|
|
Cali-Qoryoolay muxuu ku xidhan yahay? Waa warqad furan oo toos ugu socota Golaha Wakiillada Qaranka, ee xeer dejinta dalka Somaliland, xafiiska ilaalinta xuquuqal Insaanka ee Hargeysa, uga furan. Sida la wada ogyahay aqoon yahan Cali Qoryoolay, oo ah nin dhallinyaro ah wuxuu ahaa muwaadin ku aragti dheer siyaasaddaha guracan ee dalka ka socda, oo aan ka gaban in uu dareenkiisa diidmada ah ku cabiro qawl iyo ficilba, iyada oo xuquuqdaa sharciga ah uu siiyey distoorka Somaliland, isla markaana xukuumadda Somaliland ka mid tahay Dowladdaha saxeexay in ay dhawrto xuquuqal Insaanka. Haddaba, waxa la yaab leh in uu Cali Qoryoolay, markii labaad muddo laba bilood ah u xidhan yahay fikrad uu aaminsan yahay oo ku saabsan dibu dhiska dalka, kuna soo baxday wargeysyada madaxa bannaan, sidaa awgeed waxay dadweynaha reer Hargeysa is weydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin kuwan maadaama distoorka Somaliland muwaadinka u ogol yahay xoriyada hadalka qawl iyo ficilba waa maxay qodobka sharci ee loo cuskaday xabsiga Cali Qoryoolay, ee soo noqnoqonaay. Dadka qaar waxay leeyihiin xukuumaddu haddii ay marna ku doodo distoorbaa la jebinayaa marna iyadu jebiso maxaa laga yeelayaa arrintu ma khiyaamaa, mise waa quudhsi ay shicibkan u aragtay dad masaakiin ah oo marba dhinacii la rabo loo duwan karo. Qaar kalena waxay leeyihiin Cali Qoryoolay, wuxuu jebiyey xeer hoosaad ay beeli ku heshiisay waxaana xabsigiisa loo cuskaday qodobkii hore loogu xukumay odayaashii reer Hargeysa, ee ka qayb galay shirkii tuulada Beer, ee Gobolka Togdheer sannadkii 1996kii. Sida la sii wada xusuusan yahay shirka waagaa lagu qabtay tuulada Beer, oo ahaa mid jiritaanka Somaliland dhidibada loogu soo adkaynaayay kamay qayb gelin xukuumadda Somaliland iyo odayaasha guurtida ee xukuumadda ka amar qaataa, hase yeeshee, waxa ka qayb galay odayaal ka mid ah beelaha reer Hargeysa, oo ay ka mid ahaayeen Cabdillaahi Faarax Jire, Xasan Xaydh. Waxase dhacay markay odayaashaasi Hargeysa dib ugu soo noqdeen in xabsiga lagu guray, waxaana jiray dad reer Hargeysa ah oo xabsiga odayaasha u arkaayay mid ay mutaysteen waa iyaga iyo garashadood’e, haddaba, Caliyow, maantana waxa Hargeysa ku nool dad maan-gaab ah, oo xabsigaagan dulmiga iyo gardarada ah u arkaaya mid aad galabsatay oo kugu waajibay, sidaa awgeed waxaanu sad iyo sooryo kaaga dhigaynaa sabir iyo adkaysi ilayn jiritaanka dalkaaga hooyo waaba loo dhintaaye. Waxa kale oo aanu kugu hambalyeynaynaa fikrada waddaniga ah ee aad aaminsan tahay oo laga yaabo in ay dhallinyarada da’daada ahi soo gaadhi doonaan himiladaada fog iyo maskaxdaada cusub ee ku fikiraysa jiritaanka dalkaagu inay ku jirto, adiga oo dhinaca kalena ay kuu muuqato in aanay waxba inoogu dhismaynin horumarna lagu gaadhayn qabiil barar, doolar barar, sicir barar, talo maroorsi, wax kala qarsi iyo cid wax gaar ah sheegata oo iyagu kubadda isla ciyaara siidhigana isu qabta fikradaas oo ah mid madhalays ah iyo aragti gaaban oo aan rag iyo Rabitoona waxba u reebin. Arrintu si kastaba ha ahaatee Caliyow ummaddu xabsigaaga kama xuma dulmi iyo gardaraba ha ahaadee, waxaanuse ka xunahay marxaladda uu dalku marayo iyo kaalintii firfircoonayd ee aad halganka kaga jirtay oo maqan. Ugu dambeyn waxaanu ugu baaqaynaa xafiiska xuquuqal Insaanka ee Hargeysa uga wakiilka ahi in uu arrintan ka qaato tallaabada ku haboon ee waafaqsan xeerka ay xukuumadda Somaliland saxeexday, haddii kale waxay arrintu gaadhi doontaa cidday khusayso ee xafiiskan ka saraysa. Biixi Suufi Abokor, Hargeysa.
|