SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

   

HANBALYO - HANBALYO 

Ku.Guud ahaan dadwaynaha Somaalilannd
Ku.Madaxda Seddexda xisbi qaran
Ku.Labada Gole baarlamanka iyo gurtida
 
Waxaan marka hore hanbalyo aad u heer saraysa u soo diraynaa shacbi waynaha reer soomaaliland sida habsamida leh ee ay u footiyeen iyaga oo muujiyay sida ay u rabaan in ay helaan maamul wanaagsan oo ay hadhsadaan.
Waxa kale oo aanu u hanbalyaynaynaa masuuliyiintii is xilqaantay intii ay socotay hawsha doorshadu kuna dadaalay in ay hir gasho.

 

Waxa kale oo amaan mudan masuuliyiinta dawalda oo u ogolaaday komishanaka doorashadu in ay si madax banaan hawshooda u gutaan.
 
Hadaba anaga oo ku hadlana magaca ururka naafada ee somaalilan degana wadanka sweden waxa aanu ugu hanbalyaynaynaa guusha ay gaadheen xisbiga udub oo ah libin u soo hoyatay guud ahaan reer somaliland taas oo ka jawaabaysa sida dumuqoraadiyada leh  ee dadku u doortay.

 

Waxa kale oo aanu ka codsanaynaa xisbiyada kale ee aan ku guulaysan doorashada in ay u haneeyaan guusha ay heeleen xisbiga udub tusaana caalamka in ay yihiin dad jecel wanaaga iyo horumarka wadankooda tixgaliyaan dadwaynahooga sharafta leh ee siiyay kalsoonida ay ku loolamayaan taas oo aan ka dhicin agagaarkooda.
 
Hadii tartan dhoco waxa xaqiiq ah in mid uun guulaysto, walaalyaal ogolaada natiijada ay komishanku ku dhawaaqeen hana na niyad jabinina,aduunkuna maanta uun maaha barriba waxa dhiman doorshooyin kale sida ta baarlamanka iyo ta gurtida waxa kale oo jirta in aan xisbina meesha ku waarayn waligii ee ay tahay mudadu shan sano oo kaliya ee walaalyaal samra iskuna haneeya guusha.
 
Waxa qoray  mudanyaasha jaaliyada naafada ee somaliland ee sweden oo kala ah.
 
Cabdi Diirie
Saciid Indho
Axmed_nasi (LIJAANO)     

Email: swesomland_hf@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE