(SNN):Eng.Maxamed
Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee ku Mucaridka ah
Xukuumada Madaxweyne Cigaal ayaa maanta(Arbaca) ay SNN waraysi khaas ah
kula yeelatay magaalada hargeysa ee casimada Somaliland, Engineerka oo
waraysigaasi kaga jawabayay dhinacyo fara badan oo ku saabsan dhaqalaha
dalka, marxalada siyaasadeed ee uu dalku maanta marayo iyo siduu u arko
rayigiisa in marxaladani lagaga gudbi karo, Eng. Maxamed Hashi waa nin aad
looga qadariyo guud ahaan Somaliland isagoo lagu tilmaamo nin shaqo weyn
ka soo qabtay dhismihii Caasimadda Hargeysa, waxaanu ka mid ahaa labadii
Musharax ee doorashadii 1997 kula tartmayay madaxweyne Maxamed Ibraahim
Cigaal.
Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:
Su'aal SNN:
Sideed u aragtaa guud ahaan xaaladda
siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalku maanta marayo?
Jawaab M.Hashi:
Aad baad u mahadsantahay, xaaladda aan maanta maraynaa waa xaalad
adag,Ilaahayna ha inoo fududeeyo, waxa siyaasiyan jira doorashooyin dhici
lahaa, doorashooyinkiina dibay udhaceen, waxaanay dib ugu dhaceen
xukuumadda oo xilkii ka soo bixi wayday loo igmaday ee ahaa inay ummadda
doorasho gaadhsiiso, kaasoo ku ekaa in doorashadu ay dhamaato 23-ka
January ee bishan wixii ka horreeyay, taasi may dhicin waxayna
ahayd kolka M/weynaha iyo M/weyne ku xigeenka la doorto bishan January
23-keeda in February 23-keedana bishaa handover-kiina bixiso
masuuroobin, waxa ay u suuroobi weydayna waxa weeyaan, waxa ay haysatay
dawladdu, waxa la doortay 1993-kii waxa loo doortay 2 sano oo ku meel
gaadh ah deetana waxa loo kordhiyay hal sano iyo badh tagay, laba(2) sano
oo iyana ku meel gaadha, dabadeedna shan (5) sannadood oo kumeel gaadh ah,
wax ku badan bay ahayd sida runta ah, hase yeeshee shan 5-tii sano iyo
afartii 4-tii ka horreeyey ayay dawladdii ku ku simi weyday inay ummadda
gaadhsiiso doorasho xor ah oo xalaal ah oo one man one vote ah,
taasina hakis weyn bay ku keentay geedi socodkii dalkan Somaliland,
sababtoo ah waxaynu ku dhawaaqnay lasoo noqoshadii 18-kii may xornimadii
60-kii inaga luntay, waxaynu u qaadanay aftidii dastuurka oo ahayd oo
laysku raacay 97%, marxalad bay noqotay aynu ka soo wareegnay, kolkaa
waxay ahayd inaynu kasoo guurno habkii beelaha oo aynu hab qaran u guurno,
doorashadan oo dhacda, kolkaa hakis weynbay ummada ku tahay, intaa waxa
dheer waxa weeyaan sharciyadii oo kala dhinaa awgeed oo dhower
sharcibaanay xukuumadu soo dhamaystirin waxay golaha wakiilada kusoo
wareejisay qoraalo ama talagalkooodii o aan dhamayn, waxa kamida
jinsiyaddu may soo cayimin yaa vote-garaynaya yaa wadaniya, yaa
somalilander ah, yaa xaq uleh inuu vote gareeyo, may sheegin, waxa kale oo
ay bixisay degmooyin iyo gobolka Saaxil oo ay magacawday, oo ayna iyagiina
u samaynin xadadkii gobolada iyo degmooyinka kala lahaayeen oo aanu golaha
wakiiladu iyagu xaq u lahayn inay sameeyaan, laakiin inuu ansixiyo uun ay
ahayd. Waxa kale oo golaha wakiiladu iyaguna dib ula hadheen tii
doorashadii golaha wakiilada iyo tiro koobkii, kolkaa xalado badan oo
caynkaasa oo hadhsan oo nusqaana jiray, dalkana dib u dhaca taasaa u
keentay, mushkilada kale taalaa waxay tahay dawladda oo doonaysa inay
tidhaahdo doorashooyin baa lagalayaa laakiin doorashooyin aan qaramaysnayn
ee beelaysan, bil masal local governmentka Hargeisa waxay odhanaysaa
intaas oo reer hebel ah, intaas oo reer hebel ah iyo intaas oo reer hebel
ah, dee wuxuna reer hebel in laga baxay ahayd oo one man one vote-ka ninba
intuu ka helaayo hadday ilmaadeer yihiin iyo hadday walaalo yihiinba siday
doonaan ha ahaadeene inay ahaatay ahayd, gobolada qudhooda waxay
yidhaahdeen Awdal intaasay leedahay, gobolka Hargeisa intaasay leedahay,
Togdheer intaasay leedahay, Saaxiil intaasay leedahay, Sanaag intaasay
leedahay, Sool intaasay leedahay, yacnii waa wax ay kharideen oo ay
deetana ku xadidayaan reerihii degana tiradoodii , taakaa mushkiladda
keentay oo reer boorama taasay kaga baxeen golaha oo ay yidhaahdeen anagu
waxaanu doonaynaa one man one vote hadday tiradayadu yartahay iyo hadday
badan tahayba waxaanu doonaynaa inaanu ku helno wixii aanu nahay, iyana
waxay noqotay cawsle la muuseeyey oo beelihii laga bixi lahaa oo haddana
hab kale oo diric kale loo galiyay uunbay noqotay.
Dhinacaasi waa dhinacii siyaasadda, xaga kale waxaad la
socotaan in Maraykan iyo Kenya la sheegayay inay yidhaahdeen Somaliya
waxaanu u dhisaynaa DOwlad laxaad leh, waxa Television-ka Aljazeera laga
sheegayisagan nin Suudaaniya oo khabiira sheegay inuu maraykanku
damacsanyahay inuu Maxed Ibrahim Cigaal uga dhigo dawladaa
M/weyne in la sameeyo, odhaahyo hore oo M/weynuhu bixiyayna way jireen oo
kusaabsan iyaduna waa arrin ina dul sudhan weli, si kastaba ha ahaatee
dadku goaan buu gaadhay afti buu Dastuurkii ku ansixiyay, isaga dadka
xagiisa wax ka soo noqod maleh, xaaladihii maanta waxay la taalaa golaha
Guurtida, Guurtidu waxay doonaysaa inay M/weynaha u kordhiso dadkeenu wuu
ka aamusanyahay, haddii dawladu doorasho xalaal ah gaadhsiinteeda ay ka
gaabiso waxa la yeelaayo , Dastuurku wuu ka aamusanyahayoo waxba kama
qorayo, kolkaa Dastoorkii in amendment lagu sameeyo oo wax laga bedelaa
waxay noqonaysaa in Qodobka dasturka ee 126 laraaco kaasina waxa ka soo
horaynaysa mudadii oo ka dhamaaanaysa M/weynaha iyo m/weyne kuxigeenka,
halkaasi waa carqalad soo korodhay, Qodobka 83aad ee ku jira dastuurka ee
odhanay haddii nabad galyo darro darted dorasho xor ahi u dhici weydo,
guurtidaa dib udhigaysa, taasna waxaan haysanaa maanta Xorriyad taam ah,
Ilaahay mahadii weeye dalku wuu degen yahay, statics-keenii UN-ta waa
labadalay, Kenya diyaaradaha kayimaada ee united nation-ku Hargeisa way u
hoydaan, jaararkeena dadka ka soo qaxa ee UN-ka ahi Hargeisa ayay
yimaadaanoo kusugaan mudada ay dhanuun u dhacayaan, nabnadgalyo taama
ayaynu haysanaa; waxa la inoo qiray inaynu haysano nabadgalyo buuxda oo
wadamada intooda badan aynu ka nabad galyo badanahay, kolkaa inay maanta
Guurtidii tidhahdo waa nasiib darro inay taasi inagu keento wayna leedahay
saamaynteeda iyo dhibaatadeeda ay ku yeelanayso UN-ka iyo hayadahan
internationalka hadday ku dhawaaqdo guurtidu sidaa, kolkaa arrimo badan oo
sidaasaa jira, laakiin wuxaan hubaa anigu in inta uu yidhaahdo
madaxweynuhu ii kordhiya ay kordhinayaan kuwii oo sharci ay raacaana uuna
jirin, waa siday u dhacdaa saasaa 97-kii ba ay u dhacday, maantana sidii
bay u dhacday; anigu in badanbaan sheegay in doorasho xor ah oo xalaal ahi
dhici Karin inta uu wadaadkaasi joogo meesha.
Dhinaca dhaqaalaha, adhigii waa la joojiyay laakiin dhaqaaluhu xaga adhiga
uun maahee waxa lagu socde wax lagu wadaa waa wixii dalka laga soo
ururinayay, dhaqaalaha oo sida runta ah inagu filan haddii lafarsameeyo,
waxa jira dakhliyo badan oo aan khasnada dawlada gelin sida bakhaarada
dawlada ee Berbera sida lacagtii adkayd ee xoolaha laga qaadi jiray markii
la dhoofin jiray dekeda berbera wixii kasoo baxa,wasaarada duulista circa
oo ilaa 2000-ka wixii ka horeeyay aan iyana dakhliga usoo galaa aanu ku
dhici jirin khasanada dawlada lacagtaas oo ilaa shidaalka berbera ee
cashuurtiida total qaado oo ah inay hayad aan dowlada ahayni cashuur
qaadaa ay xaaraan tahay,waxay maraysaa iyana cashurta ay qaadaa kuma
dabaqsana,intaas waxa wadda qiray Wasiiradii Maaliyada ee war bixinaha
siinayay miisaaniyada, nasiib daro golaha wakiiladu ma daba galo, gudi uma
saaro, waxa wasiirku sheego ee uu yidhaa khasnada ma galaan, ma daba
galaan iyana waxa nasiib daro ah wasiirka maaliayada, ha ahaado ama
wasiirka ganacsigee,dee waxay ahayd in isaga qudhiisu ileen isagaa ka
masuulee uu qaatay ahayd taasina ma dhacdo wuxuu yidhaa, amarbaa lay
siiyay laakiin waxay ahayd inuu iska Resign-gareyo markay arimuhu halkaa
marayaan taasina ma dhacdo.
Kolkaa nasiib darooyin xaga dhaqaalihii way jiraan illaa
163 Malyun oo Dollar ayaa khasnada ka maqan waa inta aan anigu ogahay oo
ayna ku jirin lacagtii ay Liibiya ina siisay, lacagta uu Baanku sarifo
kuma jirto, laakiin wixii caadiga ahayd ee hadhaaga miisaniyada oo aan
lagu darin sannadka dambe, anigu kolkaan isu geeyay illaa 163 Malyuun baan
ka dhigay, kolkaa dhaqaale bur bur baa jira, waxa jira taasoo Gobolada
qaarkood sida Sool oo kale la tabeeyay, walaahi maanta cabsiduna ma yara,
maantaan anigu ugu war war badanahay markii aanu Jabhada ahayn maantay
igaga war war badantahay, waxaan aad ula yaabay kolkii Somaliland Forum
talo kusoo bixiyeen lix bilood ha loo kordhiyo waayo waxa weeye hadii
labadii sano ee loo kordhiyay ku filnaan waayeen laba sano oo kale lagu
daro oo korodhsiimaa , shan sannadood oo ku meel gaadh ahaa, yacnii
caqliiyada odhonaysa lix bilood buu ku fulinayaa waa caqliyad aad uga fog
xaqaaiqa dalka yaala, wax badan oo aad debeda ka qabataana waa jiraa,
waana laa shukra calaa waajib, laakiin xaaladii dalku halkaasay maraysaa,
aqoontiina, wax qabadkiina iyo wax ka odhaahdiina iyo dadka
baraarujintiinu waxaad moodaa dadku inay dadku u dhego nugul yihiin ka
maqan, oo ka dhex jooga aanay inta badan wax ka dhagaysan, laakiin ka
maqani inuu ku leeyahay Tacdiir balaadhan, idinkuna dadaalkiina halkaa ka
wada.
Su'aal SNN: Maxamed
dhawaan waxaad ururka ASAD ku wada dhawaaqdeen shir weyne Qaran, intii aad
ASAD doorashada kusoo dhawayn lahaydeen ma waxay noqotay idinkii inaad
shir weyne Qaran ku dhawaaqdaan?
Jawaab M.Hashi:
Horta cid diidani ma jirto inay doorasho xalaal ahi dhacdo,ama
ASAD ha ahaato ama Salaadiinta Burco, iyo Beelaha Burco degen ha ahaatee
cid diidan doorasho xalaal ahi dhacdo ma jirto, lakiin cid waliba waxay ka
war warsanayd inaan doorasho xalaal ahi dhacayn sida runta ahna sidii ay
sheegayeen maanta way taagantahay,oo waa tan la leeyahay hala kordhiyo,
iyagu taasuun bay lahaayeen wax halagii sii qabsado, ASAD kumay se
khaldanayn hadday tidhi doorasho xalal ahi dhici mayso salaadiinta burco
iyo labadii Gudi ee burco u midaysnaa tay lahaayeen wax beena may ahayn,
Annaguna waanu garanaynay laakiin anagu waxaanu lahayn la gudhiya ilaa
sharciga inta u dambaysa, tiina waa taa maanta isa soo xidhay ee aynu
sheegayno ee doorashadii dhici lahayd ee local-ku aanay dhicin tii madax
weynaha iyo madaxweyne ku xigeenku aanay dhacayn tii baarlamaanka ay cabsi
ku jirto intan uun buu dadku sii sheegayay sida runta ah , dadkii lahaa
doorashaa dhacaysa waa dad aan fahmin ama aan garan ama taariikhda la
socon, maamulka maanta jira inaanu waligiiba doorasho xor ahi oo xalaali
ahi aanay ka dhicin tii hore 1969kii wixii ka dhacay waa tii la ogaa,
Afweyne ayay dhashay. Anagu waxaanu ku talo jirnay inaanu soo dhawayno
ASAD iyo beelaha Burco iyo ururada kale 3-4 bilood bay nagu qaadatay intii
aanu isu soo jiidi lahayn walina kamaanu hadhin, ASAD wuu noo socdaa wada
hadalkii Salaadiinta iyo qolada Burcana wuu noo socdaa kuwa Hargeysa
joogana wuu noo socda. Waxaan qabaa waxaan Guurtidu xumaynin Somaliland
kama xumaan karo.
Su'aal SNN:
Waxa la sheegayaa inay madax dhaqameedyadu
dhawaan qaban doonaan shirweynihii Qaran iyadoo uu 23 January soo
dhawyahay, markaa makala hadasheen si aanay Dowlad laaani inoogu dhicin
inay qorshahaa dib u dhigaan?
Jawaab M.Hashi:
Horta kolka aynu Dowlad laaan ka hadlayno Dowlad ku meel gaadh ah iminka
waa loo baahan yahay oo lagama gadhsiin karo doorasho lix iyo tobanka
cisho ee hadhay iyaguna tanuubay ka siihadlayeen inta aanay dhicin shir
qaran hala qabto oo dawlada halasamaysto uunbay lahaayeen, halka uu golaha
guurtidu ha loo kordhiyo si sharcidaro uu u leeyahay waayo QOD.83aad
maanta kuma jirno xaalad nabadgelyo daro ah kolka taasaanu u kordhinay ay
yidhaahdaan waa mushkilad taagan oo ay abuurayaan.
Su'aal SNN:
Adigu waxaad tahay nin Soomaalilaanimada ku
ad-adag, Suldaamada aad baaqooda taageersan tihiin waxa ku jira rag
xildhibaano carta ah oo aan mawqifkooda cadayn markaa ma kala hadasheen
arintaa?
Jawaab Hashi:
Way jiraan laakiin qoraalkii ay soo
saareen Suldaamadu waxay yidhaaheen Somaliland waa muqadas Suldaanka aad
sheegaysaan kuwaa saxeexay ayuu ka mid yahay inay Somaliland muqadas tahay,
ee mid ma ogtihiin idinku Wasiirkeena khaarajigu inuu isaguba Carta ahaa,
uuna ka yimid Muqdisho oo uuna odhan waan ka baxay, oo aanu inoo sheegin
iyadoo meesha uu inoo hayaa ay tahay meel xaasaasi ah oo khaarajigii ah,
isaga Anigu hadaan ka maarmi waayo Beel ahaan usoo galo siyaasiyan ma waxa
loo waayay wasiirka caafimadka iyo meel kale oo lagu leexiyo, arintu
dhinucuun kama xumee xukumada ayay wax ka si yihiin.
Su'aal SNN: Ururkiinan SAHAN
waxaa ku jira rag kasoo tirsanaan jiray Xukuumada, Wasiiro iyo
Agaasimayaal guud, may cadayn jirin waxba intay xilka hayeen, haddii
madaxweyne kale xilka qabto iyagana loo dhiibo xilal wax may cadayn? Mise
markay xilka tiriyaan ayay mucaarid noqon ?
Jawaab Hashi:
Dadkii dawlada u shaqaynayay ceeb kuma
aha inuu dawlada u shaqeeyo laakiin wuxuu qabanayay ayay ku
xidhantahay,waataan ku lahaa wasiirka maaliyadu ama ka ganacsiga, oo
ogaladay in hantidii umada la baal mariyo ee isagu masuulka uu ka ahaa waa
dambiile, kama saamaxayso laakin nin wasiir ahaa oo shaqaynayay baa ku
jiray mid DG ahaabaa ku jiray ceeb maaha shaqadu, laakin wuxuu la yimaado
ah ayaa Record ah, laakin waxaan qabaa in nin walba faylkiisa la furo loo
raaco.
Su'aal SNN:
Halkee ayuu marayaa kulankii aad lahaydeen ururadiina siyaasadu, gaar
ahaan ASAD?
Jawaab Hashi:
ASAD ku kala tagnay waxay ahayd shir beeled hala qabto iyo hala is diiwaan
geliyo, oo doorashada hala galo, qolayaha kalana , waxa faraqayagu ahaa
Dowlada haloo kordhiyo iyo Dowlada mudadeeda korodhsiimo looma baahna
wixiise la qabanayaba sharciga hala waafajiyo ayaanu leenahay laakin waa
la kordhiyay aan meelnaba la waafajinayn taas ayaanu kasoo hor jeednaa.
Su'aal SNN:
Guddida doorashada mala kulanteen weli ?
Jawaab Hashi:
Shalay baanu la kulanay si wanagsana waanu u wada hadalnay, gudidu waxay u
baahan tahay inay wixii ay ku shaqayn lahayd la siiyo, inay Gaadiid
lahaato Dalku wuu kala fogyahay, inay tirokoobkii sameeyaan, inay
hawshooda galaan iyo inay daacad ka noqdaan hawsha ay ku jiraan kolkay
halkaa yimaadaan inay noqdaan dad ummadda u shaqaynaya, si wanaagsan
ayaanu u wada hadalnay , midh waanu uga dignay in sanaaduuqda, shaambdaha
iyo waraaqaha doorashada in waxaasi ay UDUB sii samayso, Annaga xagayaga
xaaraan bay ka tahay, waayo waa shaqadoodii, hadday sameeyaana inaad
aqbashaan maaha.
Waxa
wareysigaas SNN u Qaadey:
Maxamed Xuseen Jaamac (Moxamed
RAMBO).
SNN Correspondent in Hargeysa, Somaliland.