SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Jumhuriyadda Dim Somaliya Wasaaradda Gaashaandhiga Xarunta Taliyaha Qaybta 26aad

TQB26/XKT/28-5/6/87      Taariikh: 28/01/87     S I R C U L U S    WARBIXIN: 

Ku: Madaxweynaha J.D. Soomaliya      Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JDS. Ku: Wasiirka Wasaaraddd Arrimaha Gudaha JDS. 

Tixraac warbixintii aan soo gudbiney ee ku taariikheysneyd 17.01.87 ee ku saabsaneyd xaaladda Difaaca iyo Nabadgelyada ea Aagga Masuuliyadda Qaybta 26'aad. Xaaladda Gobollada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer Nabadgelyadoodu waa soo xumaatay, xabashidiina waxay ku tallaabsatay in Ciidamo ku soo kordhiso Aagga, iyada oo ujeedadu tahay in dagaal soo qaadaan qabsadaana dhul muhiim ah, sidii BALAN-BALLE iyo GALDOGOB, sidii horay aad uga dhadhamisay warbixintii hore Dagaalladii ay soo wada qaadeen waa ay ku guulaysan waayeen, waxaan ka dambaysay in aad sameynay falal Aargoosi ah oo saldhigyada Qurmista iyo xabashidu wada degan yihiin ah, looguna geeystay khasaare wadajir ah iyo baabi' in Tuulooyin , waxaana ka mid ah Saldhigyada Qurmista oo kala ah: DIBIILE, RABSASO, RAMAALE,- iyo GARANUUGLE, falalkaaso oo dhamaantood fuIay habeenimo , Ciidunkuna Nabadqab ku soo laabtay, marka laga reebo dhaawacyo fudud. Dagaalladii ay Qurmistu soo qaadeen iyo khasaarihii loo geystay ayay hadda waxay bilaabeen "YAA REER ISAAQ AHEY”, iyaga oo doonaya inay Baandooga u tusaan Ciriirin iyo baabiin dadkooda, sidoo kale waxay dacaayad ku soo afuufeen dadweynaha ayagoo ka dhaadhicinaya dhawaan ayaan qabsanaynaa W/Galbeed iyo Togdheer, arrintaas waxaa sabab u ah oo Iaga qaran karaa hadallada lagu qloray darbiyada iyo Waraaqo lagu daadiyay Degmada Gabileey, Degmada Lughaya, Beesha Allaybaday, arrimahaasoo dhammi waxay astaan u yihiin laab la soo kac, xiisad salka ku haysa, Qabyaalad iyo Qurmisnimo. Waxay Reer-Reer isugu baaqeen in la soo ururiyo 2000/qof oo Qurmista ka qaybgasha laguna Tababaro AWAARE, ilaa hadda waxaa ku biiray 400/qof, sidoo kale Jabhadii FARAWEYNE oo ah SACAD-MUUSE, ka dib markii la qabtay Qarandumisyadii, waxay isu dhiibeen Xabashida iyo Qurmista, tirada isu dhiibtay waxay noqdeen 60/qof iyo Xiddiglahii Taliyaha ka ahaa, intii kalena waxay baqdin u galeen duurka; waxayna soo bilaabeen in ay dib ugu soo noqdaan Tuuladii. Jaalle Madaxweyne, Jaallayaal, waxaa noo muuqata haddii aan maanta xamlad lagu qaadin Jiritaanka Qurmis iyo Taageerayaashooda in ay waqti kale madaxa la soo kacayaan, maanta waxaan u haynaa daawadii ku habooneyd JERMIGA Qaranka Soomaliyeed ku jira , waxayna tahay: lyada oo laysu dheelitiro dadka maalqabeenka ah oo aan hadda, lsudheelitireyn. Guddiga Deegaanka oo noqday dad soocan oo laysu dheelitiro. Ardeyda Dugsiyada oo loo oggolaado in lagu barxo Ardeyda Qaxootiga ee degan Agagaarka Hargeysa. In lama degaan laga dhigo jiidda u dhaxeysa Ciidanka iyo Cadowga, taasoo ku imaanaysa baabin Baraagaha iyo Tuulooyinka ku teedsan jiidaas oo ay ku soo dhuuntaan. In laga xaaqo dadka C.Q. sida iyo Shaqaalaha ku jire ee yeelan kara tuhumo u adeegid Cadow, (arrintaas oo aan ku jirro Baaritaan iyo helid xog dhab ah, siiba kuwa haya meelaha xasaasiga ah.) Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Tilaabooyinkii qorsheysnaa wixii ka hirgalay, si aad ula socotaan: Gaadiidkii Dadweynaha ee nooca Basaska ah oo Tiradii hore uga socon jirtay oo dhameyd 337 Bus, kuwaas oo 2/3 lahaayeen dadka u dhashay reer qura (Sacad-Muuse) oo dibuhabayn lagu sameeyay, markil ay baaritaan ka dib cadaatay in ineyn badankoodu waafaqsaneyn hanaanka nabadgalyada, maadaama aaney sugneyn Dokumantiga mulkiyadda iyo kuwa loogu talagalay dhaqdhaqaaqa, isla markaana xogogaal loo noqday in marar qaarkood loo isticmaalo ku qaadista Muqaadaraadka ama ay rakaab ahaan u raacaan dad tuhmo leh, haseyeeshee la qariyo loona soo tebin Hay'adaha Nabadgelyada, iyadoo tirada Basaskaasi ay Si xad-dhaaf ah uga badneyd baahida magaalada waxaa la go’aamiyay laguna dhaqaaqay: In tirada Basaskaa ayna ka badnaan 80. In bas waliba loo sameeyo lambar sumad u ah (NUMERO SERIE) oo lagu aqoonsado. 1. Basaska si tiro miisaan ah loogu qaybiyo waaxaha magaalada, iyadoo mid waliba loo xaddadayo tubta socodka iyo barxadaha bilowga iyo dhamaadka socodka. Si cadaalad ah leysugu dheeli tiro mulkiyaasha Basaska, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka ehelka u ah Kacaanka, lagana qaadayo fursadda inta siyaasiyan ka soo horjeedda. 2. Waxaa Dekedda Berbera lagala soo wareegay 6 Baabuur nooca 4-WD (RIDOOTO LEH) sidaas oo kale waxaa socota ururinta kuwa Magaalada, kuwaas oo dhawaan wixi wax ku ool noqda la saari doono hub, kuwa kalana loo isticmaali doono Gaadiidka Sahamada iyo Taliyayaasha Colalka jiidaha hore, waxaa inoo socda kala soocsoocidda Gaadiidka. 3. Waxaa tuhun taageero Qurmis lagu xiray 45/qof ee dadka Hargeysa deggan iyo 30 dadka Burco degan iyo 7 sarkaal, dadkaaa oo u badan ganacsato lyo maalqabeen iyo qaar ka mid ah nabadoonada waxay ku xiran yihiin Xabsiga Mandheera, waxaase la codsanayaa in deg-deg loogu wareejiyo xabsiyada Laanta Buur ama Xabsiyada Bari IWM, si loo xaqiijiyo xarigooda muddadan lagu Jiro dib u habeynta Xabsiyada oo dhaliilo badan ka jira amnigooda. 4. Waxaa dib loo abaabulay Jabhadda G.S. Galbeed, waxaana lagu xareeyey meel u dhow GEED-DEEBLE 300/qof, kuwaas oo dibuhabeyn ka dib lagu talo Jiro in la dejiyo dextaalada Guutooyinka iyo Ururada oo loo arko iney wax ka qaban karaan la dagaalanka Qurmista, isla markaana ay ka fulin karayaan falal dagaal ah marka loo baahdo. 5. Marba haddii ay sugnaatay in ISAAQU ay si ficil iyo niyadba ay ula jiraan SNM'ta, ayna noo muuqan iney ka tanaasulaan khadkoodii in muddo ahba ku male'awaali jireen si looga hortago waxaa kullamo isdabajoog ah iyo abaabul kicin iyo wacyigelin ku sameynay dadka kale ee kula nool Waqooyi, si loo adkeeyo midnimadooda uguna maro-xeetaan difaaca midnimada Soomaaliyeed, dadkaas waxa ka mid ah Reer Awdul, Soomali Galbeed Wajiyaddooda kala duwan, Reer Laas Qoray R e e r Daami IWM. Waxaa hubaal ah in isku duubnida dadkaasi ay dheeli tiridoonto miisaanka hadda u liicay dadka isaaqa ah, haddii ay si firfircooni lehna u howlgalaan waxaa hubaal ah in ay kibir jebin doonto dadka u haysta in ay Waqooyi leeyihiin, iyadoo xaqiiqdu ay si ka duwan tahay. -3- khaladaadkii horay u dhacay oo la xariira kobcinta dhaqaale ee dadkii ka soo horjeeday Qaranka, fursadna loo siiyo kuwa ehelka u ah. Waxaan soo jeedineynaa in Ciidamada aan dhaliilsanahay ay soo diraan waftiyo ka socda . oo si deg deg ah wax uga qabta, sababto oo ah tallaabooyin aan qaadnay iyo kuwa aan qaadi doono (REACTION) u baahan in laga hortago mar haddii Hayadihii xogta ururineyey shaki ku Jiro, kuwana lagu hayo danbiyo cad, waxaa haboon in laga tabaabulsheysto inta ay goori goor tahay, ilaa hadda waxaan ku dulsoconnaa Quraarado jajab ah oo dhulka lagu daadiyay, si ay u xannibaan xawliga waxqabadka howsha, kuwaas oo u baahan xaaqid aan waxba kaga tegin dhulka, maahmaah baa oraneysa (WARAABOW SAANJIID IYO SANQARTIRO KALA REEB). Wixii tilmaan iyo tusaale ah ayaan kaa dhowreynaa. SAREEYE GUUTO TALIYARA QAYBTA 26'AAD EE WG Maxamad Saciid Xirsi (morgan) X/YARE/.

Dhamaad.

Ilaahay ayaa mahad iska leh in dadkii Somaliland ay nabad ku wada nool yihiin maanta, ilaahay ayaan ka baryayaa in walaalaheena kale ee Somaaliyeedna taas iyo mid ka badan siiyo (AMIIN). Waxaan waraaqdan la socota idiinku soo diray in aydin xasuusataan qaladkii dhacay iyo in walaalahay Ahmed Mohamed (Siilanyo) iyo Abdirahman Aw Ali ay naftooda u hureen iyaga iyo saraakiishii ciidamada iyo dadkii badnaa ee hubka qaatay kuwaas oo dhamaantood u adkaysan waayay dulmigii, dilkii aan loo kala aabo yeelayn mid yar iyo mid weyn, kufsigii hablaha iyo dumarka la qabay, dhicii hantida dadka, Aabihii iyo Hooyadii saqda dhexe ee habiinkii iyaga oo caruurtoodii la hurta loo soo dhacayay oo la xidhaayay iyaga oo waxba gaysan, burburkii lagu sameeyay caqligii dadka, waxbarashadii, iyo caafimaadka. Dhamaantiin mid dhintay, mid nool oo jidhka ka caafimaad qaba, iyo mid naafo noqdayba waxaa haysateen oo ku noolaydeen nolol aad u fiican balse aad naftiinii iyo tii reerihiinaba u hurteen si aad wax uga bedeshaan xaaladda markaa lagu jiray oo geeridu dhaantay. Ilaahay wuu idin la qabtay oo waydin ku guulaysateen mar xalado badan oo aad u adagna waa laga soo gudbay iminkase waxaa la joogaa heer wax kastaaba yaanay ahaanin sidii laga rabay laakiin ay Insha' Allah ku socoto marxalad fiican oo qof kasta oo Somaliland ahi xaqiisa uu helo khayraadka wadankana si siman oo cadli ah loo qaybiyo. Waxaan halkan jeclahay in ay fariintaydu gaadho dhamaan dadka ku nool Somaliland, walaalkay mudane Ahmed Mohamed (Siilaanyo), mudane Abdiraxmaan Aw Ali iyo Walaalkay madax weynaha mudane Daahir Riyaale. A. DADKA SOMALILAND Waxaan walaalayaal dumar iyo rag, caruur iyo cirooleba doonayaa in aan idin idhaahdo nimco ayaa ku jirtaane ha iska daadinina qof dan isaga u gaar ah wataana yaanu jar idinka ridin. Qof kasta waxaa waajib ku ah in wadanka nabad gelyadiidsa ilaaliyo ciddii khatar ku ahna uu farta ku fiiqo. B. AHMED MOHAMED (SIILAANYO) IYO ABDIRAHMAN AW ALI Waa in aydin ku qanacdaan go,aanka maxkamadda haddii kale waxaydin u soo dagaalanteen waa “HAL BACAAD LAGU LISAY” ama “BIYO COL DHAANSHAY”. Isbedelka fiican ee aydin rabtaanna ma imanayo. Waxaa nagu leedihiin xaq iyo abaal badan ilaahay ayaa idiin gudi kara, taariikhda Somalilandse waxaa kaga jirtaan meel aad u wayn. Walaalayaal waynu wada dhimanaynaa ee ilaahay ka baqa oo ku qanca qadarka iyo nasiibkiina. Waxaanu walaalayaal idinka codsanaynaa oo idinka rajaynaynaa in aydin si wanaagsan oo qalbi furan oo niyad fiican iyo walaaltinimo ku jirto u taageerrtaan Daahir Riyaale iyo dawladdiisa. Daahir waa qof malakul mawtna wuu sugayaa dhulka iyo dad intii noolba way hadhi waqti kow iyo laba la yidhina waxba maaha oo berito. Haddise aydin sidaas yeeli waydaan waxaad ogaataan in dad badan oo wanaagga Somaliland jeclayni ka faa’iidaysanayaan mawqifkaas aad qaadateen oo wadanka qas ku abuuri karaan. Dadka xabad qori ka dhacdaa uun ma layso (disho) ee siyaabo badan oo kale ayay dadku u dhintaan kaneeco yar oo cuntayna ku daroo. Waad xusuusan kartaan markii aad dagaalka kula jirteen ciidamadii dawladdii Siyaad Bare idinka oo dagaalamaya ay dadkiina kaneeco laysay oo dabadeed dagaal kale halkaas idinkaga furmay. Walaalayaal waa in aydin u wada shaqaysaan dhamaantiin sidii wadanku ku gaadhi lahaa horumar dadkuna nabad ku wada noolaan lahaayeen . C. DAAHIR RIYAALE KAAHIN Waxaan kuu hambalyaynaynaa nasiibka aad u yeelatay in aad taariikhda Somaliland noqotay madax weynihii u horeeyay ee si sharci ah lagu doorto, nasiib darose aan weli adduunku ictiraafin. Madaxweyne waa masuuliyad aad u wayn ilaahay ha kula qabto. Anigu kuguma eedaynayo in aad tahay musuq iyo laaluush cune laakiin waddanka in badan ayaad iminka ka ahayd madax wayne ku xiggeen iyo madax wayneba maamul xumo badan ayaana wadanka ka jirta. Anigu haddaan tusaale u soo qaato Somaliland ilaha dakhligu ka soo galaan waa yar yihiin taas oo ay dadku u siman yihiin meel kasta oo dalka ka joogaan. Haddaba su’aasha aan ku waydiinayaa adiga iyo dawladdaada waxay tahay sidee ayay u dhacday in dadkii ilaha dhaqaalaha loo dhiibay laga soo bilaabo 1992 ilaa hadda ay haystaan? Ma dhaxal ayay u heleen? Somaliland si fiican ayay isugu filaan kartaa haddii dhaqaalaheedda si fiican loo maamulo. Waxaa madax weyne adiga oo iga raaliya kuu soo gudbinayaa dhawkan qodob ee hoos ku qoran ; 1. Madax weyne waa in ay meesha ka baxdo sadaqada ay ururada shisheeye idin siiyaan ee idinkuna ku darsataan miisaaniyadda sanad laha ah. Waa in aad si fiican ula xisaabtantaa dadka ka masuulka ah xoolaha ummadda. 2. Madax weyne waa in aad ilaaliso xuquuqda dadka xasuusatona in ilaahay mar walba kula xisaabtamayo. Wixii hore u dhacayna aanay dhicin mar labaad qofna xaqiisa yaan la duudsiyin. 3. Dadka haya meelaha sar sare ee dawladda la galiyo diiwaan wixii ay hanti leeyihiin intaan xilka loo dhiibin una samayso guddi u gaar ah oo daba gasha laaluushka iyo lunsiga xoolaha qaranka. 4. In aad u saarto guddi sidii wadanka sucuudiga loogala xaajoon lahaa sidii xoolaheena loogu iib gayn lahaa wadankooda. Madax weyne xitaa haddii aad adigu tagi karto waa in aad tagtaa. Haddii kalena aad u saarto guddi balaadhan oo aad xoog saarto sidii dhaqaalaheena kowaad u soo noqon lahaa mar labaad. 5. Mar haddii aanaynu weli hayn ictiraaf waxaa wanaaggu ku jiraa in aad la tashato mucaaridka si fiicanna u wada shaqaysaan. 6. Wax badan ayaynu isku maaweelinay in aynu helnay dad khayraadka wadanka inoo soo saara, mase dhicin taasi oo been ayaynu nafteena in badan hadda ku maaweelinaynay. Sida kaliya ee aynu khayraadkeena uga faa’iidaysanaynaa waxa weeye inaga oo isu tagna oo qof wal oo Somaliland ahi uu qaybtiisa ku darsado ha yaraato ama ha waynaato’e . Laguna dadaalo sidii loo soo saari lahaa. Waxaan haddaba haddii aad dawladdii tihiin la idinka baahan yahay in aydin ka shaqaysaan sidii arintaas loo suurto gelin lahaa. 7. Waxaa madax weyne kale oo aan kaa doonaynaa in aad samayso gudi ka wakiil ah baytul maal. Maalkaas oo ka imanaya xagga dawladda iyo dadkaba lana siinayo dadka xaqa u yeeshay. Nidaamkaas oo suurto galinaya siddii loo soo ururin lahaa sakada, sadaqada iyo dawladdu waxay ku darto si loo caawiyo dadka badan ee tabaalaysan. Sidaad og tahayba maanta waxaan leenahay ururo badan oo samofal ah waxaase aynu u baahan nahay in aynu awooddeena meel isugu gayno. 8. Madax weyne waa in aydin ansixisaan sharci gaar ah oo khuseeya sidii warshad loogu samayn lahaa sibidhka Berbera. Dawladdu waa in ay samayso mashruuc baadhaya sida ay suurto gal u tahay in mar labaad la isku dayo in la sameeyo sibidhkii taas oo wadanka u celin lahayd lacagta adag ee dibedda uga baxda soona gelin lahayd lacag adag marka loo iib geeyo dalalka aynu jaarka nahay. Waa in aydin isku daydaan sidii aydin ula xidhiidhi lahaydeen shirkaddii qandaraaska lagu siiyay in ay maamusho warshadda sibidhka ee Berbera 1984 kii. Taas oo ahayd Fransiis magaceedana loo yaqaanay LAFARGE COPPEE LAUALIN. Bishii February, 1985 waxaa dawladdii Somaliyeed saxeexday heshiis ay la gashay shirkaddii la odhan jiray FRENCH AGENCY CAISSE CENTRALE DE COOPERATION ECONOMIQUE. Taas oo bixisay US$16.4 milyan oo amaah ah. Lacagtaas wax yar ayaa mashiino lagu soo iibiyay intii kalena waxa loo kala qaatay dilaalnimo oo halkii lagu saxeexay ayaa lagu kala qaybsaday. 

A.A. JAMA London,uk    Email: achmed_66@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE