Jumhuriyadda
Dim Somaliya Wasaaradda Gaashaandhiga Xarunta Taliyaha Qaybta 26aad
TQB26/XKT/28-5/6/87
Taariikh: 28/01/87 S I R C U L U S
WARBIXIN:
Ku: Madaxweynaha J.D.
Soomaliya Ku: Wasiirka Wasaaradda
Gaashaandhigga JDS. Ku: Wasiirka Wasaaraddd Arrimaha Gudaha JDS.
Tixraac warbixintii aan soo gudbiney ee ku
taariikheysneyd 17.01.87 ee ku saabsaneyd xaaladda Difaaca iyo
Nabadgelyada ea Aagga Masuuliyadda Qaybta 26'aad. Xaaladda Gobollada
Waqooyi Galbeed iyo Togdheer Nabadgelyadoodu waa soo xumaatay,
xabashidiina waxay ku tallaabsatay in Ciidamo ku soo kordhiso Aagga, iyada
oo ujeedadu tahay in dagaal soo qaadaan qabsadaana dhul muhiim ah, sidii
BALAN-BALLE iyo GALDOGOB, sidii horay aad uga dhadhamisay warbixintii hore
Dagaalladii ay soo wada qaadeen waa ay ku guulaysan waayeen, waxaan ka
dambaysay in aad sameynay falal Aargoosi ah oo saldhigyada Qurmista iyo
xabashidu wada degan yihiin ah, looguna geeystay khasaare wadajir ah iyo
baabi' in Tuulooyin , waxaana ka mid ah Saldhigyada Qurmista oo kala ah:
DIBIILE, RABSASO, RAMAALE,- iyo GARANUUGLE, falalkaaso oo dhamaantood
fuIay habeenimo , Ciidunkuna Nabadqab ku soo laabtay, marka laga reebo
dhaawacyo fudud. Dagaalladii ay Qurmistu soo qaadeen iyo khasaarihii loo
geystay ayay hadda waxay bilaabeen "YAA REER ISAAQ AHEY”, iyaga oo
doonaya inay Baandooga u tusaan Ciriirin iyo baabiin dadkooda, sidoo kale
waxay dacaayad ku soo afuufeen dadweynaha ayagoo ka dhaadhicinaya dhawaan
ayaan qabsanaynaa W/Galbeed iyo Togdheer, arrintaas waxaa sabab u ah oo
Iaga qaran karaa hadallada lagu qloray darbiyada iyo Waraaqo lagu daadiyay
Degmada Gabileey, Degmada Lughaya, Beesha Allaybaday, arrimahaasoo dhammi
waxay astaan u yihiin laab la soo kac, xiisad salka ku haysa, Qabyaalad
iyo Qurmisnimo. Waxay Reer-Reer isugu baaqeen in la soo ururiyo 2000/qof
oo Qurmista ka qaybgasha laguna Tababaro AWAARE, ilaa hadda waxaa ku
biiray 400/qof, sidoo kale Jabhadii FARAWEYNE oo ah SACAD-MUUSE, ka dib
markii la qabtay Qarandumisyadii, waxay isu dhiibeen Xabashida iyo
Qurmista, tirada isu dhiibtay waxay noqdeen 60/qof iyo Xiddiglahii
Taliyaha ka ahaa, intii kalena waxay baqdin u galeen duurka; waxayna soo
bilaabeen in ay dib ugu soo noqdaan Tuuladii. Jaalle Madaxweyne,
Jaallayaal, waxaa noo muuqata haddii aan maanta xamlad lagu qaadin
Jiritaanka Qurmis iyo Taageerayaashooda in ay waqti kale madaxa la soo
kacayaan, maanta waxaan u haynaa daawadii ku habooneyd JERMIGA Qaranka
Soomaliyeed ku jira , waxayna tahay: lyada oo laysu dheelitiro dadka
maalqabeenka ah oo aan hadda, lsudheelitireyn. Guddiga Deegaanka oo noqday
dad soocan oo laysu dheelitiro. Ardeyda Dugsiyada oo loo oggolaado in lagu
barxo Ardeyda Qaxootiga ee degan Agagaarka Hargeysa. In lama degaan laga
dhigo jiidda u dhaxeysa Ciidanka iyo Cadowga, taasoo ku imaanaysa baabin
Baraagaha iyo Tuulooyinka ku teedsan jiidaas oo ay ku soo dhuuntaan. In
laga xaaqo dadka C.Q. sida iyo Shaqaalaha ku jire ee yeelan kara tuhumo u
adeegid Cadow, (arrintaas oo aan ku jirro Baaritaan iyo helid xog dhab ah,
siiba kuwa haya meelaha xasaasiga ah.) Waxaan halkan idiinku soo
gudbineynaa Tilaabooyinkii qorsheysnaa wixii ka hirgalay, si aad ula
socotaan: Gaadiidkii Dadweynaha ee nooca Basaska ah oo Tiradii hore uga
socon jirtay oo dhameyd 337 Bus, kuwaas oo 2/3 lahaayeen dadka u dhashay
reer qura (Sacad-Muuse) oo dibuhabayn lagu sameeyay, markil ay baaritaan
ka dib cadaatay in ineyn badankoodu waafaqsaneyn hanaanka nabadgalyada,
maadaama aaney sugneyn Dokumantiga mulkiyadda iyo kuwa loogu talagalay
dhaqdhaqaaqa, isla markaana xogogaal loo noqday in marar qaarkood loo
isticmaalo ku qaadista Muqaadaraadka ama ay rakaab ahaan u raacaan dad
tuhmo leh, haseyeeshee la qariyo loona soo tebin Hay'adaha Nabadgelyada,
iyadoo tirada Basaskaasi ay Si xad-dhaaf ah uga badneyd baahida magaalada
waxaa la go’aamiyay laguna dhaqaaqay: In tirada Basaskaa ayna ka badnaan
80. In bas waliba loo sameeyo lambar sumad u ah (NUMERO SERIE) oo lagu
aqoonsado. 1. Basaska si tiro miisaan ah loogu qaybiyo waaxaha magaalada,
iyadoo mid waliba loo xaddadayo tubta socodka iyo barxadaha bilowga iyo
dhamaadka socodka. Si cadaalad ah leysugu dheeli tiro mulkiyaasha Basaska,
iyadoo mudnaanta la siinayo dadka ehelka u ah Kacaanka, lagana qaadayo
fursadda inta siyaasiyan ka soo horjeedda. 2. Waxaa Dekedda Berbera lagala
soo wareegay 6 Baabuur nooca 4-WD (RIDOOTO LEH) sidaas oo kale waxaa
socota ururinta kuwa Magaalada, kuwaas oo dhawaan wixi wax ku ool noqda la
saari doono hub, kuwa kalana loo isticmaali doono Gaadiidka Sahamada iyo
Taliyayaasha Colalka jiidaha hore, waxaa inoo socda kala soocsoocidda
Gaadiidka. 3. Waxaa tuhun taageero Qurmis lagu xiray 45/qof ee dadka
Hargeysa deggan iyo 30 dadka Burco degan iyo 7 sarkaal, dadkaaa oo u badan
ganacsato lyo maalqabeen iyo qaar ka mid ah nabadoonada waxay ku xiran
yihiin Xabsiga Mandheera, waxaase la codsanayaa in deg-deg loogu wareejiyo
xabsiyada Laanta Buur ama Xabsiyada Bari IWM, si loo xaqiijiyo xarigooda
muddadan lagu Jiro dib u habeynta Xabsiyada oo dhaliilo badan ka jira
amnigooda. 4. Waxaa dib loo abaabulay Jabhadda G.S. Galbeed, waxaana lagu
xareeyey meel u dhow GEED-DEEBLE 300/qof, kuwaas oo dibuhabeyn ka dib lagu
talo Jiro in la dejiyo dextaalada Guutooyinka iyo Ururada oo loo arko iney
wax ka qaban karaan la dagaalanka Qurmista, isla markaana ay ka fulin
karayaan falal dagaal ah marka loo baahdo. 5. Marba haddii ay sugnaatay in
ISAAQU ay si ficil iyo niyadba ay ula jiraan SNM'ta, ayna noo muuqan iney
ka tanaasulaan khadkoodii in muddo ahba ku male'awaali jireen si looga
hortago waxaa kullamo isdabajoog ah iyo abaabul kicin iyo wacyigelin ku
sameynay dadka kale ee kula nool Waqooyi, si loo adkeeyo midnimadooda
uguna maro-xeetaan difaaca midnimada Soomaaliyeed, dadkaas waxa ka mid ah
Reer Awdul, Soomali Galbeed Wajiyaddooda kala duwan, Reer Laas Qoray R e e
r Daami IWM. Waxaa hubaal ah in isku duubnida dadkaasi ay dheeli
tiridoonto miisaanka hadda u liicay dadka isaaqa ah, haddii ay si
firfircooni lehna u howlgalaan waxaa hubaal ah in ay kibir jebin doonto
dadka u haysta in ay Waqooyi leeyihiin, iyadoo xaqiiqdu ay si ka duwan
tahay. -3- khaladaadkii horay u dhacay oo la xariira kobcinta dhaqaale ee
dadkii ka soo horjeeday Qaranka, fursadna loo siiyo kuwa ehelka u ah.
Waxaan soo jeedineynaa in Ciidamada aan dhaliilsanahay ay soo diraan
waftiyo ka socda . oo si deg deg ah wax uga qabta, sababto oo ah
tallaabooyin aan qaadnay iyo kuwa aan qaadi doono (REACTION) u baahan in
laga hortago mar haddii Hayadihii xogta ururineyey shaki ku Jiro, kuwana
lagu hayo danbiyo cad, waxaa haboon in laga tabaabulsheysto inta ay goori
goor tahay, ilaa hadda waxaan ku dulsoconnaa Quraarado jajab ah oo dhulka
lagu daadiyay, si ay u xannibaan xawliga waxqabadka howsha, kuwaas oo u
baahan xaaqid aan waxba kaga tegin dhulka, maahmaah baa oraneysa (WARAABOW
SAANJIID IYO SANQARTIRO KALA REEB). Wixii tilmaan iyo tusaale ah ayaan kaa
dhowreynaa. SAREEYE GUUTO TALIYARA QAYBTA 26'AAD EE WG Maxamad Saciid
Xirsi (morgan) X/YARE/.
Dhamaad.
Ilaahay ayaa mahad iska leh in dadkii
Somaliland ay nabad ku wada nool yihiin maanta, ilaahay ayaan ka baryayaa
in walaalaheena kale ee Somaaliyeedna taas iyo mid ka badan siiyo (AMIIN).
Waxaan waraaqdan la socota idiinku soo diray in aydin xasuusataan qaladkii
dhacay iyo in walaalahay Ahmed Mohamed (Siilanyo) iyo Abdirahman Aw Ali ay
naftooda u hureen iyaga iyo saraakiishii ciidamada iyo dadkii badnaa ee
hubka qaatay kuwaas oo dhamaantood u adkaysan waayay dulmigii, dilkii aan
loo kala aabo yeelayn mid yar iyo mid weyn, kufsigii hablaha iyo dumarka
la qabay, dhicii hantida dadka, Aabihii iyo Hooyadii saqda dhexe ee
habiinkii iyaga oo caruurtoodii la hurta loo soo dhacayay oo la xidhaayay
iyaga oo waxba gaysan, burburkii lagu sameeyay caqligii dadka,
waxbarashadii, iyo caafimaadka. Dhamaantiin mid dhintay, mid nool oo
jidhka ka caafimaad qaba, iyo mid naafo noqdayba waxaa haysateen oo ku
noolaydeen nolol aad u fiican balse aad naftiinii iyo tii reerihiinaba u
hurteen si aad wax uga bedeshaan xaaladda markaa lagu jiray oo geeridu
dhaantay. Ilaahay wuu idin la qabtay oo waydin ku guulaysateen mar xalado
badan oo aad u adagna waa laga soo gudbay iminkase waxaa la joogaa heer
wax kastaaba yaanay ahaanin sidii laga rabay laakiin ay Insha' Allah ku
socoto marxalad fiican oo qof kasta oo Somaliland ahi xaqiisa uu helo
khayraadka wadankana si siman oo cadli ah loo qaybiyo. Waxaan halkan
jeclahay in ay fariintaydu gaadho dhamaan dadka ku nool Somaliland,
walaalkay mudane Ahmed Mohamed (Siilaanyo), mudane Abdiraxmaan Aw Ali iyo
Walaalkay madax weynaha mudane Daahir Riyaale. A. DADKA SOMALILAND Waxaan
walaalayaal dumar iyo rag, caruur iyo cirooleba doonayaa in aan idin
idhaahdo nimco ayaa ku jirtaane ha iska daadinina qof dan isaga u gaar ah
wataana yaanu jar idinka ridin. Qof kasta waxaa waajib ku ah in wadanka
nabad gelyadiidsa ilaaliyo ciddii khatar ku ahna uu farta ku fiiqo. B.
AHMED MOHAMED (SIILAANYO) IYO ABDIRAHMAN AW ALI Waa in aydin ku qanacdaan
go,aanka maxkamadda haddii kale waxaydin u soo dagaalanteen waa “HAL
BACAAD LAGU LISAY” ama “BIYO COL DHAANSHAY”. Isbedelka fiican ee
aydin rabtaanna ma imanayo. Waxaa nagu leedihiin xaq iyo abaal badan
ilaahay ayaa idiin gudi kara, taariikhda Somalilandse waxaa kaga jirtaan
meel aad u wayn. Walaalayaal waynu wada dhimanaynaa ee ilaahay ka baqa oo
ku qanca qadarka iyo nasiibkiina. Waxaanu walaalayaal idinka codsanaynaa
oo idinka rajaynaynaa in aydin si wanaagsan oo qalbi furan oo niyad fiican
iyo walaaltinimo ku jirto u taageerrtaan Daahir Riyaale iyo dawladdiisa.
Daahir waa qof malakul mawtna wuu sugayaa dhulka iyo dad intii noolba way
hadhi waqti kow iyo laba la yidhina waxba maaha oo berito. Haddise aydin
sidaas yeeli waydaan waxaad ogaataan in dad badan oo wanaagga Somaliland
jeclayni ka faa’iidaysanayaan mawqifkaas aad qaadateen oo wadanka qas ku
abuuri karaan. Dadka xabad qori ka dhacdaa uun ma layso (disho) ee siyaabo
badan oo kale ayay dadku u dhintaan kaneeco yar oo cuntayna ku daroo. Waad
xusuusan kartaan markii aad dagaalka kula jirteen ciidamadii dawladdii
Siyaad Bare idinka oo dagaalamaya ay dadkiina kaneeco laysay oo dabadeed
dagaal kale halkaas idinkaga furmay. Walaalayaal waa in aydin u wada
shaqaysaan dhamaantiin sidii wadanku ku gaadhi lahaa horumar dadkuna nabad
ku wada noolaan lahaayeen . C. DAAHIR RIYAALE KAAHIN Waxaan kuu
hambalyaynaynaa nasiibka aad u yeelatay in aad taariikhda Somaliland
noqotay madax weynihii u horeeyay ee si sharci ah lagu doorto, nasiib
darose aan weli adduunku ictiraafin. Madaxweyne waa masuuliyad aad u wayn
ilaahay ha kula qabto. Anigu kuguma eedaynayo in aad tahay musuq iyo
laaluush cune laakiin waddanka in badan ayaad iminka ka ahayd madax wayne
ku xiggeen iyo madax wayneba maamul xumo badan ayaana wadanka ka jirta.
Anigu haddaan tusaale u soo qaato Somaliland ilaha dakhligu ka soo galaan
waa yar yihiin taas oo ay dadku u siman yihiin meel kasta oo dalka ka
joogaan. Haddaba su’aasha aan ku waydiinayaa adiga iyo dawladdaada waxay
tahay sidee ayay u dhacday in dadkii ilaha dhaqaalaha loo dhiibay laga soo
bilaabo 1992 ilaa hadda ay haystaan? Ma dhaxal ayay u heleen? Somaliland
si fiican ayay isugu filaan kartaa haddii dhaqaalaheedda si fiican loo
maamulo. Waxaa madax weyne adiga oo iga raaliya kuu soo gudbinayaa dhawkan
qodob ee hoos ku qoran ; 1. Madax weyne waa in ay meesha ka baxdo sadaqada
ay ururada shisheeye idin siiyaan ee idinkuna ku darsataan miisaaniyadda
sanad laha ah. Waa in aad si fiican ula xisaabtantaa dadka ka masuulka ah
xoolaha ummadda. 2. Madax weyne waa in aad ilaaliso xuquuqda dadka
xasuusatona in ilaahay mar walba kula xisaabtamayo. Wixii hore u dhacayna
aanay dhicin mar labaad qofna xaqiisa yaan la duudsiyin. 3. Dadka haya
meelaha sar sare ee dawladda la galiyo diiwaan wixii ay hanti leeyihiin
intaan xilka loo dhiibin una samayso guddi u gaar ah oo daba gasha
laaluushka iyo lunsiga xoolaha qaranka. 4. In aad u saarto guddi sidii
wadanka sucuudiga loogala xaajoon lahaa sidii xoolaheena loogu iib gayn
lahaa wadankooda. Madax weyne xitaa haddii aad adigu tagi karto waa in aad
tagtaa. Haddii kalena aad u saarto guddi balaadhan oo aad xoog saarto
sidii dhaqaalaheena kowaad u soo noqon lahaa mar labaad. 5. Mar haddii
aanaynu weli hayn ictiraaf waxaa wanaaggu ku jiraa in aad la tashato
mucaaridka si fiicanna u wada shaqaysaan. 6. Wax badan ayaynu isku
maaweelinay in aynu helnay dad khayraadka wadanka inoo soo saara, mase
dhicin taasi oo been ayaynu nafteena in badan hadda ku maaweelinaynay.
Sida kaliya ee aynu khayraadkeena uga faa’iidaysanaynaa waxa weeye inaga
oo isu tagna oo qof wal oo Somaliland ahi uu qaybtiisa ku darsado ha
yaraato ama ha waynaato’e . Laguna dadaalo sidii loo soo saari lahaa.
Waxaan haddaba haddii aad dawladdii tihiin la idinka baahan yahay in aydin
ka shaqaysaan sidii arintaas loo suurto gelin lahaa. 7. Waxaa madax weyne
kale oo aan kaa doonaynaa in aad samayso gudi ka wakiil ah baytul maal.
Maalkaas oo ka imanaya xagga dawladda iyo dadkaba lana siinayo dadka xaqa
u yeeshay. Nidaamkaas oo suurto galinaya siddii loo soo ururin lahaa
sakada, sadaqada iyo dawladdu waxay ku darto si loo caawiyo dadka badan ee
tabaalaysan. Sidaad og tahayba maanta waxaan leenahay ururo badan oo
samofal ah waxaase aynu u baahan nahay in aynu awooddeena meel isugu gayno.
8. Madax weyne waa in aydin ansixisaan sharci gaar ah oo khuseeya sidii
warshad loogu samayn lahaa sibidhka Berbera. Dawladdu waa in ay samayso
mashruuc baadhaya sida ay suurto gal u tahay in mar labaad la isku dayo in
la sameeyo sibidhkii taas oo wadanka u celin lahayd lacagta adag ee
dibedda uga baxda soona gelin lahayd lacag adag marka loo iib geeyo
dalalka aynu jaarka nahay. Waa in aydin isku daydaan sidii aydin ula
xidhiidhi lahaydeen shirkaddii qandaraaska lagu siiyay in ay maamusho
warshadda sibidhka ee Berbera 1984 kii. Taas oo ahayd Fransiis magaceedana
loo yaqaanay LAFARGE COPPEE LAUALIN. Bishii February, 1985 waxaa dawladdii
Somaliyeed saxeexday heshiis ay la gashay shirkaddii la odhan jiray FRENCH
AGENCY CAISSE CENTRALE DE COOPERATION ECONOMIQUE. Taas oo bixisay US$16.4
milyan oo amaah ah. Lacagtaas wax yar ayaa mashiino lagu soo iibiyay intii
kalena waxa loo kala qaatay dilaalnimo oo halkii lagu saxeexay ayaa lagu
kala qaybsaday.
A.A. JAMA London,uk
Email: achmed_66@hotmail.com