa kale oo aan Hambalyo u Dirayaa Dadweynaha Reer Somaliland ee ku Sugan Gudaha Dalka oo Muujiyey Wadaninimo iyaga oo si Nabad Gelyo ah Codkooda ku dhiibtay. Waxa kale oo aan hambalyo u Dirayaa Qurbe Jooga Somaliland oo kaalin Muhiim ah ka qaatay Doorashada.

Cabdikariim Cali Baarjeex Xoghayaha Jaaliyada Somaliland Dubai,U.A.E.

Email:  hargeysaawi1900@hotmail.com SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE