Xukuumadu
way ku guuldaraysatay in ay sugto nabadgelyada dadka ajaanibka ee u martida
ah, ka dib dilkii ka
dhacay magaalada Boorame oo ay ahayd in ay ku baraarugto.
SDWO
– London 23rd Oct 03 (Somaliland Democracy Watch Organisation)
Waxa aan aad uga xunahay isla markaasna canbaaraynaynaa falal denbiyeedka ka
dhanka ah dadka ajaanibaka ah ee naftooda u huray hormarka iyo wax u qabadka
Jamhuuriyada Somaliland. Waxa mid
aad looga xumaado ah dilkii waxashnimada ahayd ee loo geystay Maamulahii
dugsiga Sheekh iyo Afadiisii ee u dhashay dalka ingriiska iyo gabadhii
talyaaniyada ahayd ee Boorama lagu dilay, gabadhaas oo ka hirgilsay dhakhtarka
daaweeynta cudurka qaaxada iyo dugsigii caruurta dhegoolayaasha.
Marka ugu horeysaba
waxaan halkan tacsi uga diraynaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen iyo
dhamaa shacbi weynaha Somaliland oo dareemi doona waxqabadkoodii.
Falalka noocan oo
kale ah oo aan hore dalka uga dhici jirin waxa ay ku salaysantahay arimo
siyaasadeed (Political Assassinations) oo lagu mijo xaabinayo jiritaanka
qaranimada Somaliland, horumarka iyo nabadgelyada ka jirta dalka, horumakaas
oo soo jiitay indhaha caalmaka, mararka qaarkoodna lagu tilmaami jiray meelaha
ugu nabdoon geeska afrika.
Somaliland waxa ku
waajib ah in heegan loo ahaado la dagaalanka falalkan khaarijiska ah ee ka
bilaabmay dalka una eg kuwo laga soo abaabulay dalka dibadiisa, kana
danbeeyaan dadka ay boogta ku noqotay jiritaanka Somaliland kuwaas oo isugu
jira qaar u dhashay dalka
iyo kuwo shisheeyeba ah.
Wasaarada Arimaha
Gudaha waxa waajibkeedu ahaa ka dib dilkii Boorma ka dhacay in dhamaan la sugo
nabad gelyada dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan meel wal oo ay joogaanba,
waxa hore loo yidhi mar idagge alle ha daggo, laba i dagge se anaa isku daggay.
Arintaas ceebteedna waxa iska leh wasaarada arimaha gudaha iyo Taliyaha
Ciidanka Booliska oo ka masuula nabad gelyada dalka gudahiisa, waxaana nasiib
daro noqotay in aanay sugin nabadgelyada dadkaas la laayey ka dib dilkii
Boorme jawaabteedna looga fadhiyo.
Waxa jirtay ninkii
hore ee ajaanibka ahaa ee Switzerland ka ahaa ee sanadkan horaantiisii
lagu dilay Hargeysa Star hotel hortiisa, ninkaas oo 3 nin loo hayey
dilkiisa oo imika uun lagu baraarugay in maxkamad la horkeeno wax warana aan
mudadaas xukuumadu ka soo saarin
dilkiisii. Hadii aan
si degdega ah wax looga qaban afartan
kiis ee dilka ajaanibka ah, waxa sii badandoonta dilka ajaanibka loo
geeysanayo si dalka looga saaro Haayadaha, sidaas darteedna Somaliland ay
ku weydo waxqabadka ay hayadahu ka wadaan dalka oo dhan, aduunkana loo
tuso in aan Somaliland Muqdisho waxba kaga duwanayn, taasi oo ah ajandahooga
ugu weyn ee cadowga dalka gudahiisa iyo dibadiisaba ku sugan.
Sidoo kale arintan
waxa ay daba socotaa iyadii oo hada uu caalamku indho gaara ku eegayey
Somaliland kuna qanacsanaayeen nidaamka iyo kala danbaynta ay Somaliland
gaadhay, doodo badanina socdeen sidii aqoonsi buuxa loo siin lahaa Somaliland,
maadaama ay buuxisay shuruudaha uu leeyahay qaran jiraa.
Gebogebadii
Xukuumada waxa looga baahanyahay in arimahaas dilalka ah ay xil weyn iska
saarto kolbana waxii ka soo kordha wax ka qabadkooda
shacabkeena iyo aduunkaba loo soo bandhigo in lagu hawlanyahay soo
qabashada denbiilayaashaas. Marlabaadna
waxaan xukuumada u soo jeedinaynaa in ay si buuxda u damaanad qaado amaanka
dadka ajaanibka ah ee hawlaha ka wada dalka.
Allaa Mahad Leh
- Long Live Somaliland
Guled
Cabdi Maxamed
–
Gudoomiyaha Ururka
Mukhtar
Ahmed Sh. Adan –
Gudoomiye ku Xigeen
Axmed
Maxamed Yusuf
– Afhayeenka Ururka
Foosi
Xuseen Rooble
- Wakiilka ururka ee
Pakistan
Kaysar
Mahad Cumar
– Wakiilka ururka ee
Hargeysa