Ninbaa laga hayaa (( Ragga laxaha sii
dhawrayoow dhaqasho waa geel)) oon uga socdo ninkii beel ku
kalsoonaayoow kaalay nagula walaaloow Xisbiyada xisbiyadaa
dhaqmaya maantee.
Sawirkani waa Somaliland iyo jawiga
dimuqraadiyeed ee maanta sida umada isbadalka u jecel ooga miisaan
badanyihiin kuwan beel beel nimada jecel waxaana la doonayaa in
aad u hiilisaan kafadan hiilka u baahan kii horumar rabaa ka
yimaado kafada beelaha kii aamusnaana ku soo biiro kafada
Xisbiyada.
inaga oo wali la kacaa kufayna
hanaankankii beelnimo ee ay ku soo hanaqaaday Jamhuuriyadan
dadaalka badan ee wakhtiyada adag soo martay, muddo dheer baa
laga joogaa ka dib markii la soo celiyay Somlailand mudadan oo
kor u dhaafaysa 12 sanno ayaa markii ugu horaysay ee loo badheedho
talaabo culus oo horumarkeeda leh isla markaana yeelankarta culays
aad u farabadan, waxay ahayd wakhti laga joogo muddo ku dhaw labo
sanno ka dib markii la hirgaliyay dastuur iyo nadimaam loo
dajiyay Jamhuuriyadda Somaliland, Dastuurkan xalaasha ahi
wuxuu xukunka gacanta u galinayaa shacabka isla markaana wuxuu
durkinayaa kaligii taliye oo dhan runtii in badan baa loo oomanaa
Dastuur ay umaddu ku kalsoontahay waayo muddo dheer baa laga
joogaa Somaliland ka dib markii gumaytuhu ka kacay hase ahaatee
waxaan odhan karaa waxay ka hoosaysay muddo ah 30sanno
bartii guumaystuhu kaga kacay. oo mararka qaarkood aad is odhan
karto 30sanno taariikhda dib ma uga jartaan hadana waxaad xasuusan
kartaa dadaalka ay ku jirtay Somaliland in ay dib u soo celiso
madaxbanaanida Dalkeeda iyo Dadkeedaba, taas oo ku tusinaysa
tayada dadka Somaliland oo maantana gaadhsiin kara Somaliland
meeshay higsanayso.
wakhtiyada is riixaya ayaa keenay in
maantana laga gudbo marxalad beelnimo isla markaana loo gudbo
marxalad dimuqraadinimo runtii anigu waxaan ku tilmaami karaa
in maanta loo gudbayo iftiin waayo shalay shirkii boorame (1993)
codkaaga waxaa maamulayay oday kaliya isla markaana u talinaya
adiga iyo qayrkaaba kuna hadlayay afka beeshaada maamulakaasi
beelaha ku dhisnaa waa mid aanu u mahadcelinayno intii uu
maamulayay dalka laakiin maanta waa laga gudbayaa oo maanta
adaa maamusha codkaaga una madaxbanaan duruufuhu ha dhinacsocdaane,
taas markaan leeyahay kuma koobayo wajiga siyaasadeed oo kaliya
laakiin waxaan tilmaamayaa in aad adigu (Shicib) aad awooda
leedahay laguna cabudhin karayn isla markaana aad leedahay Dastuur
hadaad si xalaala ugu hiiliso ku difaaci doona xuquuqdaadana
ilaalindoona taasi hadii la helo waxa loo gudbaa waa xaaladaha
barbar socda ee ay ka midka yihiin dhaqaalaha iyo sidii bal
dalkan ay usoo hiigsan lahaayeen Shirkadaha kala duwan ee aduunka
ka jira taasoo keeni doonta in dalku is furfuro dhaqaale ahaan.
waajibaad ayaa ku saaraan shicibyohow
wanaagsani waajibaadna waxa uu saaranyahay dawladda, Xisbiyada,
Gudida doorashooyinka iyo murashaxiinta Madaxweynaha iyo
kuxigeenada, hadaan u guda galo waajibaadka ku saaran waxaa
ka mid ah in bal maanta doorashooyinka socda in aad xaq u codayso
in aad xisbiyada kaad isleedahay tayo ahaan kanbaa dalka
hogaaaminaya in aad raacdo balse aanad u ololayn musuqmaasuq ,
qabiil, garasho, laaluush, IWM, su,aasha aan had iyo jeer
iswaydiiyaa waxay tahay siyaasigaa qabiil lagu raacaa tolow isagu
qabiil ahaan ma u hiilindoonaa dadkii qabiil ahaanta u raacay?
jawaabtan aad ayay ucaddahay waayo siyaasigu qabiilna maaha
habka uu ukacsan karo AWRKIISANA wuu u kacsanayaa, ka aad
musuqmaasuq ku raacdaana waxaa ku cad in ((LABA XAQDARRO KU
COLOOWDAY XAQQAY KUKALA BAYDHAAN)) oo hadhaw markaad adigu wanaag
raadiso isagu minjoxaabis buu raadindoonaa, nin baa yidhi
((CADIB TAYE NAFTAAADII YAANAY ADIGA KAA CABAN)) hadaad inta qodob
ee kor ku xusan raacdid adigaa iska laalay xuquuqdadii hadaba kaca
oo ku walaalooba xisbiyada iyo ajandahooda siyaasadeed, hana ku
walaaloobina beel iyo wixii la mida.
dawlada waajibbaa saaran ah in ay
adkayso Ammaanka oo ka marak kacaan in aanay faragalin
doorashooyinka oo ay u daayaan umadda maamulaysa isla markaana ay
suurtogaliyaan in ay ahaadaan heegan hormuud u ah umadda
Gudida doorashoyinka mid baa ku waajib
ah in ay ilaaliyaan xuquuqda dadka oo ay ka mid tahay xuquuqdoodu
hawsha wayn ee lagu aaminayna in ay sideeda u fuliyaan isla
markaana ay isku dayaan galdalooladii ka soo baxay doorashadii
dawladaha hoose waliba kuwii waawaynaa sida ku shubasho ka dhacday
goobaha qaar in aanay sinaba ku suurto galin in ay soo noqoto xaqa
iyo xuquuqda ilaaliya badsada goobaha ay ka dhacayso
doorashooyinku
Xasbiyadda qaranka mid baa ku waajiba
ah in ay ilaashadaan xuquuqdooda, in ay is ixtiraamaan, in ay isu
hibeeyaan kii laga helo maahee kan kalew waayoo intuba danta
qarankuun bay wadaan ka waantoobaa tii hore wixii idinka qabsaday,
gaysta goobaha muraaqibiin daacad ah hana gayn mid adiga laguu
adeegsado.
Ragga tartamaya mid baa ku waajib ah
u ololaysta si hufan ogow mid aanu wax ku siinayno ma jiro
waxan baan ahaan jiray, se waxaanu wax idinku siinaynaa sida
aad usoo bandhigtaan ajandaha lagu hogaaminayo Dalka kiinii keena
hadal ku dirir lagu weerarayo kan kale ogow miisaaniyad maad
korodhsane waad iska riday.
ugu danbayn waajibka dhammaantiin
saaran baa waxay tahay xagee lagu arkay dal inta kunool ruboceed
((sadexmeelood meel)) codaysaa?? doorashadii hore waynu ogayn
oo waxaa codeeyay guud ahaan dalka oo dhan 440000kun oo qof maaxaa
keenay dadka tiradoodu yartahay in ay codeeyaan? baadha suaasha ma
cidhiidhi goobaha ka dhashayaa? ma xad la xadeeyey codkaa?
tusaale Magaalada Hargaysa 10sanno ee u danbaysay waxaa magaalada
ku biiray dhismaheeda in ku dhaw rubuc markii hore say ahaan
jirtay 3/1 papulationka ama umadda hargaysa dagan intee lagu
qiyaasi karaa markaa isla markaana Hargaysa oo ah Caasimadda
dalka iyo Gobolkaba, waxa weeye qurba jooge iyo ajanabiba waa mid
lala yaabay guubaabadeedu waxay saarantahay DADKA, DAWLADA,
XISBIYADDA, GUDIDADADOORASHOOYINKA iyo
hayadaha madaxabanaan ee barbarsocda
doorashooyinka.
midbaan ku darsnayaa siyaasiyiinta
madaxabanaan ee maanta meelna lagu tirin, in bal ay taageeraan
xisbiyada xataa hadii aanay u arkin in aanay ka helayn Kursi
Xisbina, dadkii aan codayn tii horena midbaan kula dardaarmayaa
waad ogtihiin oo doorashadii hore say udhacday baa dalka lagu
maamulaa markaa hadaad aamusto kan codeeyay codkiisuunbaa
hirgalaya, hadaba codeeya oo codkaagu yaanu noqon mid aad la
aamustay waxay keenaysa taasi in dalka gudihiisa dadka jooga
qiyaas laga qaadan karo doorashadii hore may ahayn mid laga
qiyaasqaato..
intaas oo qodob
ku Dadaala Daayinkaa idinla qaban Daacadna ahaada
WABILLAAHI TOWFIIQ
guul iyo
gobonimo Somaliland
Cumar Cabdi Nuux