SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

    

Intaaney talo faro ka bixin maxaan qaban karnaa?

Waxa qorey: Fu,ad Yusuf     

Asalaalamacaleykum.w.w.Bacda salaan  waxaan doonaya inaan  ka digo dhibaatada  ay leedahay doorasho la afduubaa.

Waxa dalkeena ka dhacey April14,2003 doorasho shacbiga somaliland ku muujiyeen iney kaga - horreeyaan waddano fara badan oo muddo dheer heystey dawladnimo .arrintaasi waxay faraxweyn gelisey qofkasta oo daneynaya  Jiritaanka Somaliland ama dalka gudihiisa ha joogo ama debeddiisa ha joogee.waxaaney dadku is weydiinayeen tolow xusbigee heley waxaana qofwaliba war ka doonanayey meesha uu filayo inuu ka heli karo war xaqiiqo ah oo ah halka arrintu mareyso, waxba yaanan ku dheeraan arrin lawada og soon yahaye waxa markiiba debedda timid inuu xusbiga kulmiye doorashada hoggaaminayo iyadoo xitaa warkan laga heley dad ka tirsan ururka Udub oo deggan magaalada hargeysa oo aan habbooneyn in magacooda halkan lagu xuso ilaa iney ka maarmi waa noqoto mooyaane.

Xitaa maalintii dib loo dhigey  ee sabtidii dad aanu kala hadaley Hargeysa oo ka tirsanaa Udub waxay nagu yidhaahdeen waxaa ilaa hadda naga yara horreeya waxaan badneyn xusbiga Kulmiye marka annaga waxa noo caddaatey in 100% Kulmiye leeyahay guusha ,laakiin waxa dhacey wax dadka badankoodu ilaa hadda la anfariireen oo ka yaabisey oo xitaa dadka tirsan Udub ay ku noqotey wax aaney marnaba fileyn .Waxaana meeshaas ka soo baxey in doorashadii la afduubey guushiina la siiyey nin aan badin, kii badiyeyna la yidhi afka dabeysha ka qarso iyadoo aynu og nahay cawaaqib xumida ay leedahay doorasho la afduubaa oo aan maanta tusaale u soo qaadan karno Al-jeria iyo waddano fara badan oo kale.

Haddaba waxaan kula talinayaa qofkasta oo daneynaya jiritaanka Somaliland inuu isku dayo inuu badbaadiyo waddankiisa oo ku soo dabbalo sharcigan la gees marey haddii ay naan taas sameyn waxaad ogaataan iney jiri doonto maalin aad farta dhexda ka qaniini doontaan

oo odhandoontaan haddii aan maalintaas wax qaban lahaa laakiin too late-tahay.

Maalinba waxa jirey nin  inankiisu nin diley ayaa la yidhi waar inankaagii ayaa wax dileye soo bixi qaalin geela inta kalena tolka kaa bixin wuxu ugu jawaabey geel sumaddeyda leh xero kale magalo, maalintii danbe ayaa dagaal dhacey oo inamadiisii la laayey oo xoolihiisii la qaadey markaasaa layidhi maanta kawarran wuxuu yidhi maah maah caan noqotey oo loo isticmaalo markey arrin laga baqayo caqiibadeeda danbe lagu maah-maaho oo wuxu yidhi maalintaan tayo(xoolo)hayey talo maheyn,Maanta oon talo hayona tayo mahayo ,ama adduun i khatal haddaba waxaan kula talinayaa dhammaanba dadka reer Somaliland ee daneynaya danta dadkooda iyo dalkoodaba iney maanta wax ka qabtaan boobkan cad ee

Udub sameysey inteynaan calaacalin berrito.

Waxa laga yaabaa dadka qaar iney isweydiiyaan ninkani mahaya wax caddeynaya iney udub afduubtey guushii uu heley Kulmiye Jawaabta oo caddi waxa weeye waan hayaa waana kuwo marag ma doonto ah mana aha anigoo qudha dadka hayaa ee dad badan oo kale ayaa arrintaas haya waxaydaan maalin dhow ku arki doontaan web-site-yada Somaliland iyadoo lagu soo bandhigayo arrimahaas, Arrintan yeynaan dhayal san waayo waxay leedahay khatarteeda .Waxyaabaha ay sameeyeen Udub maaha wax lagu soo koobi karo qoraal yar laakiin waxay iga tahay inaan uun wax ka taabto,Waxaan web-site-yada Soomaaliland ugu horreeyo,Hadhwanaag,,Sdwo, SNN,somaliland net,RadioSomaliland,Haatuf news, Jumhuriya iyo kuwo kale oo anan xusin iney yareeyaan buunbuunita ay ka sheegayaan xusbigan natiijadii doorasha da afduubey,isla markaana dadka u soo bandhigaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta maanta Somaliland iyadoo aan hubo iney sifudud u heli karaan xaqiiqda dhabta  ah ee caddeynaysa in Kulmiye guuleystey udubna been loogu dhawaaqey inuu isagu guuleystey.

 

Fuad Yuusuf fuad@sprint.ca

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE