Riyaale:
Khatarta Dawladnimada iyo Aqoonsiga Somaliland
Waxaa
Qoray: Ibrahim Xasan Gagale (North America)
Somalidu waxay ku
maahmaahdaa, “Ninka aan garan waxa jooga waxa soo socdana ma garto.” Waa
taas xaaladda ay maanta ku sugan tahay ummadda Somaliland. Tan iyo maalintii
Riyaale loo dhaarshey madaxweynaha Somaliland, waxa dalka ku habsatay daruur
madaw ee shirqool oo ku salaysan siyaasad ah: “Qawda maqashii hoosna ka
burburi,” si loo mijaxaabiyo madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland, loogana
abuuro qalalaase aan dhammaan si markaas si sharafdarro ah dantu ugu qasabto
Somaliland inay ku noqdaan Mogadisho. Shirqoolkan oo ay isku bahaysteen Riyaale,
Geelle iyo Ina Salaad waxaa aad la aaminsanyahay in la dejiyey maalintii uu
Riyaale booqashada aan lala ogeyn ee degdegga ahayd ku tegey Jabuuti,
shir-qarsoodi ahna la yeeshay Geelle. Arrintaas waxaa caddaynaya hambalyada deg
degga ahayd ee uu Geelle, oo ah cadawga kowaad ee madaxbanaanida iyo aqoonsiga
Somsaliland, u soo diray Riyaale markii isaga iyo kooxdiisu sida aan qarsoodiga
ahayn uga boobeen Xisbiga Kulmiye guushii doorashada madaxweynanimada.
SHir-qoolkaas Geelle,
Riyaale, iyo Ina Salaad waxaa la aaminsanyahay inuu ku salaysnaa sidii
doorashooyinka dimoqaraadiga ah ee Somaliland khalkhal loo gelin lahaa iyaga oo
u arkayey inay tahay meesha keliya ee dadka Somaliland iskaga hor-imankaro,
dawladnimada iyo aqoonsiga Somaliland loogu burburinkaro si fudud, kadib markii
lagu fashilmay shirqooladii kale oo dhan. Waxaa khalkhalkaas lagu bilaabay
doorashooyinkii degaanka ee la qabtay bishii Diisambar 2002, waxaana lagu
tijaabinayey sidii loo khalkhalinlaa, laysu dhaafin lahaa, loona boobilahaa
doorashada madaxweynaha oo haddaba dhacday. Kooxda u sabcinaysa Udub ee rabta
inay xukunka dalka si xaaraan ah ula boobto, ma oga dambaska dabka huwan, ma oga
inay gacmahooda isku-dilayaan isla markaana ka qaybgelayaan burburinta
Somaliland iyaga oo laac yar loo daadinayo. Haddii aan ummadda Somaliland, si
nabadgelyo ah, deg deg wax uga qaban Riyaale, oo khatar ku ah madaxbanaanida iyo
aqoonsiga Somaliland, iyo kooxda la burburinaysa aayaha Somaliland oo warmooge
ah, waa inay ogaadaan in godkii SNM ka soo saartay mid ka daran oo aanay ka soo
bixikarin ku dhicidoonaan.
Waa inaan marnaba shacabka
Somaliland oggolaan isla markaana aanu aqoonsan dawlad uu Riyaale dhiso sababta
oo ah wuu ku jabay doorashadii madaxweynaha, waana sharcidarro in la taageero
dawlad boob ah oo ujeedadeeda qarsooni tahay in la burburiyo madaxbanaanida iyo
aqoonsiga Somaliland. Dhaawac ku filan haddaba Riyaale iyo kooxdiisu waa u
geysteen sumcadda iyo aqoonsiga Somaliland markii ay si cad u boobeen
doorashadii madaxweynaha ee la qabtay Abril 14, 2003. Markaas yaan loo oggolaan
inay geystaan dhaawac ka sii weyn kaas. Maxkamadda Sare ee Dalka Somaliland
waxaa waajib ku ah in aanay Riyaale u oggalaan inuu xukuumad dhiso iyada oo
natiijada doorashada laysku haysto. Waa nasiibdarro weyn in kii shalay dadka iyo
dalka laga badbaadshey uu guusha madaxweynanimada ka boobo kuwii shalay naftooda
u huray badbaadintooda (1982-1991) ka dib markii ay si xalaal ah ugu
guulleysteen madaxwenanimada. Waa arrin aad u dhaliilaysa garashada iyo
wadaniyadda ummadda Somaliland. Ummadda Somaliland waxaan kula talin lahaa inay
hurdada ka toosaan oo kala gartaan cadawgooda iyo nasteexooda, kana taxadaraan
in si doqoni ma garato ah layskaga horkeeno si loo burburiyo dawladnimada iyo
aqoonsigooda oo la ogaa dhibka loo maray iyo dhiigga loo daadshey.
Maanta waxay taagan tahay
xaaladdu is-badbaadin ama is-burburin ee iska badbaadsha Riyaale oo Xamar idinku
wada iyo kooxdiisa marmoogga ah.
Waxaa Qoray: Ibrahim
Xasan Gagale (North America), April 26, 2003. Email: Ibrahim_hg@yahoo.com.