SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

KA DHOOFIDA HARGEISA AIRPORT OO NOQOTAY MEEL AAN LA ISKU HALAYN KARIN 

(Somaliland Democracy Watch - SDWO – 6th Sept – London). Dhibta taala madaarka Hargeysa waxa uu noqday mid ka argagaxisey dadka fasaxyada u taga Somaliland.  SDWO Waxa uu u kuurgalay waraysiyo kala duwana la yeeshay dad badan oo Somaliland u dhashay oo booqasho ku tagey dalkii hooyo, iyadii oo dadka sanadkan tegay dhibaatooyinka ay kala kulmeen madaarka hargeysa ay ku tusayso in ay dhibaatadu sii kordhayso sanadba sanadka ka danbeeysa marka loo eego dhibaatooyinkii dadku sheeganayeen sanadkii 2001. 

Muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee jooga qaaradaha kala duwan ee aduunka ayaa xiliga fasaxyada sanad walaba aad arkaysaa dad badan oo ku sii qulqulaaya dhulkoodii hooyo. 

Dhibaatooyinka lagala kulmo madaarka Hargeysa waxa ka mid ah in qofku isagii oo booking diyaaradeed haysta hadana aanu ogeyn in uu raaci karo diyaarada iyo inkale mararka qaarkoodna dhacda in laga reebo oo la yidhaah way buuxdaa. 

Dhibaatadini waa ta ugu weeyn ee qabsata dadka safarka ah, kuna keenta werwer iyo walaac inta ay ku sugan yahiin madaarka dhexdiisa, sababtoo ah iyadii oo uu qofwaliba uu booking ku socdo oo laga yaabo in uu shaqo ama wax barasho ka habsaamayo ayaa waxa dhacda in halkaas uu muran weeyni ka dhaco halkaas oo xataa booliiska loo dalbado deedna qofkoo xaq u leh in diyaaradii uu booking garaystay ee uu lacagta ka bixiyey raaco hadana boolisku hadidaad  iyo caga jogleeyn uu kula dhaqmo madaarkana dibada looga soo tuuro.  Dadka intooda badnina waxa ay u arkaan in xidhiidh hoose oo wada shaqyn ahi ka dhaxeeyo booliska madaarka iyo shirkadaha diyaaradaha. 

Dhowaan waxaan la kulmay nin laga reebi gaadhay diyaaradii uu ku qornaa oo inta liiska la eegay lagu yidhi way buuxdaa,  Ninkaasi oo u badheedhay in la xidho hadii uu sharci daro ku socdo wuxuu cadeeyay in aanay cidina ka reebi karin diyaaradan maadama uu ku qoran yahay diyaaradan, dhawr jeer oo horana laga reebay, halkaas waxa ka dhacay buuuq iyo muran dheer oo xataa gacan ka hadal ku dhowaatay, deedna sidaas ayuu ku soo raacay diyaaradii, inkastoo aan kursi loo helin, waxa la siiyey kartoon uu ku fadhisto, kirsigii uu lacagta kala baxayna waxa la siiyey qofkale.  laakiin nimaan sidaas ugu badheedhin in uu xaqiisa dhacsado halkaas ayaa lagaga reebayaa diyaarada uu ku qoran yahay.  Maadama ninkaas laga reebay dhawr jeer oo hore waxa dhacday in diyaaradii uu ku qornaa ee uu  ka raaci lahaa carabta una socotay yurub uu ka habsaamay, kuna qaadatay in sedex habeen uu ku jiro hudheel aan qorshaha markiisii hore ugu jirin. 

Dhibaatooyinkan ku xad gudubka rakaabaka diyaaradaha wax iska leh oo khalkhalkani ka jiraa shirkadaha diyaaradaha oo habka ay u wadaan maamulka iyo bookinga diyaaradaha aanu ahayn midka ka jira caalamka intiisa kale oo aad moodo diyaaradaha in ay u rakaabinayaan sidii basaska oo kale. 

Waxa aad loo dhaliilay habka booking ka diyaaradaha oo dhamaan ay ka siman yahiin kuwa laga leeyahay Somaliland, oo marka xafiiskooda la tago booking kuu samaynaya iyagoo buug kugu qoraya, iyadii oo aanay cidna u sheegayn in ay diyaaradu buuxdo oo qof walba loo booking garaynayo oo la leeyahay Ok dii waa lagu siiyey ee iskeen madaarka. 

Arintani waa arin u taala maamulka madaarka hargeysa iyo guud ahaan wasaarada duulista iyo hawada, waana arin u baahan in degdeg wax looga qabto oo aanu madaarku noqon meel lagu dhibo muwaadiniinta u soo hiloowday dhulkoodii hooyo, oo ay dad badni ku tilmaameen in mararka qaarkood ay isku qaataan laajiyiin meeshii ay is lahaayeen muwaadiniin dhulkoodii hooyo tegaysa ayaad tahiin. 

Nabadgelyada iyo sharciyada diyaaradahuna waa mid waajibkeeda ay leedahay wasaarada duulista iyo hawda, waana in aanay iska indhotirin ku xadgudubka nabadgelyada diyaaradaha oo la saarayo culays ka badan kii loogu talo galay, xagee lagu arkay diyaarad markay buuxsanto kartoon ama shandad lagu dul fadhiisto, sida maalin walba dhacda. 

Waxaan ku soo gebogebeeyn lahaa waa in shirkadaha diyaaradaha ee dalka laga leeyahay ilaaliyaan sharciyada duulimaadyada oo qofkii booking ku jiraa maalintaas isagoon ka werwerin uu xaq u yeeshaa in uu raaco diyaaradaas uu ku qoran yahay ee uu lacagta ka bixiyey. Booliskana waxa ku waajib ah in dadka ay hadidaada ka daayaan oo qofkii wax sharci ah ku socda aan la dhibin ee xaqiisa la siiyo.

www.somaliland-democracy-watch.co.uk 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE