Kiciddii iyo Kufiddii
Aragtida Somaliweyn
(The Rise and Fall of Greater Somalia Theory)
Waxaa
qoray: Ibrahim Xasan Gagaale.
Somalidu waxay ka mid ahayd dadyowgii Afrika ee gumeysiga Reer Yurub qabsaday
dhammaadkii qarnigii 19aad. Somalida oo loo kala qaybiyey shan (5) meelood,
waxa loo kala qabsaday sidatan: Somaliland iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxaa
saami ahaan u helay Ingiriiska (1884-85), dibna Ingiriisku ka siiyey Kenya N.F.D
(1963) , Koonfurta waxaa qaatay Talyaaniga (1889), Jabuuti waxay gacanta u
gashay Faransiiska (1862-1885), Somali-Galbeedna waxa ku tuun-tuunsatay Itoobiya
(1889), dibna Hawd Ingiriisku ka siiyey Itoobiya (1954). Kacdoonkii
diiniga ahaa ee Moxamed Cabdulle Xasan (1900-1920) kadib, Somalidu waxa kale oo
ay ka mid ahayd, meel kastaba ha joogtee, Afrikadii baraarugtay badhtamihii
Dagaalkii 2aad ee Adduunka (1943-45).
Axsaabtii siyaasadda ee
baraarugaas ka dib u dhalatay xorraynta iyo midaynta 5ta Somalida, labadii ugu
weynaa waxay ahaayeen: S.Y.L oo laga asaasay Gobolkii Koonfur sanadkii 1943 iyo
S.N.L oo laga asaasay Gobolkii Waqooyi sanadkii 1947.
Halgamadaas gobonimadoonka Somaliyeed waxay dhammaantood ka midaysnaayeen
Aragtida Somaliweyn oo ahayd in la xorryeeyo, la mideeyo, hal calan iyo hal
dawladna la hoos keeno 5ta Somaliyeed .
Somaliland waxay ahayd dalkii ugu
horreeyey ee Somaliyeed oo gobonimada qaatay June 26, 1960, ummadda Somalilandna
waxay ahayd dadkii ugu horreeyey ee kaga dhabeeya kicinta iyo hirgelinta
Aragtida Somaliweyn markii ay la midoobeen Koonfurta Somalia 1dii July, 1960,
lana abuuray Jamhuuriyaddii ugu horreeysey ee Somalida.
Labada dhinac ee isku darsaday waxaa ra`iisal wasaare ka kala ahaa Moxamed Xaaji
Ibrahim Cigaal (Gobolkii Waqooyi) iyo Cabdullaahi Ciise (Gobolkii Koonfur).
Aragtidanu waxay ficil ahaan iyo figrad ahaanba u jirtey intii u dhaxaysey
1943-1960, balse wixii ka dambeeyey 1960, Aragtida Somaliweyn wey sii
burbureysey maalin maalinta ka dambaysa, waxaana god dheer lagu ridey intii u
dhaxaysey 1970-1990.
Haddaba, maxa dhacay, yaa ka mas`uul ahaa burburinta midnimadii labada gobol iyo
kufinta Aragtidii Somaliweyn? Si aan jawaab sax ah ugu helno su`aashaas,
bal aan derisno taariikhda dhabta ah ee 30kii sano ee israaca (1960-1990).
Dawladihii iskaga dambeeyey
xukunka Jamhuuriyadii Somalia ayaa iyaga oo
qaba qabweyni iyo keli-talisnimo, jaahilna ka ahaa qimaha midnimada, markiiba ku
tuntay xukun-wadaagii Koonfur iyo Waqooyi, arrimaha soo socda awgood.
Intii u dhaxaysey 1960-1967, waxaa madaxweyne ahaa Adan Cabdulle Cosman oo Reer
Koonfur ahaa, waxaanu ra`iisal wasaare u kala doortay Cabdirasheed Cali
Sharma`arke (1960-1964) iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (1964-1967) oo
labaduba Reer Koonfur ahaa; baarlamaankiina si xad dhaaf ah ayey Koonfurtu u
boobtay. Mar labaad ayey Koonfurtu qaadatay madaxweynihii (967-1969), kaas
oo ahaa Cabdirasheed Cali Sharma`arke, waxaanu ra`iisal wasaare u doortay
Moxamed Xaji Ibrahim Cigaal oo Reer Waqooyi ahaa.
Siyaad Barre oo isna Koonfur ahaa ayaa isaga oo ka faa`iideysanaya dilkii
Cabdirasheed oo ahaa 15 kii Oktoobar 1969, kana xumaa jagada Cigaal, afgembi
milatari ku qabsaday dalkii 21kii, 1969. Duudsigaas iyo boobka
dawladnimada ee ku dhacay Reer Waqooyiga waxa uu noqday warankii ugu horreeyey
ee ku dhaca
midnimada labada gobol iyo Aragtida Somaliweyn.
Markii intaasu dhacday, Reer Waqooyigu waxa uu isku-ciilkaambiyey
dawladnimada sida fudud ee degdegga ahayd loogu loogey Koonfurta.
Dhammaan xukuumadihii iskaga dambeeyey Jamhuuriyaddii Somalia, waxay ula
dhaqmeen Gobolladii Waqooyi sida gobol ka tirsan Koonfurta sida Bakool ama
Hiiraan oo kale, waxayna iska-indhatireen xaqiiqada ahayd in ay israaceen laba
dawladood oo siman, waajibna ay ahayd in la wadaago xukunka si loo ilaaliyo
midnimada loona
soo jiito gobolladii maqnaa oo hiigsanayey Aragtida
Somaliweyn.
Duudsigii ugu weynaa xagga dawladnimada waxa uu ku dhacay Gobolladii Waqooyi
xilligii keli-taliyihii Siyaad Barre oo awoodda dalka oo dhan gacan bir ah ku
haystey muddo 21 sano ah (1969-1990), kana dhigay maqaar-saar madaxdii Reer
Waqooyiga. Siyaad Barre oo ahaa askari aqoon-gaab ah, Talyaanigu u
dallacsiiyey
sarkaal boolis ah sanadkii 1954, waxa uu ahaa qabiliiste ma naxe ah. Si uu
dadka u cabbudhiyo loogana baqo xukunkiisa, waxa uu markiiba dhegta dhiigga u
daray: Moxamed Caynaashe, Salaad Gabarrey iyo Cabdulqaadir Dheel sanadkii 1971.
Waxa uu muddo yar kadib il-nacab
ku eegay dadka Isaaqa oo ugu indheer-garad badnaa Somalida isagoo u arkayey inay
markiiba fahmeen ajandihiisa qarsoon ee
keli-talisnimada qabiilka ku dhisan. Si uu uga gaashaanto loolanka kaga
soo fool lahaa Isaaqa, ayaa waxa uu u baaqay Absamihii deganaa Somali-Galbeed,
siiba qabiilka Ogaadeenka, si ay u difaacaan Taliskiisa, una oggolaaday inay
dalka soo degaan, dawladnimadana ka qaybgalaan si sharcidarro ah, arrintaas oo
mamnuuc ka ahayd dalka Siyaad ka hor.
Siyaasaddaas oo ku dhisnayd Daaroodiism, ahaydna khiyaamo weyn oo laga galay
qaran xor ah, waxay dhaawac weyn u geysatey dawladnimadii iyo wadaninimadii
Jamhuuriyaddii Somalia, iyadoo qaxootigii laga dhigay wadani, wadanigiina laga
dhigay qaxooti. Waxaa dadkaas lagu taxay darajadii iyo jagooyinkii laga
boobay dadkii waddanka lahaa, lagana dhigay xubno baarlamaan, wasiiro,
danjirayaal, janano, guddoomiyaal iyo maamulayaal si ay u difaacaan
Taliskii dhiig-yacabka ahaa ee Siyaad Barre.
Dhawr haddaan tusaale u soo qaato,
waxaa ka mid ahaa: S/Guuto Bile Rafle Guuleed, oo mar guddoomiye ka kala ahaa
Togdheer iyo Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Afar-jeeble oo mar guddoomiye ka ahaa
gobolkii W/Galbeed, S/Guuto Siyaad Daa`uud, oo mar taliye ka ahaa Qaybtii 26aad,
iyo kuwii kale ee faraha badnaa.
Dadkaas Siyaad Barre ka soo barakiciyey dalkoodii, ha ahaadeen madax, ciidan iyo
dadweynaba, waxay garanwaayeen inay dalka marti ku ahaayeen, waxay garanwaayeen
in Taliskii Siyaad Barre uu ku dhisnaa dulmi iyo keli-talisnimo soo dedajiyey
burburkiisa, mudnayna in la difaaco.
Intaas intay garanwaayeen ayey
qabiil ahaan ula safteen xilligii dagaallada sokeeye, Waqooyi iyo Koonfurba,
eedweyna ka galeen dadkii dalka lahaa, kuna wacad fureen abaalkii loo galay ee
soo dhaweynta. Madaxdii iyo saraakiishii Somali-Galbeed oo intooda badan
loo bedelijirey Goballadii Waqooyi siiba kuwa Isaaqu dego, waxay intii u
dhaxaysey 1970-1980 dadweynaha si fool-xun ugu cabiidiyeen Taliskii Siyaad Barre,
qayb weyna ka qaateen dejintii boqolaal kun ee qaxootigii u badnaa Absamaha.
Dadkaas oo iyaga oo qaxaya guuraha
ku soo galay Gobolkii Waqooyi Galbeed intii u dhaxaysey 1978-1982, waxaa qasab
lagu dejiyey Hargeysa guudkeeda iyo inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa si
loogu dal-ballaadhiyo Daaroodka, loona diiday in xuduudda la dejiyo.
Dadka Isaaqu markii ay arkeen sida
loo duudsiyey qaybtii ay ku lahaayeen dawladnimada, boqolaal kun oo qaxooti ahna
siyaasad ahaan loo soo dejiyey dhulkoodii la tashi la`aan, muddo dheerna dheg
loo dhigiwaayey tabashadooda, loona diiday inay si nabadgelyo ah ku
muujiyaan dhibaatooyinkii haystey, ayaa waxay go`aansadeen inay halgan hubaysan
kala hortagaan halistii weyneyd ee soo foodsaartay, taas oo ahayd iyada oo qarka
loo saarnaa dhaxal-wareeg dal iyo qaran
-guur ummad. Go`aankaas waxaa lagu abuuray Ururkii SNM ee xaq u dirirka
ahaa sanadkii 1981, waxaana markiiba dagaal hubaysan oo aan kala go`lahayn
lagu
qaaday huwantii sida cadawtinimada leh isugu bahaysatay dadka iyo dalka,
kuwaas oo kala ahaa:
ciidamadii Koonfurta (Somalia), jabhaddii Somali-Galbeed iyo jabhaddii Abooga.
Dagaalkaas oo ahaa kii ugu dheeraa uguna dhibaatada badnaa ee soo mara
Gobolladii Waqooyi, waxa uu xoogiisu socdey intii u dhaxaysey 1982-1990. Bishii
May 1988, ayaa Ururka SNM duullaankii ugu weynaa ku qaaday huwantii Taliskii
Siyaad, uguna galay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Duullaankaas oo aad u wiiqay una burburiyey awooddii is-bahaysatadii Moqadisho,
waxa Siyaad Barre ugu jawaabey inuu diyaaradaha dagaalka, taangiyada iyo
madaafiicda goobta ku gumaado dadweynihii Isaaqa, ku burburiyo magaalooyinka
waaweyn, kuna barakiciyo hambadii dadka oo u qaxday Itoobiya. Hujuumkaas
SNM
oo Siyaad Barre ku waayey awooddii ciidamadiisa iyo jabhadihii ka garab
dagaallamayey, waxa uu markiiba ku dhaqaaqay hubaynta xeryihii qaxootiga
Absamaha iyo qaybo ka mid ah beelihii Waqooyi wax ka deganaa.
Dabadeed hadhaagii huwantii, raaf badan oo laga keenay Koonfur, qaxootigii,
beelihii iyo SSDF (Dhafoor-qiiq lagu soo geliyey Daaroodism, raalli-gelin
ahaanna
loogu bedalay Gobollada Isaaqu dego si ay wax uga xukumaan waxna uga soo boobaan)
ayaa markiiba ku dhaqaaqay xasuuqidda, boobka, fara-xumaynta iyo
macaluulinta dadweynihii ku sii hadhsanaa magaalooyinka sanadihii 1988-1990.
Habeenkii inta dadka lala baxo ayaa si wadar ah loogu gawricijirey
magaalooyinka guudkooda dabadeedna xabaalweyn lagu duugijirey, xabsiyadii
Waqooyi ayaa si xad dhaaf ah loogu gurijirey sabab la`aan.
Qayb ka mid ahayd madaxdii
Taliskii Siyaad Barre waxay dadka qaar ku dagaal-gelinjirtay in Isaaqa la
tirtirayo, dhulkoodana, gobolkii W/Galbeed la dejinayo Qaxootigii Absamaha,
Hartiguna ku kala fidayo Sanaag iyo Togdheer.
Bishii July 1989, 46 qof oo rayid
ah oo Reer Waqooyi ah ayaa saq dhexe lagu gawracay Xeebta Gasiira ee duleedka
Mogadisho, dad aad u fara badanna
loo taxaabay xabsiyadii Xamar, sanadkaas oo dadweynihii Xamar u bixiyey Sanadkii
Isaaq Boobka.
Dembiyadaas culus ee laga galay dadka u badan Somaliland, waxaa amridooda ka
ma`suul ahaa: Siyaad Barre, Cali Samatar, Adan Gabyow, Moxamed Gaani Xaashi
iyo Moxamed Saciid Morgan.
Halgankii hubaysnaa ee Ururka SNM, oo shacabkiisu hiil iyo hooba heegan
ula ahaa, waxa uu dadka iyo dalkaba ka xorreeyey Taliskii dhiig-yacabka ahaa
bishii January 1dii, 1991, kana badbaadshey dadka Isaaqa dhaxal-wareeg dal iyo
qaran-guur ummad, isla markiibana qaxootiyadii ka eryey dalka oo dhan.
Kadib markii Ururkii SNM naafeeyey
awooddii milateri ee Taliskii Siyaad Barre, ciidan iyo qalabba, intii u
dhaxaysey 1982-89, ayaa waxa u suurtogashay Hawiyaha
inay asaasaan Ururkii hubaysnaa ee USC sanadkii 1989, dabadeedna si fudud cagta
u mariyaan Taliskii Siyaad ee sii dhacayey, kana eryaan Siyaad Barre Xamar
January 26, 1991. Maalmo yar kadib, Cali Mahdi, oo aan ka muuqan
halgamadii hubaysnaa, ayaa xukunkii dalka oo dhan boobay Feb.1991, sheegtayna
madaxweyne isagaan la tashan Reer Waqooyiga ama Koonfur inteeda kale. Cumar
Carte Qaalib ayaa noqday ra`iisal wasaarihii dawladdii Abgaal ee waqooyiga
Mogadisho, Cabdiraxmaan Axmed Calina waxa uu noqday madaxweyne-ku-xigeenkii
dawladdii Habargidir ee koonfurta Mogadisho oo uu madaxweyne ka ahaa Moxamed
Farah Caydiid. Hawiyuhu waxa uu u haystey in shakhsiyaad ay keenikaraan
dadka iyo dalka Somaliland Xamar.
Xukun kala boobkaas USC waxa uu
dhashey in awooddii USC kala jabto , karti u weydo inay Koonfur gacanta ku
dhigto, lagana dhaxlo dagaallo sokeeye oo
aan damin. Ururkii hubaysnaa ee Majeerteenka, SSDF, isagu waa uu
fashilmay sababta oo ah ma lahayn siyaasad qeexan ee Halgan oo lug waxaa
uu kula jirey
caadifadii Daaroodisamka ee Mogadisho, lugta kalena waxa uu kula jirey shirqool
uu isku baaba`shey, markii dambana waxaa laga horgeeyey halgamadii SNM iyo USC.
Fashilaadaas SSDF waxa ku dhammaatay cabsidii Hawiyuhu muddo dheer ka
qabey Maajeerteenka oo ahayd Majeerteen iyo madax-madow ayaa isle`eg. Labadii
duullaan ee Daaroodku ka soo kala qaaday magaalada Kismayo bilihii Abriil ee
1991 iyo 1992, oo Majeerteenku xoog ku lahaa, Hawiyuhuna labadaba ku jebiyey
duleedka Moqdisho, waxay dadka Hawiyaha u sii muujjiyeen in Majeerteenku yahay
qabiil caadi ah sida Habargidir ama Abgaal.
Dadka Reer Waqooyigu, oo ka koobnaa beelaha Somaliland oo dhan, markii ay arkeen
duudsigii, dulmigii iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay 30kii sano ee israaca,
haddana Koonfurtu si kas ah u boobtay madaxweynihii dhiciddii Siyaad ka dib,
ayaa waxay magaalada Burco ku go`aansadeen bishii May 1991 inay gobonimadoodii
iyo dawladnimadoodii kala soo noqdaan Somalia (Koonfurta) lana baxaan
Jamhuuriyadda Somaliland.
Ummadda Jabuuti oo xorrowdey June 27, 1977, waxay go`aan ku gaadhay inay gooni
isu taagto ka dib markii ay aragtay duudsiga iyo dulmiga lagu sameeyey
Reer
Waqooyiga intii u dhaxaysey 1960-1977. Go`aankaas Jabuutina waxa uu
noqday warankii labad ee ku dhaca Aragtidii Somaliweyn. Haddaba, sidaas
ayey taariikhda
ugu caddahay in Somalia (Koonfurta) iyo Somali-Galbeed toos uga mas`uul
ahaayeen burburinta midnimadii Jamhuuriyadii Somalia, didinta Jabuuti iyo
kufinta Aragtida Somaliweyn. Cadawga kowaad ee loo adeegsaday burburinta
Aragtida Somaliweyn waxa uu ahaa qabyaalad. Maantana, waa yaabe, waxaa
midnimo iyo
Somaliweyn u qaylinaya Somalia (Koonfurta) iyo Somali-Galbeed oo ah labadii
burburiyey midnimadii labada gobol kufiyeyna Aragtida Somaliweyn ee ahayd in
5ta Somaliyeed la wada hoos keeno hal calan. Somalia waaba la gartay
oo waa wadan xor ahee, bal maxay sida ay xor tahay Somali-Galbeed kula
shir iman lahayd
midnimada ay u qaylinayso? Midna midnimo jacayl kama aha, waxa keliya ee
ay rabaan waxa weeye inay helaan fursad labaad oo ay ku xukumaan kuna boobaan
dal iyo dad aanay u dhalan (Somaliland).
Dadka Somaliland waxa uu aad uga
digtoonyahay in arrimahaasu dhacaan
mar kale. Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin in 5ta Somaliyeed
aan la kala xigin oo qofka Somaliyeed marba midda uu rabo dego waxna ka xukumo
maadaama Somalidu wadaagto: dhaqan, diin, af iyo midab.
Figraddan waxba kama jiraan, waana arrin halis ku ah qaranimada iyo dawladnimada
dal kasta oo Somaliyeed, waayo waxay horseedaysaa sumaad la`aan qaran iyo astaan
la`aan dal, waana fawdadii jirijirtey intii u dhaxeysey 1970-1990. Somalidu kama
duwana 18 ka dal ee Carbeed kuna kala dhaqan Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe,
iyo 21 ka dal ee Laatiin Ameerika kana midyihiin Peru, Bolivia, Panama, iwm.
Labadan kooxood, qaybkasta waxay
wadaagtaa: dhaqan, diin, taariikh, af iyo midab, oo dalna dadkiisu kuma
xad-gudbaan dawladnimada iyo dhulka dadka kale.
Dalka Somaliland waxaa iska leh
dadkiisa oo taariikh ahaan, dhalasho ahaan iyo asal ahaan ka tirsan
Somaliland iyada oo aan loo kala saarayn beel-beel balse loo aqoonsan yahay
ummad isku dan iyo dal ah oo leh xuduud qeexan iyo qaran suntan. Dadka ka
imanaya Somalia, Jabuuti, Somali-Galbeed ama adduunweynaha kale, ha u yimaadeen
booqoasho, ganacsi, shaqo amaba xoolo soo iibgeyn, waa inay xuduudda, garoomada
diyaaradaha iyo dekadaha ka soo qaataan dal-ku-gal
waqti ku eg, ciddii ku xad-gudubtana sharciga lala tiigsadaa si loo ilaaliyo
nabadgelyada, madaxbanaanida iyo lahaanshaha gaar ahaaneed ee Somaliland. Xukunka,
maamulka iyo difaaca Somaliland waxaa iska leh oo qudha ummadda Somaliland.
Dal iyo dadtoona kama dhaxeeyaan 5ta Somaliyeed. Waxaa ka
dhaxaynkara waa xidhiidh wanaagsan, walaaltinimo iyo iskaashi ku
dhisan ixtiraam laba dhinacle ah.
Waxaa qoray: Ibrahim Xasan Gagaale.
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
(January 23, 2003).