|
Been ma sheegto taariikhdu, ma bukooto taariikhdu, mana baqato taariiikhdu PHOTOGRAPHED
BY ABDILAHI ABOKAR (ABDILAHI SHAAH)
Taalada Daljirka Dahsoon ee Hargeysa oo lagu soo bandhigay mid ka mida Diyaaradahii duqayey S/land 1988kii Waxa ay diyaaradani taariikh ma guuraan ah u noqonaysaa xasuuqii keligii taliskii hore uu kula kacay dalkan Somaliland, kuna xasuuqay shacbi aad u tiro badan oo aan waxba galabsan kuna baa biiyey dhulkan la simay dhamaan magaalooyiinkii Somaliland, Diyaaradani waxa ay ka mid tahay kuwii aay wadeen calooshood u shaqaystayaashii laga soo kireystay dalka koonfur Afrika si ay u baabiiyaan dhamaan shacbiga somaliland iyo dalka somalilandba.
Isla markaasna waxa ay waano iyo warcelin u tahay diyaarada halkan lagu soo bandhigay dadka maangaabka ah ee weli u hanqal taagaya Somaliweeyn bal inay in uun u damqadaan dadkoodii ay diyaaradani xasuuqday. Waxa kale oo ay taariikh ma guurto ah u noqonaysaa caruurtii yaryarayd markii uu xasuuqani dhacayey ama dhaltay ka dib, in ay ogaadaan sida loogu talo galay in dhamaan somaliland map ka aduunka laga saaro, oo dad iyo duunyaba cagta la mariyo, Indhahoogna ku arkaan diyaaradii dishay aabahii, hooyadii, walaalkii, walaashii,awoowgii, ayeeydii ama cid eheladiisa ka mid ah. |