Waraysi Khaas ah Abwaan
Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi)
“Mar Walba anigu midnimada
Soomaalida ayaan u taaganahay, balse ma rumaysni in aragtidii siyaasiga ahayd
ee lagu kala kexeeyey mar dambe lagu midayn doono” waraysi khaas ah: Abwaan
Hadraawi.
Burco(Jam)- Hal-abuurka caanka
ah Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Warsame
(Hadraawi)
ayaa markii u horreysay faah-faahin ka bixiyey mowqifkiisa ku wajahan aragtida
midnimada Soomaali-weyn, iyo socdaalkiisii dheeraa ee Bil iyo dheeraadka
qaatay oo dhawaan uu ku soo maray gobolada koonfurta iyo Bariga dalka
Soomaaliya.
Abwaan Hadraawi oo dhawaan ku
soo laabtay Magaalada Burco markii uu soo dhamaystay safarkiisa dheeraa oo uu
ku magacaabay “Socdaalka Nabadda Soomaaliya, ayaa waxa waraysi khaas ah la
yeeshay Weriyaha Jamhuuriya ee Burco, Keyse Axmed Digaale. Waraysigaas oo
Hadraawi kaga jawaabay su’aalo xiise badan oo dhinac kala duwan wax laga
waydiiyey, waxa uu dhacay sidan:
Wariya Kayse: Hadraawi, bal ugu
horreyn waxaad ka warantaa ujeeddada ugu weyn ee aad ka lahayd socdaalka
dheeraa ee wakhtigan aad ugu ambabaxday kuna soo martay gobollada koonfurta
dalka Soomaaliya.?
Hadraawi: Ujeeddada aan ka lahaa
waxay ahayd in aan raalligeliyo dareenkayga, fuliyo waajib waafaqsan
mabda’ayga.
Muddo 22 sannadood ka badan
ummad ay iigu dambsay oo aan hubay in ay I tabaysay ama I tirsanaysay aan
dhextago, la soo ogaado waayahooda, xaaladaha haysta, si aanay iigu jidoobin
xujada odhanaysa in aan ku ekaaday halkii aan ku dhashay.
Wariya Kayse: Safarkaagan aad ku
soo martay gobollada koonfurta Soomaaliya, ma mid adiga kaa dhashay buu ahaa
mise cid kale ayaa soo qabanqaabisay?
Hadraawi: Waxa hubaal ah oo aan
shaki ku jirin in ay taasi ahayd mid iga dhalatay iguna koobnayd aniga, balse
u baahnayd in gacan la iga siiyo, cidda kale ee igu soo biirtayna waxay ahayd
ciddii iga kaalmaysay gudashada waajibka ah, kuwaas oo ahaa 29 urur bulsheed
oo ku bahoobay (INXA), Ilaalinta Nabadda iyo Xuquuqal-aadamaha.
Wariya kayse: Socdaalkaaga
waxaad ugu magac-dartay “Socdaalkii Nabadda,” balse dad badani waxay ku
tilmaameen in arrimo siyaasadeed ku hoos jireen, taas maxaad ka odhan lahayd?
Hadraawi: Socdaalkaygu wuu
Soomaaliyeysnaa ee muu siyaasadaysnayn.
Weriya K: Intii aad socdaalkaaga
ku gudo jirtay maxay ahaayeen arrimihii kuugu yaabka badnaa ee aad la kulanto?
Hadraawi: Wixii iigu yaabka
badnaa waxaan ku arkay magaalada Muqdisho, oo ay yaalaan toddoba Idaacaddood,
kuwaasi oo subaxdii marka la soo tooso qofna aanu hawlihiisa subaxnimo soo
qabsan Karin ilaa uu wada dhegeysto Idaacaddahaas oo dhan dhammaantood, si uu
u ogaado wixii waa ku beryey.
W Kayse: Dad badan oo reer
Somaliland ahi waxay tilmaameen in aad aaminsantahay fikradda Soomaali-weyn,
taa maxaa ka jira?
Hadraawi: Cid waliba taas way
aaminsanayd ee markii ujeeddadii laga lahaa lagu hungoobay ayey burburtay, mar
walbana anigu midnimada Soomaalida ayaan u taaganahay, balse ma rumaysni in
arragtidii siyaasiga ahayd ee lagu kala kexeeyey in mar dambe lagu midaynayo.
Illaahayse waxaan ka baryayaa in ay ku walaaloowdo Diinta Islaamka, taas oo
dammaanad qaadaysa sinnaan iyo caddaalad lagu ilaaliyo midnimada.
Wariya K: Safarkaagii aad ku
tagtay koonfurta Soomaaliya dad badan oo reer Somaliland ah ayaa ka
biyo-diiday, adigu sidee ayaad u aragtaa arrintaas?
Hadraawi: Marka ay sheegaan
halka dareenkoodu ka biyo-diiday, inta sidaas qabta ayaan ka hadlayaa.
Wariya K: Maxaad odhan kartaa
safarkii aad ku soo martay gobolladaa Soomaaliya ma wax buu ku kordhiyey, mise
wax buu u dhimay?
Hadraawi: Waxaan filayaa meel
la’aad ma ahayn socdaalkaygii aan ku soo maray gobollada koonfureed, waayo,
waxaan ula tegay baaq nabadeed oo ka turjumaya dhibaatada haysata, taas oo ay
u dhega nuglaayeen. Taasna waxa suurtogelisay iyada oo aan cidna u arkayn in
aan xambaarsanahay fikrad kala kaxayntooda iyo mushkilad abuuristooda ah.
Weriya K: Fikraddii aad ka
haysatay Soomaaliya markii hore iyo ta aad ku soo aragtay hadda faraq intee
le’eg ayaa u dhexeeya?
Hadraawi: Faraqa u dhexeeya
waxay ahayd markii hore cid baa ii soo warramaysay oo warkeedu ku salaysnaa
sida iyadu rabto, balse markii aan tegay xaqiiqdii aan dhextegay ayaa ii
warrantay oo aan cidina afhayeen ka ahayn.
Weriya K: Intii aad ku jirtay
safarkaagii gobollada Soomaaliya ciddii aad la kulmaysay ama aad la shiraysay
ma siyaasiyiin bay ahaayeen, ma cuqaal iyo aqoonyahanno, mise cid kale ayey
ahaayeen?
Hadraawi: Waxa jiray marka hore
baaq guud oo aan fagaareyaasha uga jeedinayey bulshada oo dhan, iyo kulamo
gaar ah oo ku xidhnaa dadka waxgaradkiisa.
Wariye K Ma jirtaa martiqaad
kaaga yimi dhinaca shirka Nairobi?
Hadraawi: Ma jiro martiqaad iiga
yimi, xataa haddii uu iiga yimaaddo ma tageen.
Wariye K: Intii aad safarkaaga
ku jirtay ma jirtaa cid kugu eedaysay in burburkii Soomaaliya ku yimi
gabayadaadii iyo maansooyinkaagii ay qaybta ugu weyn ku lahaayeen?
Hadraawi: Waxa mudan in runta
wax walba laga sheego, waxa jiray arrimo la igu eedeeyey oo weliba si toos ah
la iigu sheegay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen;
-Ma ninkii riday nidaamkii
Askariga ahaa baa, iyo ma ninkii dalka kala gooyey ee dhisay Somaliland baa.
Balse hadaladaasi ma dhaafsiisnayn hal iyo halal, waxaanan u mahad-naqayaa
ummaddii aan soo maray, halkii aan ka bilaabay iyo halkii ay ku dhammaatayba.
Wariye K: Ma jirtay cabsi aad ka
qabtay in lagu xidho, markii aad dib ugu soo laabatay Somaliland?
Hadraawi: Umalayn maayo in xabsi
dambe ii hadhay, haddayse dhacdo xabsiga waa la iiga horreeyey, waana la iiga
dambayn.
Jamhuuriya: Ugu dambayntii
Maxamed, maxaad shacbiga reer Somaliland u jeedin lahayd?
Hadraawi: Waxaan shacbiga reer
Somaliland u sheegayaa in ay ogaadaan in ay iyagu leeyihiin go’aankooda,
balse waxaan kula talin lahaa in aanay Somaliland ka dhigin cuqdad meel
yuururta.
Source: Jamhuuriya.info