SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Somaliland iyo xaalada maanta

Cumar Cabdi Nuux - Finland

Ninbaa laga hayaa (( Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geel)) oon uga socdo ninkii beel ku kalsoonaayoow kaalay nagula walaaloow  Xisbiyada xisbiyadaa dhaqmaya maantee.
 
Sawirkani waa Somaliland iyo jawiga dimuqraadiyeed ee maanta sida umada isbadalka u jecel ooga miisaan badanyihiin kuwan beel beel nimada jecel waxaana la doonayaa in aad u hiilisaan kafadan hiilka u baahan kii  horumar rabaa ka yimaado kafada beelaha kii aamusnaana ku soo biiro kafada Xisbiyada.
 
inaga oo wali la kacaa kufayna hanaankankii beelnimo ee ay ku soo hanaqaaday Jamhuuriyadan dadaalka badan ee wakhtiyada adag soo martay, muddo dheer baa laga joogaa ka dib markii la soo celiyay Somlailand mudadan oo kor u dhaafaysa 12 sanno ayaa markii ugu horaysay ee loo badheedho talaabo culus oo horumarkeeda leh isla markaana yeelankarta culays aad u farabadan, waxay ahayd wakhti laga joogo muddo ku dhaw labo sanno ka dib markii la hirgaliyay dastuur iyo nadimaam loo dajiyay Jamhuuriyadda Somaliland, Dastuurkan  xalaasha ahi wuxuu xukunka gacanta u galinayaa shacabka isla markaana wuxuu durkinayaa kaligii taliye oo dhan runtii in badan baa loo oomanaa Dastuur  ay umaddu ku kalsoontahay waayo muddo dheer baa laga joogaa Somaliland ka dib markii gumaytuhu ka kacay hase ahaatee waxaan odhan karaa waxay ka hoosaysay muddo ah 30sanno bartii guumaystuhu kaga kacay. oo mararka qaarkood aad is odhan karto 30sanno taariikhda dib ma uga jartaan hadana waxaad xasuusan kartaa dadaalka ay ku jirtay Somaliland in ay dib u soo celiso madaxbanaanida Dalkeeda iyo Dadkeedaba, taas oo ku tusinaysa tayada dadka Somaliland oo maantana gaadhsiin kara Somaliland meeshay higsanayso.
 
wakhtiyada is riixaya ayaa keenay in maantana laga gudbo marxalad beelnimo isla markaana loo gudbo marxalad dimuqraadinimo runtii anigu waxaan ku tilmaami karaa in maanta loo gudbayo iftiin waayo shalay shirkii boorame (1993) codkaaga waxaa maamulayay oday kaliya isla markaana u talinaya adiga iyo qayrkaaba kuna hadlayay afka beeshaada maamulakaasi beelaha ku dhisnaa waa mid aanu u mahadcelinayno intii uu maamulayay dalka laakiin maanta waa laga gudbayaa oo maanta adaa maamusha codkaaga una madaxbanaan duruufuhu ha dhinacsocdaane, taas markaan leeyahay kuma koobayo wajiga siyaasadeed oo kaliya laakiin waxaan tilmaamayaa in aad adigu (Shicib) aad awooda leedahay laguna cabudhin karayn isla markaana aad leedahay Dastuur hadaad si xalaala ugu hiiliso ku difaaci doona xuquuqdaadana ilaalindoona taasi hadii la helo waxa loo gudbaa waa xaaladaha barbar socda ee ay ka midka yihiin  dhaqaalaha iyo sidii bal dalkan ay usoo hiigsan lahaayeen Shirkadaha kala duwan ee aduunka ka jira taasoo keeni doonta in dalku is furfuro dhaqaale ahaan.
 
waajibaad ayaa ku saaraan shicibyohow wanaagsani waajibaadna waxa uu saaranyahay dawladda, Xisbiyada, Gudida doorashooyinka iyo murashaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenada, hadaan u guda galo waajibaadka ku saaran waxaa ka mid ah in bal maanta doorashooyinka socda in aad xaq u codayso in aad xisbiyada kaad isleedahay tayo ahaan kanbaa dalka hogaaaminaya in aad raacdo balse aanad u ololayn musuqmaasuq , qabiil, garasho, laaluush, IWM, su,aasha aan had iyo jeer iswaydiiyaa waxay tahay siyaasigaa qabiil lagu raacaa tolow isagu qabiil ahaan ma u hiilindoonaa dadkii qabiil ahaanta u raacay?  jawaabtan aad ayay ucaddahay waayo siyaasigu qabiilna maaha habka uu ukacsan karo  AWRKIISANA wuu u kacsanayaa, ka aad musuqmaasuq ku raacdaana waxaa ku cad in ((LABA XAQDARRO KU COLOOWDAY XAQQAY KUKALA BAYDHAAN)) oo hadhaw markaad adigu wanaag raadiso isagu minjoxaabis buu raadindoonaa, nin baa yidhi  ((CADIB TAYE NAFTAAADII YAANAY ADIGA KAA CABAN)) hadaad inta qodob ee kor ku xusan raacdid adigaa iska laalay xuquuqdadii hadaba kaca oo ku walaalooba xisbiyada iyo ajandahooda siyaasadeed, hana ku walaaloobina beel iyo wixii la mida.
 
dawlada waajibbaa saaran ah in ay adkayso Ammaanka oo ka marak kacaan in aanay faragalin doorashooyinka oo ay u daayaan umadda maamulaysa isla markaana ay suurtogaliyaan in ay ahaadaan heegan hormuud u ah umadda
 
Gudida doorashoyinka mid baa ku waajib ah in ay ilaaliyaan xuquuqda dadka oo ay ka mid tahay xuquuqdoodu hawsha wayn ee lagu aaminayna  in ay sideeda u fuliyaan isla markaana ay isku dayaan galdalooladii ka soo baxay doorashadii dawladaha hoose waliba kuwii waawaynaa sida ku shubasho ka dhacday goobaha qaar in aanay sinaba ku suurto galin in ay soo noqoto xaqa iyo xuquuqda ilaaliya badsada goobaha ay ka dhacayso doorashooyinku
 
Xasbiyadda qaranka mid baa ku waajiba ah in ay ilaashadaan xuquuqdooda, in ay is ixtiraamaan, in ay isu hibeeyaan kii laga helo maahee kan kalew waayoo intuba danta qarankuun bay wadaan ka waantoobaa tii hore wixii idinka qabsaday, gaysta goobaha muraaqibiin daacad ah hana gayn mid adiga laguu adeegsado.
 
Ragga tartamaya mid baa ku waajib ah  u ololaysta si hufan ogow mid aanu wax ku siinayno ma jiro waxan baan ahaan jiray, se waxaanu wax idinku siinaynaa sida aad usoo bandhigtaan ajandaha lagu hogaaminayo Dalka kiinii keena hadal ku dirir lagu weerarayo kan kale ogow miisaaniyad maad korodhsane waad iska riday.
 
ugu danbayn waajibka dhammaantiin saaran baa waxay tahay xagee lagu arkay dal inta kunool ruboceed ((sadexmeelood meel)) codaysaa?? doorashadii hore waynu ogayn oo waxaa codeeyay guud ahaan dalka oo dhan 440000kun oo qof maaxaa keenay dadka tiradoodu yartahay in ay codeeyaan? baadha suaasha ma cidhiidhi goobaha ka dhashayaa? ma xad la xadeeyey codkaa?  tusaale Magaalada Hargaysa 10sanno ee u danbaysay waxaa magaalada ku biiray dhismaheeda in ku dhaw rubuc markii hore say ahaan jirtay 3/1 papulationka ama umadda hargaysa dagan intee lagu qiyaasi karaa markaa isla markaana Hargaysa oo ah Caasimadda  dalka iyo Gobolkaba, waxa weeye qurba jooge iyo ajanabiba waa mid lala yaabay guubaabadeedu waxay saarantahay DADKA, DAWLADA, XISBIYADDA, GUDIDADADOORASHOOYINKA iyo
hayadaha madaxabanaan ee barbarsocda doorashooyinka.
 
midbaan ku darsnayaa siyaasiyiinta madaxabanaan ee maanta meelna lagu tirin, in bal ay taageeraan xisbiyada xataa hadii aanay u arkin in aanay ka helayn Kursi Xisbina, dadkii aan codayn tii horena midbaan kula dardaarmayaa waad ogtihiin oo doorashadii hore say udhacday baa dalka lagu maamulaa markaa hadaad aamusto kan codeeyay codkiisuunbaa hirgalaya, hadaba codeeya oo codkaagu yaanu noqon mid aad la aamustay waxay keenaysa taasi in dalka gudihiisa dadka jooga qiyaas laga qaadan karo doorashadii hore may ahayn mid laga qiyaasqaato..
                      intaas oo qodob
                                     ku Dadaala Daayinkaa idinla qaban Daacadna ahaada
 
                                   WABILLAAHI TOWFIIQ
     guul iyo gobonimo Somaliland   
 
                                          Cumar Cabdi Nuux
                                        calaydh2@hotmail.com HelsinkiFinland          

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE