Maxaa
Laga Filayaa Maxkamadda Sare ee Somaliland (Go’aanka Doorashooyinkii
Madextinimo)
Qore:
Dr. Shacabi
Waxaan
marka hore halkan salaan qiimo iyo qaayo leh ugu soo dirayaa Shicibweynaha
Somaliland oo si sharaf, nidaamsanaan, nabadgelyo iyo xasilooni ku cod-bixiyey
doorashooyinkii Madexweynaha iyo Madexweyne ku xigeenka dalka Somaliland ee
shanta sannadood ee innagu soo fool haya, haddii Eebbe Idmo.
Iyadoo
shicibkeenii sidaas u codeeyeen, ayaa waxaa nasiib darro ah in uu weli muran ka
taaganyahay natiijadii doorashadaas oo u dhexeysa labada Xisbi ee Kulmiye iyo
Udub. Waxaynu U baahanahay inaynnu isweydiino maxaa sababay in xaaladdu sidan u
dhacdo. Marka hore waxaa la wada ogsoonyahay in Guddiga Doorashooyinka Qaranku
ay ku ballan qaadeen inay ku dhawaaqayaan natiijadda kama dambaysta ah maalinta
Jimcaha oo ahayd April 18, 2003, sidii loo filaayey inay natiijadda ku
dhawaaqaan ayaa waxaa dhacay waxaynnu wada ogeyn oo ahayd in haddana ay
yidhaahdaan waxaannu dib u dhignay illaa Sabtida oo ahayd April 19, 2003.
Waxaa
cad in maalintii jimcaha ahayd oo doorashooyinka in lagu dhawaaqo ay ahayd in
Xisbiga Kulmiye sida dad badan oo jooga Waddankii iyo sida ku caddayd in Guddiga
Doorashooyinka Qarankaba ay horreeyeen Xisbiga Kulmiye, ka dibna ay Damaashaad
ka muujiyeen waddanka iyo dibediisaba. Markii taasi dhacaday oo weliba qaar ka
mid Guddigii u joogtay Xisbiga Udub ay sidaas ku qanacsanaayeen ayaa arrintii
gaadhay madexda sare ee Xisbiga Udub, kuwaasoo u qaadan waayey, liqiwaayeyna in
sina looga badinaayo. Waxaa markaas dhacaday in loo dacwoodo Madexda Aqalka
Odayaasha iyo Gurtida si ay dib ugu dhigaan kuna adkeeyaan Guddiga
Doorashooyinka inay ku dhawaaqista doorashooyinka hakad yara geliyaan. Taasi
waxay ku tusaysaa, haddii ay caddaan lahayd in Xisbiga Udub ku guulaystay
Doorashadaas maxaa keenay soo fara gelinta iyo U qayla-tagga labad gole, qof
kastoo caqligiisa saliimka cugsanayaaba wuu garan karaa in arrintu sidaas u
dhacaday oo runtii Xisbiga Kulmiye ku guuleystey Doorashadaas.
Maxaa
haddaba arrintu ku dambaysey?? – Sida aynnu wada ogayn waxaa Guddiga
Doorashooyinka qaranku ku dhawaaqeen maalintii sabtidii April 19, 2003 in
Xisbiga Udub ku guukeystay 80 Cod. Waxaa markaas iyana soo bandhigay Xisbiga
Kulmiye oo caddeynaya in iyagu runtii yihiin Xisbiga guuleystay oo ka horreeyaan
Xisbiga Udub 76 Cod.
Arrintu
waxay taagantahay anigaa badiyey iyo anigaa badiyey…Waxaa la yaab leh in
runtii Guddiga Doorashooyinka Qaranku intii hore ay hawl wanaagsan qabteen,
laakiinse wax la tusayba ay markii dambe is-rogeen 180 degree oo ay yihiin kuwa
maanta runtii aan ka soo bixin arrintii caddaaladad ahayd ee laga filaayey inay
ku garsooraan inta arrintu aysan u gudbin Maxkamada Sare iyo in
la kaciyo dadwynihii Somaliland oo aan marnba uga harayn xaqooda cod-dhiibasho
illaa ay helaan sida xaqa ah iyo qofka xaqnimo ku helay codkoodii ay sida
sharafta iyo wadanimadda lahayd ay ku dhiibteen, taasoo aynnu ku dhaafnay
dawladdo badan oo ah kuwa hore umaray iyo kuwa saddexaadba.
Waxaa
hadaba is-weydiin leh, markii xisbiga Kulmiye uu dhawaan soo bandhigay sida ay
uga horreeyaan Xisbiga Udub, goob-joogna ay ka ahaayeen Gudoomiyaha Guddiga
Doorashooyinka Qaranka Mr. Cadami iyo suxufiyiin kaloo oo badani inuu yidhi Mr.
Cadawi, “ Waa laga yaabaa inaan khaldanayn, laakiinse ku noqon mayno
go’aankayagii hore”. Maxay taasi ku tusinaysaa??? –Waxaan qabaa inay ku
tusinayso in hadday khaldameen oo aan la yaab lahayn illayn waa bani-adami, inay
qirtaan khaldookda oo saxaan khaladkaas ay qirteen, laakiin ay weli ku indha
adagyihiin go.aankoodii khaladnaa!!!
Arrintu
iminka waxay U gudubtay Maxkamada Sare , waxaana shacabweynaha Somaliland u soo
il-godayaan go,aanka ka soo baxa Gar-soorka Waadanka. Waxaa hadaba is-weydiin
leh, maxaa ka soo bixi doona Maxkamadda Sare ee Waadanka , iyadoo la wada
ogsoonyahay in Madaxa Maxkamada Sare uu dhawaan soo magacaabay Madexwyne Riyaale???
Su’aal
kale ayaa iyana u baahan in dadka Somaliland is-weydiiyaan oo ah –waa maxay
sababta Madexweynaha D’Jabouti, Cumar Geelle uu ugu soo hambalyeeyey Mudane
Riyaale, iyadoo uusan ahayn ka qudha ee sidaas yeelay ee Wasikirka DKMG
qudhiisuna u soo diray Hamabalyo????
Hadaynu
ku noqonno gunnaandka qoraalkan oo ah maxaa ka soo bixi doona Maxkamada, maxayse
noqonaysaa haddii la duudsiyo Kulmiye xaqiisa, taasoo aad iminkaba arkaysaan in
Gudigga Doorashooyinku ku adkaysteen go,aankoodii hore kuna adkaynayaan
Maxkamada Sare in iyaguna ay sidaas ku soo af-jaraan.
Waxaa
maanta loo baahanyahay in dhammaan shicib, Labad Gole iyo Maxkamada Sareba ay
runtii waddanka kala baxsata bur-bur iyo dagaal dambe, waxaynu gaadhnay waxaan
laga filayn waadan yar oo cid wax tartay ama aqoonstay aysan illaa hadda jirin,
taasoo ay saldhig U ahayd una tahay Nabadgelyada iyo Bisalyka uu gaadhay
Shicibweynaha Somaliland. Waxaa runtii ah wax lagu faano inaynnu wax weyn
qabsanay, layna indha taagayo sida aynnu cadaaladnimo iyo garsoorid xaq ah ku
kala saarno labad Xisbi.
Waxaan
ka rajaynayaa in Maxkamadda Sare eegi doonto qofka iyo Xisbiga sida Xaqa u helay
doorashadaas.. Haddiise ay taas gaadhiwaayaan, waxaan kula tallin lahaa in la
qabto doorasho kale muddo ku sima lix bilood.
Wabilaahi
Towfiiq,
Dr.
Shacabi
Oakland< California, USA