SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

         

WEYNU DOOGIYE YEYNAAN DACAROON

Waxa qorey: Ismacil M. Gadiid - London

Dadweynaha Somaliland waxey muujiyeen bislaansho iyo wadaninimo lagu farxo, ugu horeyn walaalayaal dhamaantiin dalka gudihiisa iyo dibediisaba aan idin xasuusiyo Somaliland inagaa ku nool ee iyadu inaguma noola, sidaa aawadeed waa ineynu joojino qaabka aynu wax u wadno oo lamoodo in waxeynu kala wadano/kala leenahey  ay ka muhiimsan yihiin waxeynu wada wadano/wada leenahey,  yeynaan arinta ka dhigin in cid gaar ahi wax gaara heshey,  cid gaar ahina wax gaar ah weydey(point scoring). 

Hadaan isku dayo inaan ka faalloodo doorashadii dalka ka dhacdey aynu ugu horeyno cod dhiibashadii dadka oo aheyd mid aad iyo aad loogu farxey kolka la eego muhiimadeeda ugu weyn oo ah nabadgelyo bal yara milicso waxa ka dhacaaya Nigeria oo agteena ah mudo badana soo aheyd qaran, tirintii codadka ayaa iyaduna si aad u qurux badan loo qaabeeyey taasoo cidii aan qanacsaneyna si fudud dib loogu noqon karo iyadoon loo baahaneyn in sanaaduuqdii dib loogu noqdo,  natiijadu maaha ta ku meel gaadhka ah natiijada waxaa ku dhawaaqaya Maxkamada sare sidaad la wada socotaan hadalkii gudidu wuxuu ahaa natiijada kumeel- gaadhka ah. 

Intaa ka dib aynu eegno falalka dhacey, anigoon xisbi gaar ah taageersaneyn mid gaar ahna necbeyn, shaqsiyan somalilander ah, sadexda xisbina ay soo galayaan inta ka hooseysa Somaliland ama xisaab ahaan  Somaliland > xisbiyada, (waxaan mahad balaadhan u soo jeedinayaa Siilaanyo baaqida uu ugu baaqey dadka iney nabad gelyada ilaashadaan), xisbiga kulmiye hadii ay cabanayaan ayna hayaan cadeynteeda in iyaguna dariiqeeda maraan ayaa ku waajib ah, cida xilkaas iska lihina iney waajibkooda gutaan waa hawl qaran oo loo igmadey waa iney ka soo baxaan, dadka sheeganaya iney kala taageeraan 2 xisbi ee qurba jooga ah waxaan leeyahey deelqaafka badan ee laga galayo shacbiga, dalka, dadka iyo dawladaba hala joojiyo, hadii laaxin ku jiro natiijada ay ku dhawaaqeen gudidu cidda keliya ee eedeeda iyo ciqaabteeda yeelaneysaa waa gudida sababtoo ah waxaa gacantooda loo geliyey xilkii umada, masiirkii umada, aayihii umada, xaqsoorkii umada iyo hankii/himiladii umada, sidaa darted hadey ka baaqsadeen iney gutaan waa iney waajahaan ciqaabteeda iyo cawaaqib xumadeedaba maaha in meel aan ku shaqo laheyn la xag-xagto. 

Hogaanka ka heley iyo kalaga helaaba waa iney dib dadka wax ugu celiyaan, kan heley waa in uu dadka dib ugu celiyo wixii ay ku doorteen wadajirahaan kuwii doortey iyo kuwii aan dooranba ha fuliyo balan qaadyadiisii, kan laga heley waa in uu dadka dib ugu celiyo sidey u daba istaagi lahaayeen hogaankooda, taageerayaasha wey dhamaatey xilligii axsaabta lakala ahaa, waxey aheyd kelliya mudadii doorashada iyo olalaheedu socdeeen marka ay maxkamada sare ku dhawaaqdo natiijada dadku waa Somaliland waxeyna daba joogasnayaan madaxweynahooda xataa haduu yahey kuu codka kala bakheyley 

Waxaase muuqata in madmadowgu yaal meesha dhan uu jirose lama garan karo keliya markaad dhadhansato wareysigii Cabdilaahi jawaan ee bbc-da 20/04/03 waxaa kuu soo baxaaya in isdaba marin iyo muhmal weyn la dhigey taasi waxey soo bixi doontaa Markey wax cad soo bandhigaan qoladan cabaneysa. 

Gebegebadii waxaan ku dardaaraya ciidamada qalabka sida, saraakiisha ciidanka iyo dhamaan waaxda police-ka iney ka fogaadaan oo ayna ku dhex milmin siyaasad shaqadoodana qabsadaan islamarkaa teliyaha ciidnka police-ka inaad ciidankaaga anshaxooda iyo asluubtooda/aqoontooda sare looga qaado halka ay hada taagan yihiin lana baro dadku iney dadkoodii yihiin ee ayna cadowgooda aheyn sidey ula dhaqmayaana wax weyn laga bedelo, la baro tix gelinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinku leeyahey, maaha iney sidii FAQASHTII  ay dadka iska garaacaaan xataa hadii uu eedeysane yahey ilaa inta maxkamadu xukumeyso qofku waa eedeysane ma ah danbiile fadlan xidhiidhka ka dhexeeya police-ka iyo dadweynaha waa in sare loo qaado labada dhinacba laga sameeyo wacyi gelin iyo tababaro. 

MAHAD ALLAH AYAA LEH 

GUUL SOMALILANDBAA LEH 

Waxaa qorey Ismail M gadiid  London 

Gadiidsomland@hotmail.com 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE