SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Puntland ha ogaato in Somaliland Awood culus u leedahay ka jawaabida weerarada noocan oo kale ah, lagan jaawibi doono si dhakhso ah.


SDWO - London - Waxa marka hore aan aad uga xunahay dagaalkii lala beegsaday Madaxweynaha Jamhuuriyad Somaliland Mudan Daahir Riyaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayay, ugu horeeynba waxaan tacsi u diraynaa dadweynaha reer sool geeridii ku timid dadkii halkaas ku dhintay.

Weerarkaa foosha xun waxa soo qaaday oo ku soo duuley dhulka Somaliland Argagaxisda Majeerteeniya oo damac aan suurto gal ahayn ka hayo dhulka Somaliland. Somaliland wax cusub oo hada muran geli kara maaha, taariikhda ayaa saxaysa xuduudahii caaanka ahaa ee ay Somaliland horey u lahaan jirtay, wax imika argagixisad la magac baxday Puntland ay sheegan kartana maaha, ama ay xuduud cusub samayn karto.

Somaliland waa dad nabadgelyo jecel taasna waxa kaaga marag kacaya nabada iyo hormarka ay gaadhay Somaliland, isla markaasna waa dad jecel nabad gelyo iyo wax wada qabsi ay kula noolaato wadamaa jaarka ay yahiin.

Hase yeehee Somaliland waxa ku waajib ah sida dastuurkeeguna dhigayo in la difaaco qaranimada Somaliland, Qodobka 91aad, firqadiisa koobaad ayaa odhanaysa Ciidanka Qaranka wuxuu u xil saaranyahay ilaalinta iyo difaaca madax banaanida dalka.

Hadaba waxa ciidnaka qaranka ku waajib ah in ay u diyaar garoobaan dhirbaaxo kulul oo lagaga jawaabo dagaalkaas daandaansiga ah ee kooxdaas aragagxisadu ku soo qaadeen gobolka Sool, maatidii iyo caruurtii Laascaanoodna geliyay argagax iyo naxdin.

Maadaama si gardaro cad oo badheedh ah loogu soo duulay Jamhuuriyada Somaliland, Xukuumadana waxaan u soo jeedinaynaa in go,aan adag ay ka qaadato sidii looga jawaabi lahaa gardaradaas, lana tuso awooda Somaliland u leedahay in ay si adag uga jaawbto weeraradaas oo kale , weerar culusna lala beegsado Garoowe maadama ay nabad ku wada noolaanshahii u dhandhami weeyday kooxda argagaxisada Puntland.

Shacabka Somalilandna waxaay diyaar u yahiin hiil iyo hooba inay kaga qayb qaataan la dagaalka argagixisadaas ku soo duushay gobolka sool isla markaasna naf iyo maalba u huraan difaacida qaranimada Somaliland.

Long Live Somaliland

Guuleed Cabdi Sheekhaash - Gudoomiyaha ururka SDWO

Mukhtar Axmed Sh. Adan – Gudoomiye ku xigeenka SDWO

Axmed Maxamed Yusuf - Afhayeenka Ururka SDWO


 
SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE