Waxaa laga soo gudbay wakhti taariikhiyina
oo Somaliland looga codeeyey doorshadii Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa,
dadku kala wada xisbi bay ahaayeen hadana isku wada xisbi weeye,
doorashadani waxay ahayd mid aad ololaheedu u adagyahay oo si adag u
loolameen laba xisbi ee Udub iyo Kulmiye, runtii sida loo baahnaa waa
sidan waayo waxaa logu tartamayaa mar hogaankii dalka hadana waxaa loo
tartamaya sidiiyoo laba kooxood oo kubad ciyaaraya sidii ay u tartami
lahaayeen, runtii nin walba wuu isku dayay in uu guusha u soo hooyo
Xisbigiisa. sideedaba in taan la tartamin waxay leedahay shuruudo tartanka
horyaal u ah shuruudahaa waxaa ka mid ah in gudi dhexdhaxaadii goobjoog ka
ahaato mar walba in laga badiyuhu samro mar walba in badiyuhu la yimaado
dulqaad, iyo in is afgarad qurux badani yimaad goobahaas.
hadaba doorashooyinkii Somaliland ka dhacay
waxay ahaayeen kuwo taariikhiyanna dhanna culays badani soo saarmay shacabka
dahabka ah ee horumarka jecel waxaad arkaysay sida adag ee labada
xisbi tageerayaashoodu u kala taageerayaan runtii arin qaaliya weeye
shacab fikradooda wax ku kala taageeraya aan qasab iyo cabudhis ku is ku
haynin..
Taariikhdaa dahabka ahi waxaa suurto galiyay
shacabkii kala xisbiyada ahaa hadana isku xisbiga ah, dhawr arimood oon ku
soo gabagabaynayo qoraalkan baa waxay tahay!!!! 1)Adiga Suxufiga ah maxaa
kula gudboon 2) Adiga taageeraha ah maxaa kula gudboon 3)adiga
hogaamiye xisbi ah maxaa kula gudboon 4)Adiga shicib ah guud
ahaanna maxaa kula gudboon ..
Suxufiyahow waxaa kula gudboon in aad ka
dhawrsanaataan ku tidhi ku teen iyo war aan jirin baahintiisa sida maalmahan
danbe kolba webpage xisbi lagu taageerayo aan ku arkayay suxufi Axmed Siciid
Cige oo ka hadlay sabtidii intaan doorashada lagu dhawaaqin in shir ay ku
jiraan Gudida koomiishanka iyo dhammaan axsaabta hogaamiyayaasheedu
waxa uu sheegay in labada xisbi midkood la qancinayo se wuxuu ku daray in
aanu garanayn xisbi uu yahay xisbigaasi, hadaba suxufigu isaga oo xisbiguu
doono u codayn kara hadana sharafta saxaafada uu huwanyahay in uu dhawraabaa
haboon..
adiga taageera xisbiyoowna waxaa kula gudboon
mar hadii xisbigaad taageeraysay badiyay in bal aad daba joogtid xisbigaaga
ood eegto waxyaabuhuu xisbigu ku balanqaaday in uu oofiyo kolba halkuu
xaal marinayo, ood dalka daacad u ahaataan adiyo xisbigaaguba ilayn fikrad
weeyey waxa idinka dhaxeeyaaye, Taageeraha laga badiyoow mid ba kula gudboon
in aad xasuusato in bal xisbigan talada qabtay laftiisu yahay mid ka
talinaya danta dalka fikradaha aad ku kala duwanaataan xasuuso mar
kale mar hadii la tartamay waxaad filanaysay in ay ahayd guul ama guul daro
oo u hogaansan kii badiyay una niyee, mida kalena labada taageerayaalba ha
ogaadaan in kala xisbi la yahay hadana la isku xisbiyahay taasoo macnaheedu
yahay in la wada hoos hadhsanayo xisbiga la yidhaah Somaliland..
Adiga hogaamiye xisbiyoow hadaad badisay waxaanu
si hagar li i ah kaaga sugaynaa in aad dhakhso u qabato wixii aad ugu ballan
qaaday shacabkii ku taageeray ee meeshan ku saaray kow in aanad xifiltan la
iman waayo maanta adaa dalka hogaaminaya, huwanna sharaftii mucaarid iyo
muxaafidba, hogaamiyaha laga badiyoow mid baa kula gudboon in aad marna ku
riyaaqdo codka taageerayaashaada marna iyaga samarsiisid waayo iyagaa kuu
halgamay oo fikradahaaga isku dayay in ay dhabeeyaan shacabkaa dahabka ah
tageeradoodii in aanad lumin mar kalena is ku daydo doorashooyinka danbe in
aad fikradahay kula qabaan isku daydo in aad dhabayso dhan uga soo wada
jeesta wanaaga dalka iyo dadkaba..
shicibyohow wanaagsani guud ahaan waxaa kula
gudboon in aad eegtaan halka xaalada Somaliland marayso iyo halka xaalada
dalka dariska ah ee Soomliya marayso guud ahaan caalamka meel kasta oo
doorasho ka dhacdo hadal laga ma waayo laakiin tusaale wanaagsan waxaa ah in
somaliland doorashadeedu noqotatay mid xisbiyadu aad isugu dhaw yihiin taas
oon laga helin dalal badan oo kale, meelaha shacabyohow aad
hiigsanayso waxaad ku gaadhi kartaa samar dadaal iyo is kaashi yaanay
siyaasiyiin idin kala xadin, hogaanka u qabta siyaasiyiinta in ta ay idiin
qaban lahaayeen..
Ugu danbayn iyo gabogabo doorashooyinkani
ha noqdaan mid isu soo dhaweeya afkaarta dalka, ha noqdaan mid reebta xumaan
iyo is beelaysi, ha noqdaan mid u horseeda jiilka soo kacaya marin wanaagsan,
ha noqdaan mid keenta tashiga aayaha iyo talada mustaqbalka
Wa billaahi towfiiq
Cumar Cabi Nuux
Helsinki Finland