SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

"Inta uu Cigaal Joogo Doorosho Xalaal ahi Dalka ka dhici mayso".

Sidaa waxa yidhi Eng. Maxamed Hashi Elmi oo uu wareysi khaas ah la yeeshay Weriyaha SNN Somaliland uga soo warama Maxamed Xuseen Jama (Rambo).


(SNN):Eng.Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee ku Mucaridka ah Xukuumada Madaxweyne Cigaal ayaa maanta(Arbaca) ay SNN waraysi khaas ah kula yeelatay magaalada hargeysa ee casimada Somaliland, Engineerka oo waraysigaasi kaga jawabayay dhinacyo fara badan oo ku saabsan dhaqalaha dalka, marxalada siyaasadeed ee uu dalku maanta marayo iyo siduu u arko rayigiisa in marxaladani lagaga gudbi karo, Eng. Maxamed Hashi waa nin aad looga qadariyo guud ahaan Somaliland isagoo lagu tilmaamo nin shaqo weyn ka soo qabtay dhismihii Caasimadda Hargeysa, waxaanu ka mid ahaa labadii Musharax ee doorashadii 1997 kula tartmayay madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal.
   
Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Su'aal SNN: Sideed u aragtaa guud ahaan xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalku maanta marayo?

Jawaab M.Hashi: Aad baad u mahadsantahay, xaaladda aan maanta maraynaa waa xaalad adag,Ilaahayna ha inoo fududeeyo, waxa siyaasiyan jira doorashooyin dhici lahaa, doorashooyinkiina dibay udhaceen, waxaanay dib ugu dhaceen xukuumadda oo xilkii ka soo bixi wayday loo igmaday ee ahaa inay ummadda doorasho gaadhsiiso, kaasoo ku ekaa in doorashadu ay dhamaato 23-ka January ee bishan wixii ka horreeyay, taasi may dhicin waxayna ahayd kolka M/weynaha iyo M/weyne ku xigeenka la doorto bishan January 23-keeda in February 23-keedana bishaa handover-kiina bixiso masuuroobin, waxa ay u suuroobi weydayna waxa weeyaan, waxa ay haysatay dawladdu, waxa la doortay 1993-kii waxa loo doortay 2 sano oo ku meel gaadh ah deetana waxa loo kordhiyay hal sano iyo badh tagay, laba(2) sano oo iyana ku meel gaadha, dabadeedna shan (5) sannadood oo kumeel gaadh ah, wax ku badan bay ahayd sida runta ah, hase yeeshee shan 5-tii sano iyo afartii 4-tii ka horreeyey ayay dawladdii ku ku simi weyday inay ummadda gaadhsiiso doorasho xor ah oo xalaal ah oo one man one vote ah, taasina hakis weyn bay ku keentay geedi socodkii dalkan Somaliland, sababtoo ah waxaynu ku dhawaaqnay lasoo noqoshadii 18-kii may xornimadii 60-kii inaga luntay, waxaynu u qaadanay aftidii dastuurka oo ahayd oo laysku raacay 97%, marxalad bay noqotay aynu ka soo wareegnay, kolkaa waxay ahayd inaynu kasoo guurno habkii beelaha oo aynu hab qaran u guurno, doorashadan oo dhacda, kolkaa hakis weynbay ummada ku tahay, intaa waxa dheer waxa weeyaan sharciyadii oo kala dhinaa awgeed oo dhower sharcibaanay xukuumadu soo dhamaystirin waxay golaha wakiilada kusoo wareejisay qoraalo ama talagalkooodii o aan dhamayn, waxa kamida jinsiyaddu may soo cayimin yaa vote-garaynaya yaa wadaniya, yaa somalilander ah, yaa xaq uleh inuu vote gareeyo, may sheegin, waxa kale oo ay bixisay degmooyin iyo gobolka Saaxil oo ay magacawday, oo ayna iyagiina u samaynin xadadkii gobolada iyo degmooyinka kala lahaayeen oo aanu golaha wakiiladu iyagu xaq u lahayn inay sameeyaan, laakiin inuu ansixiyo uun ay ahayd. Waxa kale oo golaha wakiiladu iyaguna dib ula hadheen tii doorashadii golaha wakiilada iyo tiro koobkii, kolkaa xalado badan oo caynkaasa oo hadhsan oo nusqaana jiray, dalkana dib u dhaca taasaa u keentay, mushkilada kale taalaa waxay tahay dawladda oo doonaysa inay tidhaahdo doorashooyin baa lagalayaa laakiin doorashooyin aan qaramaysnayn ee beelaysan, bil masal local governmentka Hargeisa waxay odhanaysaa intaas oo reer hebel ah, intaas oo reer hebel ah iyo intaas oo reer hebel ah, dee wuxuna reer hebel in laga baxay ahayd oo one man one vote-ka ninba intuu ka helaayo hadday ilmaadeer yihiin iyo hadday walaalo yihiinba siday doonaan ha ahaadeene inay ahaatay ahayd, gobolada qudhooda waxay yidhaahdeen Awdal intaasay leedahay, gobolka Hargeisa intaasay leedahay, Togdheer intaasay leedahay, Saaxiil intaasay leedahay, Sanaag intaasay leedahay, Sool intaasay leedahay, yacnii waa wax ay kharideen oo ay deetana ku xadidayaan reerihii degana tiradoodii , taakaa mushkiladda keentay oo reer boorama taasay kaga baxeen golaha oo ay yidhaahdeen anagu waxaanu doonaynaa one man one vote hadday tiradayadu yartahay iyo hadday badan tahayba waxaanu doonaynaa inaanu ku helno wixii aanu nahay, iyana waxay noqotay cawsle la muuseeyey oo beelihii laga bixi lahaa oo haddana hab kale oo diric kale loo galiyay uunbay noqotay.
   Dhinacaasi waa dhinacii siyaasadda, xaga kale waxaad la socotaan in Maraykan iyo Kenya la sheegayay inay yidhaahdeen Somaliya waxaanu u dhisaynaa DOwlad laxaad leh, waxa Television-ka Aljazeera laga sheegayisagan nin Suudaaniya oo khabiira sheegay inuu maraykanku damacsanyahay inuu Maxed Ibrahim Cigaal uga dhigo dawladaa M/weyne in la sameeyo, odhaahyo hore oo M/weynuhu bixiyayna way jireen oo kusaabsan iyaduna waa arrin ina dul sudhan weli, si kastaba ha ahaatee dadku goaan buu gaadhay afti buu Dastuurkii ku ansixiyay, isaga dadka xagiisa wax ka soo noqod maleh, xaaladihii maanta waxay la taalaa golaha Guurtida, Guurtidu waxay doonaysaa inay M/weynaha u kordhiso dadkeenu wuu ka aamusanyahay, haddii dawladu doorasho xalaal ah gaadhsiinteeda ay ka gaabiso waxa la yeelaayo , Dastuurku wuu ka aamusanyahayoo waxba kama qorayo, kolkaa Dastoorkii in amendment lagu sameeyo oo wax laga bedelaa waxay noqonaysaa in Qodobka dasturka ee 126 laraaco kaasina waxa ka soo horaynaysa mudadii oo ka dhamaaanaysa M/weynaha iyo m/weyne kuxigeenka, halkaasi waa carqalad soo korodhay, Qodobka 83aad ee ku jira dastuurka ee odhanay haddii nabad galyo darro darted dorasho xor ahi u dhici weydo, guurtidaa dib udhigaysa, taasna waxaan haysanaa maanta Xorriyad taam ah, Ilaahay mahadii weeye dalku wuu degen yahay, statics-keenii UN-ta waa labadalay, Kenya diyaaradaha kayimaada ee united nation-ku Hargeisa way u hoydaan, jaararkeena dadka ka soo qaxa ee UN-ka ahi Hargeisa ayay yimaadaanoo kusugaan mudada ay dhanuun u dhacayaan, nabnadgalyo taama ayaynu haysanaa; waxa la inoo qiray inaynu haysano nabadgalyo buuxda oo wadamada intooda badan aynu ka nabad galyo badanahay, kolkaa inay maanta Guurtidii tidhahdo waa nasiib darro inay taasi inagu keento wayna leedahay saamaynteeda iyo dhibaatadeeda ay ku yeelanayso UN-ka iyo hayadahan internationalka hadday ku dhawaaqdo guurtidu sidaa, kolkaa arrimo badan oo sidaasaa jira, laakiin wuxaan hubaa anigu in inta uu yidhaahdo madaxweynuhu ii kordhiya ay kordhinayaan kuwii oo sharci ay raacaana uuna jirin, waa siday u dhacdaa saasaa 97-kii ba ay u dhacday, maantana sidii bay u dhacday; anigu in badanbaan sheegay in doorasho xor ah oo xalaal ahi dhici Karin inta uu wadaadkaasi joogo meesha.
Dhinaca dhaqaalaha, adhigii waa la joojiyay laakiin dhaqaaluhu xaga adhiga uun maahee waxa lagu socde wax lagu wadaa waa wixii dalka laga soo ururinayay, dhaqaalaha oo sida runta ah inagu filan haddii lafarsameeyo, waxa jira dakhliyo badan oo aan khasnada dawlada gelin sida bakhaarada dawlada ee Berbera sida lacagtii adkayd ee xoolaha laga qaadi jiray markii la dhoofin jiray dekeda berbera wixii kasoo baxa,wasaarada duulista circa oo ilaa 2000-ka wixii ka horeeyay aan iyana dakhliga usoo galaa aanu ku dhici jirin khasanada dawlada lacagtaas oo ilaa shidaalka berbera ee cashuurtiida total qaado oo ah inay hayad aan dowlada ahayni cashuur qaadaa ay xaaraan tahay,waxay maraysaa iyana cashurta ay qaadaa kuma dabaqsana,intaas waxa wadda qiray Wasiiradii Maaliyada ee war bixinaha siinayay miisaaniyada, nasiib daro golaha wakiiladu ma daba galo, gudi uma saaro, waxa wasiirku sheego ee uu yidhaa khasnada ma galaan, ma daba galaan iyana waxa nasiib daro ah wasiirka maaliayada, ha ahaado ama wasiirka ganacsigee,dee waxay ahayd in isaga qudhiisu ileen isagaa ka masuulee uu qaatay ahayd taasina ma dhacdo wuxuu yidhaa, amarbaa lay siiyay laakiin waxay ahayd inuu iska Resign-gareyo markay arimuhu halkaa marayaan taasina ma dhacdo.
   Kolkaa nasiib darooyin xaga dhaqaalihii way jiraan illaa 163 Malyun oo Dollar ayaa khasnada ka maqan waa inta aan anigu ogahay oo ayna ku jirin lacagtii ay Liibiya ina siisay, lacagta uu Baanku sarifo kuma jirto, laakiin wixii caadiga ahayd ee hadhaaga miisaniyada oo aan lagu darin sannadka dambe, anigu kolkaan isu geeyay illaa 163 Malyuun baan ka dhigay, kolkaa dhaqaale bur bur baa jira, waxa jira taasoo Gobolada qaarkood sida Sool oo kale la tabeeyay, walaahi maanta cabsiduna ma yara, maantaan anigu ugu war war badanahay markii aanu Jabhada ahayn maantay igaga war war badantahay, waxaan aad ula yaabay kolkii Somaliland Forum talo kusoo bixiyeen lix bilood ha loo kordhiyo waayo waxa weeye hadii labadii sano ee loo kordhiyay ku filnaan waayeen laba sano oo kale lagu daro oo korodhsiimaa , shan sannadood oo ku meel gaadh ahaa, yacnii caqliiyada odhonaysa lix bilood buu ku fulinayaa waa caqliyad aad uga fog xaqaaiqa dalka yaala, wax badan oo aad debeda ka qabataana waa jiraa, waana laa shukra calaa waajib, laakiin xaaladii dalku halkaasay maraysaa, aqoontiina, wax qabadkiina iyo wax ka odhaahdiina iyo dadka baraarujintiinu waxaad moodaa dadku inay dadku u dhego nugul yihiin ka maqan, oo ka dhex jooga aanay inta badan wax ka dhagaysan, laakiin ka maqani inuu ku leeyahay Tacdiir balaadhan, idinkuna dadaalkiina halkaa ka wada.
   

Su'aal SNN:
Maxamed dhawaan waxaad ururka ASAD ku wada dhawaaqdeen shir weyne Qaran, intii aad ASAD doorashada kusoo dhawayn lahaydeen ma waxay noqotay idinkii inaad shir weyne Qaran ku dhawaaqdaan?
   
Jawaab M.Hashi: Horta cid diidani ma jirto inay doorasho xalaal ahi dhacdo,ama ASAD ha ahaato ama Salaadiinta Burco, iyo Beelaha Burco degen ha ahaatee cid diidan doorasho xalaal ahi dhacdo ma jirto, lakiin cid waliba waxay ka war warsanayd inaan doorasho xalaal ahi dhacayn sida runta ahna sidii ay sheegayeen maanta way taagantahay,oo waa tan la leeyahay hala kordhiyo, iyagu taasuun bay lahaayeen wax halagii sii qabsado, ASAD kumay se khaldanayn hadday tidhi doorasho xalal ahi dhici mayso salaadiinta burco iyo labadii Gudi ee burco u midaysnaa tay lahaayeen wax beena may ahayn, Annaguna waanu garanaynay laakiin anagu waxaanu lahayn la gudhiya ilaa sharciga inta u dambaysa, tiina waa taa maanta isa soo xidhay ee aynu sheegayno ee doorashadii dhici lahayd ee local-ku aanay dhicin tii madax weynaha iyo madaxweyne ku xigeenku aanay dhacayn tii baarlamaanka ay cabsi ku jirto intan uun buu dadku sii sheegayay sida runta ah , dadkii lahaa doorashaa dhacaysa waa dad aan fahmin ama aan garan ama taariikhda la socon, maamulka maanta jira inaanu waligiiba doorasho xor ahi oo xalaali ahi aanay ka dhicin tii hore 1969kii wixii ka dhacay waa tii la ogaa, Afweyne ayay dhashay. Anagu waxaanu ku talo jirnay inaanu soo dhawayno ASAD iyo beelaha Burco iyo ururada kale 3-4 bilood bay nagu qaadatay intii aanu isu soo jiidi lahayn walina kamaanu hadhin, ASAD wuu noo socdaa wada hadalkii Salaadiinta iyo qolada Burcana wuu noo socdaa kuwa Hargeysa joogana wuu noo socda. Waxaan qabaa waxaan Guurtidu xumaynin Somaliland kama xumaan karo.
Su'aal SNN: Waxa la sheegayaa inay madax dhaqameedyadu dhawaan qaban doonaan shirweynihii Qaran iyadoo uu 23 January soo dhawyahay, markaa makala hadasheen si aanay Dowlad laaani inoogu dhicin inay qorshahaa dib u dhigaan?

Jawaab M.Hashi: Horta kolka aynu Dowlad laaan ka hadlayno Dowlad ku meel gaadh ah iminka waa loo baahan yahay oo lagama gadhsiin karo doorasho lix iyo tobanka cisho ee hadhay iyaguna tanuubay ka siihadlayeen inta aanay dhicin shir qaran hala qabto oo dawlada halasamaysto uunbay lahaayeen, halka uu golaha guurtidu ha loo kordhiyo si sharcidaro uu u leeyahay waayo QOD.83aad maanta kuma jirno xaalad nabadgelyo daro ah kolka taasaanu u kordhinay ay yidhaahdaan waa mushkilad taagan oo ay abuurayaan.
   
Su'aal SNN: Adigu waxaad tahay nin Soomaalilaanimada ku ad-adag, Suldaamada aad baaqooda taageersan tihiin waxa ku jira rag xildhibaano carta ah oo aan mawqifkooda cadayn markaa ma kala hadasheen arintaa?

Jawaab Hashi: Way jiraan laakiin qoraalkii ay soo saareen Suldaamadu waxay yidhaaheen Somaliland waa muqadas Suldaanka aad sheegaysaan kuwaa saxeexay ayuu ka mid yahay inay Somaliland muqadas tahay, ee mid ma ogtihiin idinku Wasiirkeena khaarajigu inuu isaguba Carta ahaa, uuna ka yimid Muqdisho oo uuna odhan waan ka baxay, oo aanu inoo sheegin iyadoo meesha uu inoo hayaa ay tahay meel xaasaasi ah oo khaarajigii ah, isaga Anigu hadaan ka maarmi waayo Beel ahaan usoo galo siyaasiyan ma waxa loo waayay wasiirka caafimadka iyo meel kale oo lagu leexiyo, arintu dhinucuun kama xumee xukumada ayay wax ka si yihiin.

Su'aal SNN:
Ururkiinan SAHAN waxaa ku jira rag kasoo tirsanaan jiray Xukuumada, Wasiiro iyo Agaasimayaal guud, may cadayn jirin waxba intay xilka hayeen, haddii madaxweyne kale xilka qabto iyagana loo dhiibo xilal wax may cadayn? Mise markay xilka tiriyaan ayay mucaarid noqon ?

Jawaab Hashi: Dadkii dawlada u shaqaynayay ceeb kuma aha inuu dawlada u shaqeeyo laakiin wuxuu qabanayay ayay ku xidhantahay,waataan ku lahaa wasiirka maaliyadu ama ka ganacsiga, oo ogaladay in hantidii umada la baal mariyo ee isagu masuulka uu ka ahaa waa dambiile, kama saamaxayso laakin nin wasiir ahaa oo shaqaynayay baa ku jiray mid DG ahaabaa ku jiray ceeb maaha shaqadu, laakin wuxuu la yimaado ah ayaa Record ah, laakin waxaan qabaa in nin walba faylkiisa la furo loo raaco.

Su'aal SNN: Halkee ayuu marayaa kulankii aad lahaydeen ururadiina siyaasadu, gaar ahaan ASAD?

Jawaab Hashi: ASAD ku kala tagnay waxay ahayd shir beeled hala qabto iyo hala is diiwaan geliyo, oo doorashada hala galo, qolayaha kalana , waxa faraqayagu ahaa Dowlada haloo kordhiyo iyo Dowlada mudadeeda korodhsiimo looma baahna wixiise la qabanayaba sharciga hala waafajiyo ayaanu leenahay laakin waa la kordhiyay aan meelnaba la waafajinayn taas ayaanu kasoo hor jeednaa.

Su'aal SNN: Guddida doorashada mala kulanteen weli ?

 Jawaab Hashi: Shalay baanu la kulanay si wanagsana waanu u wada hadalnay, gudidu waxay u baahan tahay inay wixii ay ku shaqayn lahayd la siiyo, inay Gaadiid lahaato Dalku wuu kala fogyahay, inay tirokoobkii sameeyaan, inay hawshooda galaan iyo inay daacad ka noqdaan hawsha ay ku jiraan kolkay halkaa yimaadaan inay noqdaan dad ummadda u shaqaynaya, si wanaagsan ayaanu u wada hadalnay , midh waanu uga dignay in sanaaduuqda, shaambdaha iyo waraaqaha doorashada in waxaasi ay UDUB sii samayso, Annaga xagayaga xaaraan bay ka tahay, waayo waa shaqadoodii, hadday sameeyaana inaad aqbashaan maaha.

   Waxa wareysigaas SNN u Qaadey:
   
Maxamed Xuseen Jaamac (Moxamed RAMBO).
   SNN Correspondent in Hargeysa, Somaliland.

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE