SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Doodaha siyaasadu waxay ka turjumayaan horumarka ay Somaliland gaadhey ee in xukuumadu dhib soo korodhay u aragto may ahayn 

SDWO Press Release – London 19/07/04. - Sida aan ka wada war qabno waxa 18kii July soo saaray wareegto wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee somaliland Ismaciil Adan Cismaan.  Wareegtadaas oo uu ku xaaraantimaynayo kuna hor istaagayo doodahii dhowanahanba sida quruxda badan uga socday Somaliland ee ay ka qayb qaadanayeen sedexda xisbi, suldaanada iyo aqoonyahano kalaba. 

Arintani waxay noqotay wax aad loola yaabo, waxay dib u celisay dimoqraadiyadii iyo horumarkii aan ku faanaynay, waxay hor istaagtay xoriyatul qawlkii uu dastuurka qeexayey, waxay cabudhin ku samaysay muwaadinkii si nebedgelyo ah oo dimoqraadi ah oo habaysan afkaartiisa u cabiri lahaa,  waxay hor istaagtay laambadii yarayd ee u bidhantay shacbiga ee ay kaga qayb qaadan lahaayeen talo ka bixinta horumarka somaliland. 

Waxaan aad u dhaleecaynaynaa mowqifka ay xukuumadu iska taagtay doodaha caafimaadka qabay ee maalmahanba ka socday magaalada Hargeysa ee ay ku joojisay sii socodkooda.  Waxa xukuumada looga fadhiyaa bal inay soo bandhigto oo ay cadayso waxa ay ku sheegtay nabadgelyo darada ay keeni karto doodaha caafimaadka qaba ee noocan oo kale ah. Waxaan u aragnaa meel ka dhac weyn oo lagu sameeyay Dastuurkii dalka ee 97% u codeeyeen. 

Hadii laga dooday oo afkaaro kala duwan la isweydaarsaday oo xal loogu raadinayo sidii iyo habkii ugu quruxda badnaa ee looga tabaabushaysan lahaa kooxaha shirka somaliya uu uga socdo dalka Kiiniya waxay ahayd inay dowladu guubaabiso maadaama ay xukuumadu ku guuldaraysatay inay kulamo noocan oo kale ah soo qabanqaabiso ee may ahayn in la xaaraantimeeyo lana hor istaago.. 

Hadaba xukuumadu deganaansho la,aanteey sheegtay ee ay u mabnuucday iyadaa abuuraysa, sababtoo ah maadaama doodahani ay ku salaysanyahiin qodobada dastuurkuna dhigayo oo uu banaynayo kulamada noocan oo kale ahi joogsanmaayaan oo halgoodii bay ka sii socondoonaan ee xukuumadu talaabada ay qaado ayay ku xidhanaan doontaa nebadgelyo daradaasi ay sheegeen, wixii halkaas ka dhacana xukuumada ayaa denbigeeda dhabarka u ridandoonta. 

Gebogebadii xukuumada waxaan u soo jeedinaynaa in dalku meel fiican buu marayaa oo inta xabadii laga soo gudbay bay noqotay in la doodo oo la isa soo horfadhiisto oo qof waliba figradiisa soo bandhigo halkii hore qori caaradii loogu soo bandhigi jiray. Markaa dalka yaan deganaansho la,aan laga abuurin aanu qaadi karin una diyaar ahayn xiligan shirkii kiiniyi gebogebada ku dhowayahay, dadkana yaan dib loogu celin lana soo xasuusinin xiligii mugdiga ahaa ee Car Juuq dheh ee uu mudada dheer ku hayey taliskii hore ee dalka laga xoreeyay. 

Long Live Somaliland 

Guled Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO

Axmed Maxamed Yusuf  - Gudoomiye ku xigeenka SDWO 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE