SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

         

SIIGO YARAA SIYAASIYIINTA SOMALILAND

Waxa qorey: Ismacil M. Gadiid - London

Caqliga saliimka ah ayaad ku gefeysaan markaad laba erey oo waqtigoodu dhacey kuwaasoo laxanka iyo luuqdaba la saarey qarnigii tegey, xadhiga lixaadna gacan ladaabyo badani ay ku leexeysaneyso si lurr loogu kiciyo muwaadin lab la-kac leh, gara’oo waa labada erey  ee ah NABAD iyo ICTIRAAF(aduunkaa INDHAHOODA/DHEGAHOODA/CARABKOODA/CAGAHOODA iyo AFKOODA INAGU HAYA), su’aal? Yaa keeney nabada? ALLAH ka sokow Bulshada, yaa khalkhal ku abuura? Mid siyaasi u adeega iyo af-miishaar dilaal ah, yaa cadow u ah nabada? SIYAASIYIINTA. 

Akhristoow ereyadaas dhacey(out dated words) waxey dhawaan ka soo yeedheen xoghayaha UDUB(Axmed Xaashi Cabdi)  isagoo KULMIYE ku eedeeyey iney labadaas kor ku xusan halis gelinayaan, Xoghaye dalbajuuqahaaguna wax la dado ka xeel dheer, ficilada ay qaadeysey bilihii aynu soo dhaafney dawlada ku abtirsata xisbigaagu inka badan 10 jeer ayey weerar cir iyo dhul ah ku qaadey khalkhal gelinta nabada umada Somaliland ee ay manfaceeda cidina uga badsan iyaga arintan macnaheedu maaha KULMIYAA amaan mudan. 

Siyaasiyiinta Somaliland xinka iyo xifaaltanka dhexdooda yaal oo ah mid shaqsiyadeed isla markaasna ku mijaxaabiyaan aayaha ubadkooda iyo rabitaanka umadoodaba tusaalena kuugu filan tahey 1960-kii ficiltankii dhex yaaley dhowr shaqsi wixii laga dheefeyna ay tahey rogmadkaas aynu hada ka soo doogeyno mar kale hadana soo if baxeysa, miyaaney wax laga naxo aheyn haduu muj.C/raxmaan Tuur aargoosi, xifaaltan, ku jiqsii iyo xinkii xaawaleyda mid ka xun uga soo dhoofey LONDON isagoo sida Maroodiga aan ilaawin dabinadii iyo cagajiidka lagu eedeeyo Siilaanyo xiligii maamulka uu hayey Tuur, ayaandarada bulshada Somaliland khaasatan reer burco heysata waxey garan la’yihiin in siyaasi aanu reer aamin saneyn, saaxiibna laheyn balse uu ka dhigto salaan uu ku fuulo kursiga ama gabood uu kaga duulo nin ay is hayaan maalin kastana uu fadhiyo meesha ay isaga(keliya) dani ugu jirto!!, tusaalena waxaa kuugu filan SALEEBAAN GAAL iyo GABOOSE(WAR MAXAA U DANBEEYEY? KAA LA SII SIDO!!!!!!!!!), hadalkoodii shaley iyo maanta halkey joogaan kala fogaa(maqal iyo muuqaal ayaad uga heleysaa qolalka keydka ee mareegaha internet web-sites) walaalaheyga reer burcoow odeybaa laga hayey ileyn sakaarana ima barato, waar miyeydaan kaba ilbaxeynin siyaasi laba afle ah. 

Guntii iyo gebgebadii hogaamiyayaashan silloon waxaan leeyahey nabada bulshadaa ilaashata ninka ay ka ilaalinayaana waa adiga heeryadii cunka ah, aduunkan aad ka sheekeysaana maanta waa la idiinka aqoon badan yahey oo dibed yaalka Somaliland ee daaley kuwaasoo daadsan daafaha aduunka ayaa kaa badiya adiguna derisku nool maxafsato ah ayaad tahey saaxiib caqligii lixdankii ma iib gelayo maanta ee wacyiga lagu jiro fahan, joojiyana dibindaabyadan aad wadaan iyo ka abaal darida. 

Ismail M Gadiid LONDON 

gadiidsomland@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE