|
|
JANANKII XASUUQII JASIIRA 1989 OO MAGAC BEEN AH MARAYKANKU KU SIIYAY MAGANGELYO SIYAASADEED
Ninkii ka masuulka ahaa Xasuuqii 47 Qof oo Rayid ahaa oo lagu
Gawracay Xeebta Jasiira ee magaalada muqdisho bishii july 1989 Janaral
Ibrahim Xasan canjeex oo ay xigto aheyn kaligii taliyihii hore somaliya
maxamed siyaad barre ayaa dawlada maraykanka ka helay managelyo siyaasadeed
bishii may ee sanadkan ka dib markii uu buuxiyay shuruudihii looga
baahnaa Dhagar qabe canjeex oo Imika jooga dalka maraykanka waxa u soo
Dacwooday wiil uu dhalay oo jooga dalkaasi maraykanka .
Dhagar-qabe canjeex Magaca hada uu sitaa
waa(Abuukar Cismaan Cali)
waraysigii ugu danbeyay ee uu siiyo janaral Canjeex hayda u
qaabilsan socdaalka ee safaarada maraykanka ee Nairobi lana
yidhaa INS,(immigration Naturalization service)
Kuna saabsanaa Dhibaatda ka keentay dalkiisa ee xaq u
siinaysay in uu tagi karo degina karo dalka Maraykanka ayuu u
sheegay in aan ku noqon karin somaliya oo uu sheegay in si
weyn wax yeelo loogu geystay, janaral canjeex dhibaato looma geysan ee isgaa
ku tuntay xuquuqdii dad maatiya oo aan waxba galabsan,waana been uu doonayey
in uu magangelyo kaga helo dalkaasi maraykanka
Janaraal ibraahim xasan canjeex Waxa uu si badheedh ah oo
aan waabasho lahayn uu isagu amar ugu bixiyay in Dhagta Dhiiga loo daro Dad
Shicib ah oo goor saq dhex ah laga soo qabqabtay Guryihii ay daganyeen,
Dadkaas oo badankoogu u dhashay Goboladii
Waqooyi(somaliland)isagoo Xasuuqa dadkaasi u Cuskaday Dhalashadood,
Hadaba Dhamaan Jahliyada somaliland ee ku nool dalkaasi
Maraykanka iyo ,Ururka somaliland forum waxa ay ugu baaqayaan dadkii ay
ehelka ahaayen dadkii la xasuuqay in ay dabagal ku sameeyan janaral canjeex oo
ay la tiigsadaan maxakamad loona cadeeyo dawlada maraykanka in uu magac
been ah uu shuruudaha ku buuxiyaya magaciisa saxdina yahay janaral Ibrahim
xasan canjeex , oo ka masuul ah xasuuq dad aan waxba galabsan oo lagu laayay
meel u dhow magaalada muqdisho,
Dhamaan mar kale wax la Ogeysiinaya Jahliyada dibada ee
somaliland Khasatan Jahliyada Maraykanka in Dhagar-qabe canjeex ay
Si midaysan ay ugu soo Ogan Dacwad
waxa isna dalkaasi ku dhuumanaya Colonel: Cali .X, Aaden,
Colonel:Cali Baranbaro,
iyo Colonel Siigayste, wax isna ku sugan sidaad la wada
socotaan Dhagar qabe Cali Samater, oo ahaa kii amarka ku bixiyay in
Dhulka lala simo magaalada caasimada ah ee hargeysa, laayeyna dad aan waxba
galabsan dalkaasi maraykanka ayaad mooda in uu hooy u noqoday dhamaan
Argagixisadii Rajiimkii Siyaad barre ee Xasuuqay dad aan waxba galabsan
oo kumanaan kun gaadhaya
waxa soo diyaariyay Abdiaziz Ahmed abdiaziz2@hotmail.com
|