SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Arin Xasaasi ah oo Khatarteeda leh, una Baahan Hubsiimo iyo Diplomaasiyad Dheeraad ah.

Waxa soo Diyaariyey: Osman Abdillahi Sool....Copenhagen E-mail:sooldhuub@hotmail.com

 
Arintu waa Heshiiskan Dawladan cusub ee Madaxweyne Riyaale la-gashay Waaxda Socdaalka ee Britain ee ku saabsan soo celinta Qaxoontiga.
Heshiiskan oo aan filaayo in uu yahay Hawlgalkii ugu horeeyey ee Dawladani lagasho Dal Shisheeye ah ayaa u muuqda in uu yahay (Booraan Afkii laga Qafilay oo Qabarna hooseeyo).
 
Dawladaha Guun-ka ah ee reer Galbeedka ayaa Caan ku ah had iyo jeer in ay la-galaan Heshiisyu Khiyaamo iyo Hagardaamo dabada ku haya.......Wadamada yar-yar ee Dunida Seddexaad iyaga oo u lulaaya waxoogaa Dhaqaale ah.
 
Dalka Ingiriiska oo Qaxoonti la Ciirciiraaya, Siyaasadiisa Qaxoontiguna Baaxaadegayso, Kuna Takhlantahay Dawladan Labour-ka ee Tony Blair ayaa tiraba 3 jeer intii sanadkan uu Ururka Midawga Europe ku Gacansaydhay Hindiseyaal ay soo hordhigeen.
Xeerarka Caalamiga ah ee Qaxoontiga oo aanay waafaqsanayn Hindiseyaashaasi awgood Ayaa lagu diiday.
Taasina waata ugu muhiimsan ee ku kaliftay Dawlada Ingiriiska in ay soo Aag bedelato, Heshiiskana u lagashay Dawladan Cusub ee Riyaale.
 
 Heshiisyada noocan ah markaad gelayso ayaa lagama-maarmaan ah in aad haysato Goob-Joogeyaal ku xeel dheer oo Aqoon sare u leh Xeerarka Caalamiga ah siiba kuwa Qaxoontiga.
Waxa kale oo muhiim ah in aad la tashato Diplomaasyiin Sharci yaqaana oo awood u leh ku Gorgortanka iyo ka Dabinka-dhawrka Heshiisyada noocan oo kale ah.
Aqoonta sare iyo Diplomaasiyadaa dheeraadka ah ayaa ah mid ay ka Aradantahay Hogaanka Wasaaradda Arimaha Dib-u-dajintu ee Heshiiskan Qalinka ku Duugtay, taana waxa Caddayn iyo Makhraati u ah Heshiiskii la-lagalay Denmark 1997-kii ee ku Magac baxay *Ka Ganacsigii Binu-Aadanka*
 
Heshiiskan oo aynu Marti uga nahay Faafaahintiisa Dawlada, ayaan Noxorkiisa ka Sahaminayaa aniga oo ka shiidaal qaadanaaya Heshiiskii ama Fadeexadii *ka Ganacsiga Binu Aadanka* oo Wasaaradda Dib-u-dajinta ee S/land iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Denmark Xudun u ahaayeen.
 
Sidee ayey ku Abuurantay Fadeexadii ka Ganacsiga Binu-Aadanku?
Taariikhdu waxbay Hagtaa, Dadkuna wuu haybiyaa.....Ku dhawaaqidii Qaranimada Somaliland oo ku Beegantay Xilli ay Qaxoonti fara badani Dunida Qarqiyeen siiba Qaxoontigii Somaliland iyo kii Somalia ayaa wax ka bedeshay Siyaasadii Qaxoontiga ee Europe.
Isla markiiba Denmark iyo Sweden ayaa ku dhawaaqay in aanay Qaabilidoonin, Sharcina Siindoonin Qaxoontiga ka soo jeeda Somaliland.
Labadaa Dal ayaa Qorshe Qarsoodi ah oo aanay soo Shaacbixin watay oo isna ahaa in ay Somaliland u Isticmaalaan Meel in ay ku soo Daadiyaan Qaxoontiga Soomaaliyeed oo dhan ee ay Xeryaha ku hayaan, Meel ay u Masaafuriyaana jirin oo Dunida oo dhan laga Diiday.
 
Dawladii Denmark ee 1997 oo Xukunka ka lawareegtay 92/93 Dawlad Konservative ahayd, ka Dib markii ay ku soo baxday Fadeexad ku saabsanayd ku-xadgudub sharci oo loo gaystay Qaxoonti reer Srilanka ahaa.(Tamil)
Sanadkaa 1997 oo Doorashona soo dhaweyd ayaa Qadiyaddii Qaxoontigu noqotay mid Ololaha Doorashadda lagu galo oo ay ku Hirdamaan Xisbigii Taladda hayey ee Social Democraatigu iyo Xisbiyadii garabka midig ee mucaarid ka ahaa.

Dawladii uu hoggaaminaayey Madaxweynihii Geeriyooday M. Ibrahim Egal Sannadkii 1997 iyo Dawladii Denmark ee uu Talada u hayey Xisbigii Social Democrati-gu, ayaa ku heshiiyey in Qaxoontiga u dhashay Somaliland ee Sharciga looga diido Denmark in lagu soo celiyo Dalkooda, Somaliland-na Jeebka loogu shubo lacag dhan 53 million oo ah Denish krone (8 million Dollar), Iyada oo lagu magacaabayo Mucaawino iyo Dib- u- dejin loogu deeqayo dadka la soo celinaayo.

Heshiiskii oo aan dhaqan galin ayaa Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee Denmark ka war heleen oo Talo Faro ka haaday arintiina cirkaa ku shareerantay.Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa Xisbigii Dawlada hayey ku Canbaareeyey in uu Heshiis la galay Binu-aadan-nimada ka dhan ah Maamul yar oo ka dhisan meel Colaadi ka oogantahay, kuna Shaabadeeyey heshiiskii magac ah KA GANACSIGA BINU-AADANKA.

Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa iyaga oo ka Duulaaya Qodobo Sharciya yidhi 50 Qof oo Qaxoonti ah oo lagu celinaayo Dalkoodii ayaa lagu kala iibsanayaa 53 million oo krone ......Garo oo Qofkiiba Waa 1 million oo krone.

Qorshihii Dadka Qaxoontiga ah Dayuuradaha lagaga Daadinayey, Dacalad Madaarka Hargaysa.

Dawladii Denmark ayaa bilawday Qorshe Tuugo ah oo ay ku Masaafurinayso Qaxoontigii Somalida, Dhawr Qof ayaa la qaaday iyada oo la sii mariyey Nairobi.

Nairobi-na laga saaray Dayaaradu fudfudud, ka dibna lagu daadiyey Dacalada Madaarka Hargaysa. Dayuuradaha oo marka ay dadka daadiyaan si deg-deg ah u duulaayey ayaa Maalin maal maha ka mid ah si Qaflad ah lagu qabtay Dayuurad siday dhawr Qof oo Qaxoonti ah doonaysayna in ay daadiso oo deg deg u laabato iyada oo aan laga war-helin.

Qabashada Dayuuradaa ayaa sheekadii Qarxisay.....Qorshihiina fashilaysay iyada oo Warka Madaxdiisii uu ka dhigay TV-gii Denmark.
 
Seddex Sarkaal oo sare-sare oo laba tahay Ciidanka Buliiska Denmark midna ka socday Wasaaradda arimaha Gudaha ayaa saaka Gacanta uga galay Maamul yar oo ka dhisan Dhulka Colaaduhu ka holcayaan ee waqooyiga Somalia.
Maamulka oo Hogaaminaayo Qabqable Dagaal ayaa sheegay in Dayuuradu ku soo Xadgudubtay Hawadooda, sifo Tuug ahna ku keentay dad Qaxoonti ah. 
Qabashada Dayaaradaa iyo Masuuliyiintii la socotay oo Xamaasad weyn oo Siyaasi ah ka abuurtay Denmark ayaa aad u dhiirigalisay in la-galo Heshiiskan ah in Dad iyo Duunyo la isdhaafsado, ka dibna la siidaayo Dayaaradii iyo Masuuliyiintii lagu hayey Hargaysa.

Cadaaddiskii Dawlada kaga imanaayey Dadweyhihii Danish-ka ahaa, Xisbiyadii Mucaaridka iyo Garyaqaanadii ku takhususay Sharci samaynta.....iyo waliba Sharci ilaalinta ayaa ku Khasbay Dawladii in ay IS-CASISHO, haddii aanay Heshiiska runta ka sheegin Sharcigana Waafaqsiin.

Markaa ayaa hadaba ay Dawladii Danish-ku arintii xoog saartay iyadoo Wafti Balaadhan Hargaysa u dirtay oo la soo xaajooda Maamulkii Somaliland.Suxufiyiin waaweyn oo ka socday TV-GA Denmark iyo Wargayska Politiken oo Raacay Waftiga ayaa warka toos uga soo diraayey Qasrigii Madaxweynaha ee Hargaysa.Wasiirkii arimaha Gudaha ee Denmark Miss, Birthe Weiss ayaa TV-GA laga soo saaray iyada oo khadka Telephonka 12 saacadood si toos ah u gala Xaajoonaysa Madaxweynihii Geeriyooday M. Ibrahim Egal

Madaxweyne Egal Alla ha u naxaristee oo markii hore ku Giijiyey Danish-ka Ayaa Aakhirataankii Badbaadiyey Dawladii Sii-dhacaysay ee Denmark, markii uu Saxaafda Caalamka u sheegay in Mucaawinadan la siinayaa iyo Qaxoontiga la soo celinayaa aanay isku Xidhnayn.

Taasi se Dhacdo Diplomaasiya oo dhexmartay Marxuunkii iyo Dawladii Danish-ka ee Qiiraqiirada ku jirtay bay ahayd, heshiiskiina, halkaa ayuu ka sii socday iyadoo si dadban uu Danish-kii u fuliyey, Somaliland-na Qayb libaax ka Qaadatay Lacag dhamayd 120 million oo krone (18 million Dollar) oo Somalia oo dhan loogu Tala-galay.14 Muwaadin oo Qaxoonti Somalilander ahna sifo Qasab iyo Jujuub ah loogu soo celiyey Hargaysa

Raadkii Fadeexadii ka tegtay, Wasiiradii iyo Masuuliyiintii kale ee ka Qaybqaatay Fadeexada labada dhinac-ba, marka laga reebo labadii Madaxweyne.

1-Marwo, Birthe Weiss.....Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha ee Denmark oo ahayd Xuduntii Fadeexada dhinaca Denmark.

2- Mudane, Abdillahi Darawal....Wasiirkan Dib-u-dajinta ee S/land ayaa isaga iyo Wasaaradiisuba yihiin Xuduntii Fadeexada dhinaca Somaliland

3-Mudane, Jens Rasmusen.....Sarkaal sare oo ciidanka buliiska Denmark ka tirsanaa oo Shaqadii laga fadhiisiyey.

4-Marwo, Nina Holbeck..... Gabadh da' yar oo ahayd Siyaasiyad Xisbigii Social Democratiga u Qaabilsanayd Arimaha Qaxoontiga oo iyana is-casishay.

5-Mudane, Bashiir Haji Hassan Geele..... Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada dib u-dajinta. ahaana waftigii Denmark loo soo diray.

6-Mudane, Oomane....wasiirkii hore ee Kaluumaysiga, ahaana Waftigii Denmark loo soo diray

Waxa kale oo Waftiga loo soo diray Denmark la socday oo Arinta Goobjooge ka ahaa Mudane, Ali Jirde oo ahaa Danjirihii Scandanavainka u Qaabilsanaa Somaliland iyo Somalia..

Hadaba iminka waxaan ogaanay fahamnayna Kaartooyin Qarsoonaa oo habab Duwali ah loo Adeegsaday, laguna Dulmiyey Muwaadiniintii Laga soo Celiyey Denmark oo ilaa iyo iminka Xuquudoodii ku maqan tahay Wasaarada dib-u-dajinta S/land.

Lacagta Denmark ku bixisay Heshiiska, laba waji ayey kala ahayd, Waji waxa uu ahaa Mucaawino Guud oo Dalka la siiyey, wajina waxa uu ahaa lacag loogu tala galay Qaxoontiga la soo celinaayo oo loogu dhiibay wasaarada dib-u-dajinta S/land , Sidaa waxa caddaysay .....Waaxda xisaab celinta ee Deqda debedaha u Qaabilsan Wasaarada Maaliyada ee Denmark.

Aragtida ku jahasan Heshiiskan Cusub ee wax-garadka Ururada Qurbejooga

Hadal iyo murtiba hadii aanu nahay wax garadka ururada Qaxoontiga ee reer S/land ee Aagan Europe, Anaga oo ka shiidaal qaadanayna Aafooyinkan ka soo Ifbaxay Fadeexadan Foosha xun , waxaanu soo jeedinaynaa Qodbadan hoos ku Qoran.

1-Waa in sida ugu dhakhsaha badan Dawlada iyo Wasaarada dib-u-dajintu Heshiikii ay la galeen Ingiriiska oo tafatiran, faahfaasana u soo hordhigaan labada Gole ka Shacabka iyo ka guurtidaba iyo labada Xisbiyada ee Wadaniga ah KULMIYE IYO UCID iyo ururada Qaxoontiga Somaliland ee Europe.

2- Waa in Wasaarada dib-u-dajintu warbixin hufan ka keentaa heshiiskii Denmark lala-galay iyo xaalada ay ku sugan yihiin Qaxoontigii Denmark laga soo celiyey iyo Heshiisyadii kale ee ku saabsanaa Qaxontigii isna Jabouti iyo Qorshaha guud ee ay u diyaarisay Dadkan ay doonayso in la soo celiyo Wasaaradu.

3-Waxa Muhiim ah in la sameeyo Gudi Madaxbanaan oo Aqoon sare leh iyo Awoodba oo ka kooban labada Gole, labada Xisbi ee mucaaridka ah iyo Ururada Qaxoontiga ee Qurbejooga.

Gudidaasi waa in la shaqaysaa Wasaarada dib-u-dajinta ugana soo qaadaa Xuquuqdoodii kaga Maqnayd Wasaarada, Muwaadiniintii Denmark laga soo celiyey ee wali Dulman.

4- Waxa muhiim ah in la qabto shir loo wada dhanyahay Gudida, wasaarada Dib-u-dajinta, Ururada Qaxoontiga inta aan Heshiiska la gudo galin oo lalafa-guro wixii lagu kala duwanyahay ee Afkaar ah, laysuna xog waramo.

Wax is weydiini ma xuma ee wax is weydaaris ayaa daran, sidaas iyo Ismaqal, Isfaham iyo Is afgarad wanaagsan.

Waxa soo diyaariyey: Osman Abdillhi Sool....Copenhagen 17/07/2003.

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE