SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Codka Muwaadinka 

 WACYI GELIN GUUD 

(Press Released – 23rd July 2002 – Somaliland Democracy Watch – SDWO). Mudo yar oo kooban ayaa ka hadhay wakhatigii loogu talo galay in wadanka guud ahaanba ay ka dhacaan doorashooyin ku salaysan nidaamka xisbiyada isla markaana ay xigi doonta doorashada madaxweynuhu. 

Nidaamka siyaasadeed ee ina soo food saray oo ah mid u yaala muwaadin kasta oo u dhashay Somaliland inuu codkiisa ka dhiibto kuna doorto cidii uu ku qanco ee uu u arko inay waafaq san yihiin horumarka diintiisa, dalkiisa, iyo dadkiisaba.  Maqaalkan  kooban oo aanu ugu talo galnay baraarujin waxaan ku dulmari doonaa muhmiyada uu lee yahay codka muwaadinku iyo inuu muwaadinku cida uu aayihiisa raacsanyo hada inta ay goori goor tahay baadho oo uu barto. 

Aadamaha kunool dunida dacaladeedu waxay waagii barya iyo gabalkii dhacaba u rooraan sidii ay horumar iyo mustaqbal fiican ugu noolaan lahayeen mudad gaaban ee ay ku sugan yihiin dunida guud keeda. Muwaadinka Somaliland u dhashayna waxaa uu kala siman yahay caalmaka intiisa kale, sidaa darted hada waxaa inagu soo food leh isbadal cusub oo aynu ku go’aan sanay lahayn cidii hogaanka dalka iyo dadka inoo qaban lahayd.  

Hadaba marka aynu rabno cidii jahada wanaagsan iyo hurumarka aynu rabno ina gaadhsiin lahayd miyaanay haboonayn inaynu sii xulano oo aynu kala shaan dhaysano xisbiyada iyo siyaasiyiinta badan ee is garab yaacaysa inaga oo mashkaxa iska galinayna eegaynana waxa mid waliba la shir imanayo taasi oo aynu xaq ugu leenahay inaynu weydiino su’aalkasta oo aynu ku ogaanayno ujeedadooda, kartidooda iyo waxqabadkoodaba. 

Waxa haboon in la is xasuusiyo in shacabku ay mar qudha talada wadanka wax ku leeyahiin, kuna bedeli karaan awooda sare  ee maamulka dalka, waana xiliga dooroshooyinka oo shacabku cidii ay doortaan oo ay u gartaan hogaanka talada dalka, dana ay moodaaan uu talda dalka hantiyaayo,  hadaba waxa haboon in laga faaiidaysto fursadaas qaaliga ah oo aan ina soo mari doonin shan sano oo kale.

Guled Cabdi Maxamed          Gudoomiyaha Ururka

Mukhtar Axmed Sh. Adan    Gudoomiye ku xigeenka ururka

Axmed Maxamed Yusuf           Afhayeenka Ururka

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE